Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo si wadajir ah oo adag ugu cambaareeyey xukuumadda dhacdadii shalay

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada ee Xisbi Mucaaradka ah, KULMIYE iyo UCID, ayaa si adag ugu cambaareeyey sidii ay xukuumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqantay dadkii muddaharaadka cabashada ah sameeyey shalay, waxayna ku eedeeyeen xukuumaddu inay isticmaashay xoog dheeraad ah oo sababay dhimasho iyo dhaawaca soo gaadhey dad shacab ah.


Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

Hargeysa (Somaliland.org) – Saddex qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, maanta magaalada Hargeysa.


Iska horimaad dhexmaray Ciidanka Booliska Burco iyo Koox Hubaysan oo dhimasho iyo Dhaawac geystey

Burco (Somaliland.org) – Hal Askari oo Boolis ah ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay, laba kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaad tacshiirad xoog leh la isu adeegsadey oo caawa ku dhexmaray badhtamaha magaalada Burco koox hubaysan iyo ciidanka Booliska ee saldhigga dhexe ee Booliska Burco.
Tacshiirad xooggan oo caawa abaaro 11:00 fiidnimo oo 10 daqiiqo dhiman, …


Xiisad ka aloosan Bariga Berbera iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo iscasilaad qarka u saaran

Berbera (Somaliland.org) – Bariga magaalada Berbera ayaa lagu soo warramay inay ka aloosan tahay xaalad kacsan oo ka dhalatay dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo u dhexeeya ciidamada Ilaalada xoolaha ee xukuumadda Somaliland iyo kooxo ganacsato iyo kalluumaysato ah oo ka shaqaysta xeebaha bariga Berbera.
Xiisaddan oo soo jiitameysey tan iyo dabayaaqadii bishii hore, markii kooxo kalluumaysato …