free adobe acrobat 5 downloads Adobe Acrobat 9 Pro Extended adobe acrobat 7 specs

Xirsi Cali X.Xasan, G/xigeenkii hore ee Komishanka oo sheegay inuu Dacwad ku soo oogi doono Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan oo laga siidaayey xabsi maxkamad la’aan ah oo uu ku jirey muddo bil ah ayaa sheegay inuu dacwad ku oogayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isaga oo ka daba joogga eeddii hore wasiirku ugu eedeeyey Xirsi inuu xidhiidh la [...]


Silanyo Speaks of Political Harrassment By Riyale Administration

Isu Soobax Laysugu Yimid Xarrunta Dhexe ee KULMIYEHARGEISA (Somaliland.Org) Supporters and members of the public gathered at the headquarters of KULMIYE party today following yesterday’s announcement by the party inviting the public to come and listen the party’s views on current political crisis in Somaliland.


“Waxaanu caddaynaynaa inaan dulqaad dambe u yeelan doonin…” Warsaxaafadeed uu soo saaray Xisbiga KULMIYE

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa cambaareeyey xadhigga Abshir Xasan Xaashi oo xubin ka ah Golaha Dhexe ee xisbiga, isla markaana sheegay in aanay dib ugu dulqaadan doonin, uguna adkaysan doonin.


Taliyaha Booliska oo isku beeniyey sababta loo xidhay Abshir Xasan Xaashi

Hargeysa (Somaliland.org) – Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa beeniyey war uu hore warbaahinta u siiyey oo uu ku sheegay in Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE loo haysto aflagaaddo uu u geystey Madaxtooyada.


Abshir Xasan: Darawalkii Hore ee Marwada Madaxweynaha oo Boolisku u qabtay si argagixiso ah

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa caawa si argagixisonimo ah uga qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, Abshir Xasan Xaashi oo mar ahaa darawalka khaaska ah ee Marwada Madaxweyne Riyaale, haatanna ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.


“Haddii aanu wax cad ku hayno maanu siideyneen,” Wasiirka Arr. Gudaha

Abdillahi Ismail Ali (Cirro), The Interior MinisterOrders of political arrest originate from Riyale’s inner circles Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo hore ugu eedeeyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida, 09 April, kaas oo loo xidhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga, [...]


Cuqaal iyo Oday reer Hargeysa ah oo loo xidhay bayaan ay soo saareen

Laba Caaqil iyo Oday ka mid ahaa koox cuqaal ah oo dhowaan Hargeysa ka soo saaray bayaan beeleed oo ay kaga soo horjeeddaan Mudda-kordhinta Madaxweynaha, ayaa la xidhay maanta.


Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa oo la xidhay iyo Muj. Maxamed Kaahin oo Xukuumaddu isku deyayso inay qabato

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in amar lagu siiyey inay soo qabtaan Muj. Maxamed Kaahin Axmed. Waxaana la xidhay oo uu boolisku qabtay maanta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mr. Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji). Sida ay sheegayaan dad goob joog ah koox boolis ah oo lagu soo amray inay soo qabtaan [...]


Waxgaradka Togdheer oo Bayaan ka soo saaray Xadhiga Oday Reer Burco, Deyr Maxamed Cilmi

Burco (Somaliland.org) – Bayaan ay soo saareen xalay waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Togdheer ayay ku cambaareeyeen xadhigga sharci-darrada ah ee lagula kacay qaar ka mid ah odayaasha iyo dhallinyarada reer Burco oo lagu xidhay magaalada Haraysa iyagoo aan wax dambi ah galin, balse marmarsiiyo looga dhiganayo wax aanay gayin. Haddaba, bayaankan oo ay ka saxeexnaayeen [...]


Wareegtada Madaxweyne Rayaale Ku Sii Daayay Hoggaanka Qaran Iyo Sirta Ku Duugan Erayga Cafis Ee Uu Isticmaalay

Madaxweyne RiyaaleHargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa digreeto uu soo saaray 17/12/07, waxa uu ku cafiyay hoggaanka siyaasadeed ee ururka QARAN, kuwaas oo muddo shan bilood ku siman ku jiray xabsiga Mandheera, ka dib markii ay maxkamadda gobolka Hargeysa ku riday xukun isugu jiray xadhig iyo xayiraad siyaasadeed


Madaxweyne Riyaale oo uga digey Madaxda ururka Qaran inay mar dambe baalmaraan Sharciga iyo Jawaab Dr. Gaboose ka bixiyey

Dr. Maxamed Cabdi GabooseHargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa uga digey madaxda ururka Qaran ee xabsiga laga siidaayey inay mar kale baalmaraan sharciga, isaga oo sheegay in ciddii aan sharciga marin uu qaban doono sharciga dalka u yaalla.


Siyaasiyiinta QARAN oo xabsiga laga sii daayay 144 maalmood ka dib

Siyaasiyiinta Urur siyaasadeedka QARAN waxa xabsiga laga sii daayay December 18, 2007 kadib markii ay xabsiga ku jireen muddo 5 bilood oo maalmo dhiman ah “Sifihii nalagu kaxeeyey uun baa iminkana nalagu soo celiyey,” Siyaasiyiinta ururka Qaran oo shir jaraa’id kaga hadlay siideyntooda iyo mawqifkooda Siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran oo la filayo in Caawa [...]


