Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’

Cabdi-Casiis Aadan Habane oo ahaa wadaha gaadhigii lagu dhex toogtay Alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac magaalada Hargeysa markay taariikhdu ahayd 26/4/2008 ayaa Salaasadii dorraad la saaray Maxkamad milateri, iyada oo ilaa hadda aanay bileysku soo qaban gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.


Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

Hargeysa (Somaliland.org) – Saddex qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, maanta magaalada Hargeysa.


Wasiirka Arrimaha Gudaha oo faahfaahin ka bixiyey falkii lagu dhaawacay Madaxii hay’adda Hallo Trust

Hargeysa (Somaliland.org) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi Cirro) ayaa sheegay in falkii toogashada ahaa ee shalay lagu dhaawacay madaxii hay’adda Hallo Trust ee magaalada Hargeysa, Mr. Arman aanu ahayn fal argaggixiso, wax siyaasad ahna aanu ku lug lahayn, balse, uu falkaa geystey nin hore uga tirsanaa shaqaalaha hay’adda oo ku …