Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Waxbarashada Somaliland, mudane Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) ayaa caddeeyey in Manhajka cusub ee Waxbarashada Somaliland uu yahay mid ay la wadaagto Soomaaliya, isku meelna lagu daabacay. Waxana uu jawaab ka bixiyey warar toddobaadkan saxaafadda guduhu faafisay oo sheegaya in Manhajka cusub ee waxbarashada Somaliland ee Dugsiyada Dhexe laga saaray taariikhda [...]
Hargeysa (Somaliland.org) – Manhajka Waxbarashada ee dugsiyada Dhexe ee Somaliland ayaa la xaqiijiyey in laga saaray cutubyadii ka hadlayey taariikhda ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo halgankii loo soo maray xorraynta iyo dhismaha Somaliland. Waxaana arrintaas si cadho leh uga hadlay madaxda iyo siyaasiyiintii hoggaamineysey ururkii SNM oo ku tilmaamay Khiyaamo Qaran iyo wax [...]
” Ma sheegi karo kuwa ay yihiin, laakiin waanu siinaa oo waanu ku darnay miisaaniyadii kal hore” Wasiirka Waxbarashada Xasan Gadhwayne oo ka hadlaya macalimiinta Iskuulka Dhagaxdheer ee Degmada Xaaji Xasan Geelle mushaharkooda
Dhowaan waxa dhagaxa la dhigay dhismaha dugsi sare oo laga dhisi doono magaalada Ballidhiig oo ka tirsan degmooyinka gobolka Togdheer. Waxa uu noqon doonaa dugsigii sare ee ugu horreeyey ee degmadaasi yeelata weligeed.Dhismaha dugsigan sare waxa iska kaashan doona Jaaliyadda dibedda ee ka soo jeedda degmada Ballidhiig, gaar ahaan jaaliyadda UK iyo dadweynaha degmada Ballidhiig [...]