KULMIYE oo qaddiyadda Somaliland gaadhsiiyay shirwayne caalami ah (daawo sawirrada)

Xisbiga Kulmiye ayaa bilaabay olole xooggan oo uu Somaliland ugu baadigoobayo saaxiibo caalami ah oo ka caawiya dhisidda dimuqraadiyadda, horumarinta bulshada iyo xasilinta aqoonsi siyaasadeed, wakhti ay xukuumada hanan kari la’dahay saaxiibadii shisheeye ee dalku hore u lahaa.


Xafladii Xuska 18ka May Ee Toronto, 2008

Waxaa habeenkii Axadii si weyn looga dabbaal degay xuskii sanadguurada 17 aad ee Somaliland oo ay ka soo qayb galeen dadweyne gaadhayay illa 1500 oo qof. Waxay ahayd xaflad si qurux badan loo soo agaasimay hawsheedana ay isku soo duba rideen ururka Horumarinta Somaliland ( SDO) iyo ururka haweenka Somaliland Ee Toronto oo loo yaqaan Somaliland Women Association.


Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland 18 May 2008 Mysore India

Isu Soobax Laysugu Yimid Xarrunta Dhexe ee KULMIYEXuska maalinta sanad guurada 17aad ee Jamhuuriyada Somaliland 18 May 2008 ayaa lagu Qabtay Dalka India ee gobolka Karnataka Magaalada Mysore, xafladaas oo si heer sare ah ay u so agaasimeen ururka ardayda Somaliland.


Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi oo Dadweynaha Hargeysa, Burco iyo Boorame kala qaybgalay xuska 18ka May iyo Nuxurka Khudbadihii ay u jeediyeen

Isu Soobax Laysugu Yimid Xarrunta Dhexe ee KULMIYEHargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta kala qaybgalay xuska munaasibadda 18ka May dadweynaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame, iyaga oo khudbado uga jeediyey dadweynaha fagaarayaal.


Wefti ka socda Safaaradda Britain ee Addis Ababa oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Riyaale iyo madaxda xisbiyada Mucaaridka

Hargeysa (Somaliland.org) – Wefti ka socda Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, Ethiopia oo uu hoggaaminayo, Mr. John Marshall oo ah kuxigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa ayaa maanta ka ambabaxay dalka, kadib markii uu dhammaystay booqasho laba maalmood ah oo uu ugu kuurgelayey xaaladda xasaasiga ah ee xilligan ka taagan Somaliland.


Qudbadii Birgitta Ohlsson ee Shirka Xisbiga KULMIYE, Hargeisa, Somaliland

Birgitta Ohlsson is a member of the Swedish Folkpartiet PartyAfhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. “Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha. Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax …”


Fekeredihii Ergayga Xoghaya Guud ee Qaramada Midobay Mudane Axmed Walid Cabdalla u soo jeediyey Axsaabta Siyaasiga ah ee Somaliland?, By: Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan

Ergaygu wuxu sheegay Axsaabta siyaasadda ee Somaliland

inuu Somaliland u yimid in uu xog ogaal u noqdo xaaladda Somaliland
inay reer Somaliland talo ka bixiyaan sidii beelsha caalamaku mixnadda uga saari lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku silcaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Dareenkii Naxdinta Lahaa ee Ambassdor Axmed Walid ka Bixiyey Soomaaliya
Ambaassodor Axmed Walid Cabdalla wuxu aad uga dayriyey …


Dowladda Maraykanka oo Caddaysay in aanay waxba iska beddelin Mawqifkeedii Aqoonsiga Somaliland iyo Jawaabta Madaxweyne Riyaale

Washington Dc (Somaliland.org) - Dowladda Maraykanka ayaa caddaysay in aanay waxba iska beddelin mawqifkeeda ku aaddan Aqoonsiga Somaliland, kadib wadahadalo Madaxweyne Riyaale la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, halkaas oo uu booqasho ku joogo.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, McCormack oo Khamiistii saxaafadda warbixin siinayey ayaa la weydiiyey in kulankii Kaaliyaha Xoghayaha …


“Intii aan dibedda marayay waxaan ogaaday Daahir Rayaale in aanu daacad ka ahayn gooni-isu-taagga Somaliland oo ajande kale uu leeyahay,” Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Fiisaha Baasaboorka Yuusuf GaboobeHargeysa (Saxan) -Guddoomiyaha wargeyska Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo todobaadkii hore ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray dhowr dal oo Yurub ah ayaa sheegay in madaxweyne Rayaale aanu daacad ka ahayn qaddiyada Somaliland isla markaana uu leeyahay ajande qarsoon.


The Pentagon’s View Is That “Somaliland Should Be Independent,” Another Defense Official Said.

“Somaliland is an entity that works,” a senior defense official said. “We’re caught between a rock and a hard place because they’re not a recognized state,” the official said. The Pentagon’s view is that “Somaliland should be independent,” another defense official said. “We should build up the parts that are functional and box in” Somalia’s unstable regions, particularly around Mogadishu.

In contrast, “the State Department wants to fix the broken part first — that’s been a failed policy,” the official said.