“Sifihii nalagu kaxeeyey uun baa iminkana nalagu soo celiyey,” Siyaasiyiinta ururka Qaran oo shir jaraa’id kaga hadlay siideyntooda iyo mawqifkooda

Hargeysa (Somaliland.org) – Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee muddada Afarta Bilood ka badan ku xidhnaa jeelka Mandheera ayaa xorriyaddoodii loo soo celiyey, xalay saqdii dhexena xabsiga laga siidaayey, iyada oo guure lagu soo geliyey magaalada Hargeysa. Siyaasiyiinta ururka Qaran, Guddoomiyaha ururka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labada Guddoomiyekuxigeen, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid [...]


Madaxdii Ururka QARAN oo la sii daayay

Madaxdii ururka QARANMadaxda QARAN ayaa maanta xabsiga laga sii daayay kadib muddo 5 bilood ku dhow oo ay u xidhnaayeen arrimo siyaasadeed.


Siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran oo la filayo in Caawa xabsiga laga siidaayo

Hargeysa (Somaliland.org) – Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee muddada Afarta Bilood ka badan ku xidhan jeelka Mandheera ayaa lagu wadaa caawa in xabsiga laga siidaayo. Sida ay sheegeen warar laga helay ilo kala duwan oo xogogaal ah, Madaxweyne Riyaale ayaa cafis u fidiyey siyaasiyiintaas. Waxayna wararku sheegayaan in warqadda amarka siideynta siyaasiyiintaas uu caawa ula [...]


Koox Salaaddiin ah oo booqasho dhexdhexaadin ah ugu tegey siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran

Hargeysa (Somaliland.org) – Koox Salaaddiin ah oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada beelaha deegaanka Hargeysa ayaa shalay booqasho ugu tegey siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee ku xidhan Jeelka Mandheera. Salaaddiintaas oo toddobaad ka hor ay soo baxday booqashadooda Mandheera oo lagu tilmaamay mid la xidhiidha waanwaan ay isku deyayaan inay ku soo afjaraan xadhiga siyaasiyiintaas, waxa [...]


Suxufiyiintii ka soo qaxay Muqdisho oo la siiyey 5 maalmood inay dalka kaga baxaan

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa 5 maalmood oo kale siisay suxufiyiin reer Soomaaliya ah oo ay shalay amar ku siisay inay muddo 24 saacadood ah kaga baxaan dalka Somaliland. Suxufiyiintaas oo ka soo qaxay dagaalada Muqdisho, isla markaana u soo firdhaday dhinaca Somaliland oo ay soo magangaleen ayaa Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, [...]


Xukuumadda Somaliland ku amartay 23 suxufi oo ka soo qaxay Muqdisho inay 24 saacadood dalka kaga baxaan

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku siisay 23 suxufiyiin ah oo ka soo qaxay magaalada Muqdisho inay 24 saacadood dalka Somaliland. Suxufiyiintaas oo ka soo firdhaday dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, waxa martigeliyey oo ku qaabiley Hargeysa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ururrada caalamiga ah ee daneeya saxaafadda iyo xuquuqul Insaanka la [...]


Iska horimaad dhexmaray Ciidanka Booliska Burco iyo Koox Hubaysan oo dhimasho iyo Dhaawac geystey

Burco (Somaliland.org) – Hal Askari oo Boolis ah ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay, laba kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaad tacshiirad xoog leh la isu adeegsadey oo caawa ku dhexmaray badhtamaha magaalada Burco koox hubaysan iyo ciidanka Booliska ee saldhigga dhexe ee Booliska Burco. Tacshiirad xooggan oo caawa abaaro 11:00 fiidnimo oo 10 daqiiqo [...]


Abwaan-Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) oo ka war bixiyey arrintii dhex-dhexaadinta. Xogoh, talooyin iyo tusaalayn cajiib ahna ka soo jeediyey

Somaliland.org – (Hargeisa, Somaliland) Guddoomiyihii ergadii dhex-dhexaadinta; Abwaan-Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa soo saaray, war-bixin dheer oo qoraal ah oo xanbaarsan talooyin cul-culus oo si toos ah ugu socda Madax-weyne Riyaale, iyo weliba hoga-tusaalayn guud, oo ka dar-daar werinaysa xaaladdaha dhinacyada kala-duwan ee dalku maanta ku sugan yahay, oo u baahan ka hor-tegid, wax ka-qabasho [...]


Xadhigga Suxufiyiintu Wuxuu Baalmarsanyahay Dastuurka Iyo Shuruucda Somaliland

Saddexda suxufi ee wargeyska Haatuf?oo xaqdarro u xidhanaayeen muddo?86 maalmood ah ayaa maanta oo bishu tahay 29 March 2007,? uu madaxweyne Riyaale amray sii dayntooda kadib markii?uu guud ahaanba ku guuldarraystay ujeedadii?uu?ka lahaa xadhigooga. Caddaadis, cambaarayn iyo ceebo badanina ay kaga?yimaaddeen gude iyo dibadba kuwaas oo kaga yimid?dawladaha deeqda bixiya, shacbiga iyo ururada xuquuqal insaanka [...]