Tag Archives: ucid

Labada Xisbi ee Mucaaridka ah oo Mar kale ku celiyey in aanay Aqoonsanayn Madaxweyne Riyaale kadib 15 May 2008, Shirna isugu yeedhay Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee Labada Xisbi

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mar kale ku celiyey in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin marka la gaadho 15 May, 2008 oo muddada xilkiisa dastuuriga ahi ku egtahay. Waxayna ku isugu yeedheen shir ay xaaladdan kaga tashanayaan Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee labada xisbi […]

Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo mawqif midaysan ku diidey go’aanka Guurtida ee mudda-kordhinta: “Marka 15/05/2008 Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne”

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha […]

Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ku dhawaaqay Caawa Heshiis ay ka gaadheen wakhtiga Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda xisbi Qaran ayaa caawa fiidkii wada saxeexay heshiis ay ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelintu qabsoomayaan, kaas oo ku salaysan jadwal wakhtiyaysan oo Komishanku u gudbiyey axsaabta shalay. Heshiiskani waxa uu dhigayaa in diiwaangelinta codbixiyayaasha la soo gebagebeeyo 5ta Octoober, laba maalmood kadibna la qabto doorashada ugu […]

Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo go’aan wadajir ah ka soo saaray sida looga gudbayo marxaladda dalku marayo

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa go’aan wadajir ah galabta ka soo saaray xaaladda dalku wakhtigan marayo, kadib kulamo xidhiidh ah oo ay kaga wadatashanayeen dib u dhaca doorashooyinka, jadwal cusub oo Komishanku u dhigay doorashooyinka iyo weliba dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha. Go’aankaa labada xisbi oo ay ku saxeexan […]

Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee Mucaaridka ah oo Kulan Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Shirguddoonka Guurtida iyo arrimihii ay ka wadahadleen

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa maanta tegey xarunta Golaha Guurtida Somaliland, waxayna kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo odayaal ka tirsan Guddida joogtada ah ee Golahaas. Kulankaasi kadib ayaa Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe […]

Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah oo Mawqif adag iska taagey Mudda-kordhin Madaxweynaha iyo Jawaab isburinaysa oo Madaxtooyadu ka bixisay

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa mawqif adag iska taagey mudda-kordhin la sheegay in Madaxweyne Riyaale ka qalqaashanayo Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn in maalin dheeraad ah uu ku darsado Madaxweyne Riyaale muddada xilkiisa oo ku […]

Labada Xisbi ee Mucaaridka, UCID iyo KULMIYE oo ganafka ku dhuftay go’aanka Komishanku ku tirtirayo Guddiyada Doorashooyinka ee gobolada iyo Degmooyinka loo magacaabay: Xukuumadda oo sheegtay in Komishanku fashilmay

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa ganafka ku dhuftay Go’aan Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku laalay guddiyadii Komishanka Doorashooyinka ee laga soo dhisay gobolada iyo degmooyinka Dalka. Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, warsaxaafadeed wadajir ah oo ay galabta soo saareen, kadib shir ay maanta yeesheen labada xisbi […]

Socdaalkii Hogaanka UCID ee Yurub iyo W. Ameerika: Horaantii 2008

Socdaalkii wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ee sanadkan 2008 wuxuu la mid ahaa kuwii ay horay ugu tegi jireen wadamadaas iyo adduunka intiisa kaleba tan iyo intii xisbiga cadaaladda iyo daryeelka la asaasay 2002 iyo intii ka horeysay illaa iyo markii ay shacbiga Somaliland go’aansadeen iney gobannimadoodii qaaliga aheyd dib ula soo noqday May 1991.

Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo mawqif Midaysan ku diidey Guddiyada Komishanku u dhisay Gobolada Awdal, Hargeysa iyo Saaxil

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada Xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mawqif midaysan iska taagey guddiyada Komishanka Doorashooyinku ka dhisay Saddexda Gobol ee galbeedka dalka ee noqonaya Guddiyada Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta. Waxayna ugu baaqeen Komishanka Doorashooyinka inay dib ugu noqdaan liisaska guddiyadaas ee ay shaaciyeen Sabtidii. Hoggaanka labada xisbi, shir jaraa’id oo ay maanta […]

Guddoomiyayaasha Gobolka Hargeysa ee labada xisbi ee Mucaaridka ah oo qaaddacay Guddida Komishanku u magacaabay Gobolkooda

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyayaasha Gobolka Maroodijeex ee labada xisbi ee Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn xubnaha loo magacaabay Komishanka Gobolka Hargeysa iyo Degmada Gebiley, isla markaana ay qaaddacayaan. Labada Guddoomiye Gobol ee labada xisbi, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) oo ah Guddoomiyaha Gobolka ee Xisbiga KULMIYE iyo Xasan […]

Xisbiyada Mucaaridka ah oo ku eedeeyey xukuumadda inay lugta jiidayso diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa werwer ka muujiyey khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumadda, kaas oo ka dhashay qaabka loo samaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxayna ku tilmaameen qorshe xukuumaddu doonayso inay lugta jiiddo hannaanka diiwaangelinta iyo doorashooyinka, si ay qiil ugu hesho mudda-kordhin. Wargeyska Haatuf ayaa cadadkiisii shalay […]

Xisbiga KULMIYE oo jawaab ka bixiyey Dhalleecayn uu u jeediyey xisbiga UDUB “Malaha Cumar Jaamac waxaanu fahmin wixii laga hadlayey..”

Hargeysa (Somaliland. org) – Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey eedayn iyo dhalliilo uu u soo jeediyey Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, kaas oo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu kala hadlay Jendayi Frazer arrimo Gudaha Somaliland ah horraantii toddobaadkan markii ay booqashada ku […]

Axmed Siilaayo iyo Dr. Gaboose oo ka waramay Waxyaabihii ay ka wadahadleen Jendayi Frazer kulamadii ay la yeelatay Saddexda Xisbi iyo ururka Qaran

jandeyfrazer1.jpgHargeysa (Somaliland.org) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Rayi-qaadis uu sameeyey HCTV oo saadaalisay in KULMIYE

Rayi-qaadis ku saabsan arrimaha doorashooyinka Somaliland ooo uu sameeyey telefiishanka madaxa bannaan ee HCTV, ayaa natiijadii ka soo baxday rayi-qaadistaa xalay lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, oo ay ka qaygaleen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, Komishanka doorashooyinka qaranka, masuuliyiin ka socday urur-siyaasadeedka QARAN, xildhibaanno ka socday Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahano, […]

Madaxweyne Riyaale oo kulan la yeeshay Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka iyo xoghayaha UDUB

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo uu weheliyo kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta la kulmay Guddoomiyayaasha labada mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE iyo xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB. Kulankaas oo saaka ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin. Hase yeeshee, […]