Hargeysa (Somaliland.org) - Xukuumadda wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Madaxweyne Riyaale ayaa sheegtay in Komishanka Doorashooyinka iyo Akadeemiyada Nabaddu ay sii wadaan dhexdhexaadinta labada xisbi ee mucaaridka ah iyo Xukuumadda, dhakhsona ay rajeynayaan inay wadahadal fool-ka-fool ah ay isku soo horfadhiistaan.
Xubno ka tirsan Guddi wasiirro ah oo Madaxweyne Riyaale u xilsaaray inay u metelaan dhexdhexaadinta uu …
Hargeysa (Somaliland.org) – Golihii keli ahaa ee Shacbiga Somaliland sida dimuqraadiga ah u soo doortay, isla markaana ahaa astaan u taagan dimuqraadiyadda Somaliland ayaa ogolaaday inuu hoggaamiyo fadhi la mid ah golihii Shacabka ee Siyaad Barre, isla markaana dhegeysto khudbad keli-taliye aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin Wakiillada la soo doortay iyo xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee …
… waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono. Qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono.
Waxaa maanta labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada si wada jir ah ugu jeediyey qudbad Madaxweynaha waqtigiisii dhamaanayo ee Riyaale. Hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo malaha loogu tala galay qudbad sanadeedkii ayaa sida lasheegay waxaa fadhiyey 138 mudane oo labada gole ah …
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa berrito inuu hortago labada gole ee Baarlamaanka – Guurtida iyo Wakiillada – halkaas oo uu hadal uga jeedin doono xildhibaanada labada Aqal.
Warka sheegaya in Madaxweyne Riyaale berrito hadal u jeedinayo labada gole ee Baarlamaanka oo aan si rasmi ah daboolka looga qaadin, waxa …
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo ay Madaxtooyadu si kulul ugaga jawaabtey hadal ka soo yeedhey guddida oo ku saabsan Tacriifadda Dekeddu kordhisey iyo koru kaca qiimaha Shidaalka.
Guddida Dhaqaaluhu qoraal ay maanta soo saareen oo ay ku iftiimiyeen hadalkoodii Madaxtooyadu …
Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay inay diyaar u yihiin, ayna soo dhoweynayaan waanwaan uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka dhex wado Madaxweyne Riyaale iyo labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE, balse, waxa ay sheegeen in aanay wadaxaajood ka gelayn go’aanka Guurtidu muddada ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen sharcidarro.
Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo shir jaraa’id oo ay qabteen toddobaadkan ugu baaqay shacbiga Somaliland in aanay bixin cashuur sharci darro oo aanu Golaha Wakiilladu ansixin, iyaga oo ka hadlayey tacriifadda ay kordhisey Dekeddu.
Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xisbiyada Mucaaradku u soo wakiisheen wada xaajood dhex mara Madaxweyne Rayaale iyo afar wasiir oo uu Madaxweyne Rayaale soo wakiishay ayaa kulankoodii u horeeyay dabayaaqadii toddobaadkan ku yeeshay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fadhigii shalay ee golahaas mudanayaasha ku wargeliyay inuu ku hawlan yahay dhexdhexaadin la xidhiidha muranka siyaasadeed ee ka aloosan mudo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay …
Waxa weeye cashuur lama bixin karo aan Baarlamaanku jidaynin oo waa sharci-daro, waa xaq-daro lamana bixin karo. Ka bixiyaana isaga ayaa wax u jeeda. Qodobka 14aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa bixinta cashuurta iyo waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa maslaxada ummada, sidaa daraadeed cashuur ama takaaliif aan xeer waajibinin lama qaadi karo, ummada waxeedii maalin walba cashuur ayaa lagu kordhiyaa,
Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay yeeshay fadhi albaabadu u xidhan yihiin, kaas oo lagaga wadahadlayey turxaanbixinta golaha dhexdiisa iyo sidii Goluhu mawqif iyo kaalin uga qaadan lahaa xaaladdan cakiran ee dalku haatan marayo.
Fadhigan albaabadu u xidhan yihiin oo uu shirguddoonku u soo jeediyey Golaha fadhigii Axaddii, waxa uu daba joogaa fadhiyo hore …
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigiisii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Ajandaha Kalfadhiggiisa 6aad, kadib markii wax laga beddeley Ajandaha oo hore golaha buuq uga dhaliyey, isla markaana goluhu diidey.
Fadhiga Golaha Wakiillada ee maanta oo ay fadhiyeen 48 mudane, waxa ogolaaday Ajandaha oo ansixiyey 33 mudane, halka 4 mudane ay diideen …
Hargeysa (Somaliland.org) - Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada ayaan qabsoomin, kadib markii uu buuxsami waayey Kooramkii uu fadhigu ku furmi lahaa, iyada oo ay jirto xiisad golaha ka dhex taagan.Golaha Wakiillada Somaliland oo kalfadhigiisa 6aad uu si rasmi ah u furmay laba toddobaad muddo hadda laga joogo ayaa muddanayaashu waxay fadhigii shalay is hortaageen …
Hargeysa (Somaliland.org) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, lagana soo doortay Gobolka Sanaag ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Sanaag ay isu celiyeen Abaaro ba’an, xaaluf iyo dagaal dhaqaale oo kaga socda dhinaca Puntland. Waxana uu ka digey haddii xaaladdu sidaa ku sii socoto oo aan degdeg …
Hargeysa (Somaliland.org) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa maanta hortegey Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, isla markaana warbixin ka siiyey hawlaha wasaaraddiisa iyo dhaqdhaqaaqyada xukuumadda ee dhinaca arrimaha Dibadda.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu guddida hortegey maanta, kadib markii Guddida Joogtada ah ee Goluhu u yeedhay, si uu warbixin uga …
Hargeysa (Somaliland.org) - Labaataneeyo mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shirguddoonka u gudbiyey mooshin ay Axaddii dorraad mooshin ay ku dalbanayaan in Goluhu go’aan ka gaadho Xeer No. 14, Xeerka Diiwaangelinta Axsaabta iyo ururrada Siyaasadda, kaas oo uu muran ka taagan yahay.
Xeerkan ayaa murankiisu taagnaa tan iyo bishii March markii lagu dhawaaqay ururka …
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Wakiillada Somaliland ayaa toddobaadkan ka doodayey xeerka Dhismaha Komishanka Xuquuqul Insaanka dowladda oo xukuumaddu golaha u soo gudbisey.
Hargeysa (Somaliland.Org) - Komishanka Doorashooyinka Ayaa Saaka Si Ku-meel-gaadh ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Tartanka Golaha Wakiilada Somaliland ee Dalka Ka Dhacday 29-kii September, 2005