Madaxda Urur-siyaasadeedka QARAN ee Mohamed Hashi Elmi & Jamaal Caydiid Ibrahim, oo beryahanba socdaallo ku marayay dalkan Ingiriiska ayaa maanta la kulmay Lord Avebury.
Madaxda Urur-siyaasadeedka QARAN ee Mohamed Hashi Elmi & Jamaal Caydiid Ibrahim, oo beryahanba socdaallo ku marayay dalkan Ingiriiska ayaa maanta la kulmay Lord Avebury.
Waxa aan ka hadlayaa oo aan laba u kala qaybinaynaa, Arrimaha Doorashooyinka iyo arrimaha muddadii xilka uu madaxweynuhu hayay oo gabogabo ah oo wakhtigeedii dhamaaday.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo shalay ay waraysi la yeesheen Wargeyska Geeska Afrika iyo Idaacadda Radio Horyaal ee Internetka laga dhagaysto, waxaanu intaas …
Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran Dr,Maxamed Cabdi Gaboose ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye oo manta si rasmi ah uga furmay Hotel Ambaasadoor ee Caasimada Hargeysa.Khudbadan Dr Gaboose oo dhinacyo badan taabanaysa isla markaana uu arimo doora kaga hadlay,qoraal dheer oo uu madasha shirweynaha ka akhriyay wuxuu u qornaa sidan:“Sida aanu …
Maxamuud Dhool-dahable oo ka mid ah Odayaasha beesha isbeddel doonka ah oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in hawsha u weyn ee xisbiga KULMIYE iyo isbeddel-doonka u taallaa ay tahay mustaqbalka in la toosiyo sharciga, lana saxo …
Ka dib markii kooto loogu xidhay shirkadda Total shiidaalkii dalka, waxay keentay in betroolka Bosaaso ama naaftada Itoobiya inooga yimaada ee nooliga inta le’eg ku soo baxay ay weliba ka jabnaadaan kuwa haamaha keydka Berbera ku jira, ayadoo muwaadinka is yidhaahda umadaada wax jaban u raadina aanu ku nabad-galeyn, laguna eedeynayo badecadiisoo kootrabaan ah.
Hargeysa (Somaliland.org) - Urur-siyaasadeedka Qaran ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo dhaariyey si sharci-darro ah, isla markaana aan lagu dhaarin dhaarta ku cad Xeer Lr. 20/2002, Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada oo uu Komishanku ku dhisan yahay, kuna shaqeeyo.
Ururka Qaran, shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa waxay kaga …
Hargeysa (Somaliland. org) - Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey eedayn iyo dhalliilo uu u soo jeediyey Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, kaas oo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu kala hadlay Jendayi Frazer arrimo Gudaha Somaliland ah horraantii toddobaadkan markii ay booqashada ku …
Hargeysa (Somaliland.org) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
[:s4]Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareyay manhajka waxbarashada fasalka siddeedaad ee dugsiyada Somaliland oo gebi ahaanba laga reebay taariikhdii SNM.
Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in arday tiro badan oo ciyaal iskuul ah la qoray shaqada basaasnimada. Md. Siilaanyo, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale oo ku saabsan …
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxda urur-siyaasadeedka Qaran ee dhowaan xabsiga laga siidaayey ayaa maanta shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Guddida Fulinta ee xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, saxaafadduna dibadda ka joogtey wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin.
Hase yeeshee, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee …
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa uga digey madaxda ururka Qaran ee xabsiga laga siidaayey inay mar kale baalmaraan sharciga, isaga oo sheegay in ciddii aan sharciga marin uu qaban doono sharciga dalka u yaalla.
Hargeysa (Somaliland.org) - Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee muddada Afarta Bilood ka badan ku xidhnaa jeelka Mandheera ayaa xorriyaddoodii loo soo celiyey, xalay saqdii dhexena xabsiga laga siidaayey, iyada oo guure lagu soo geliyey magaalada Hargeysa.
Siyaasiyiinta ururka Qaran, Guddoomiyaha ururka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labada Guddoomiyekuxigeen, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid …
Madaxda QARAN ayaa maanta xabsiga laga sii daayay kadib muddo 5 bilood ku dhow oo ay u xidhnaayeen arrimo siyaasadeed.
Hargeysa (Somaliland.org) - Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee muddada Afarta Bilood ka badan ku xidhan jeelka Mandheera ayaa lagu wadaa caawa in xabsiga laga siidaayo.
Sida ay sheegeen warar laga helay ilo kala duwan oo xogogaal ah, Madaxweyne Riyaale ayaa cafis u fidiyey siyaasiyiintaas. Waxayna wararku sheegayaan in warqadda amarka siideynta siyaasiyiintaas uu caawa ula …
Hargeysa (Somaliland.org) - Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka ee KULMIYE ayaa sheegay inuu hakinayo wada-shaqayntii kala dhexaysey Madaxweyne Daahir Riyaale inta uu ku sii socdo kelitalisnimada, ku tumashada sharciga, isla markaana ay xabsiga ku jiraan siyaasiyiinta ururka Qaran.
Hargeysa (Somaliland.org) - Koox Salaaddiin ah oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada beelaha deegaanka Hargeysa ayaa shalay booqasho ugu tegey siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee ku xidhan Jeelka Mandheera.
Salaaddiintaas oo toddobaad ka hor ay soo baxday booqashadooda Mandheera oo lagu tilmaamay mid la xidhiidha waanwaan ay isku deyayaan inay ku soo afjaraan xadhiga siyaasiyiintaas, waxa …
Burco (qaransomaliland.com) — Shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen in kabadn 50 xubnood oo isugu jira salaadiin xildhibaano aqoonyahano culma diin iyo wax garad katirsan beesha H/Yoonis oo ka kala yimi Gobalada iyo dagmooyinka dalka ayaa lagu qabtay hotel City Palaza ee magaalda Burco, shirkaas oo socday muddo laba maalmood ah waxaa lagu falanqeeyay xaalada siyaasadeed ee waddanku marayo iyo aayaha katalinta guud ee beesha H/Yoonis.
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida ku-meel-gaadhka ah ee hoggaanka ururka QARAN ayaa caddeeyey in Madaxweyne Riyaale mar kale ka baxay heshiis laga gaadhey shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada Burco, heshiiskaas oo ay wada gaadheen odayaasha beesha ay ka soo jeedaan maleeshiyadii weerartay Saldhigga Dhexe ee Booliska Burco 11/10/2007 iyo xukuumadda Somaliland.
Ururka Qaran oo hoggaankiisii ay maanta …
Somaliland.org - (Hargeisa, Somaliland) Guddoomiyihii ergadii dhex-dhexaadinta; Abwaan-Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa soo saaray, war-bixin dheer oo qoraal ah oo xanbaarsan talooyin cul-culus oo si toos ah ugu socda Madax-weyne Riyaale, iyo weliba hoga-tusaalayn guud, oo ka dar-daar werinaysa xaaladdaha dhinacyada kala-duwan ee dalku maanta ku sugan yahay, oo u baahan ka hor-tegid, wax ka-qabasho …