Hargeysa (Somaliland.org) - Urur-siyaasadeedka Qaran ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo dhaariyey si sharci-darro ah, isla markaana aan lagu dhaarin dhaarta ku cad Xeer Lr. 20/2002, Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada oo uu Komishanku ku dhisan yahay, kuna shaqeeyo.
Ururka Qaran, shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa waxay kaga …
Hargeysa (Somaliland.org)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa caddeeyey in Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisa ay ku qanciyeen qaabka ay ugu talagaleen in loo sameeyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, dhakhsona ay u bilaabi doonaan hawsha diiwaangelinta.
Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB ay diiddan yihiin qaab loogu talagalay in loo …
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa werwer ka muujiyey khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumadda, kaas oo ka dhashay qaabka loo samaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxayna ku tilmaameen qorshe xukuumaddu doonayso inay lugta jiiddo hannaanka diiwaangelinta iyo doorashooyinka, si ay qiil ugu hesho mudda-kordhin.
Wargeyska Haatuf ayaa cadadkiisii shalay …
Hargeysa (Somaliland.org) - Guddida Farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo ka kooban Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saddexda xisbi iyo Xukuumadda ayaa warmurtiyeed uu soo saaray faahfaahin dheer kaga bixiyey waajibnimada iyo lagama maarmaanimada diiwaangelinta codbixiyayaasha ka hor doorashooyinka Somaliland ee soo socda, taas oo uu guddidu sheegay in dhakhso loo bilaabi doono.
DOOD: Way kuu furantahay inaad ka sheegato fikirkaaga …
Hargeysa (Somaliland.org) - Wefti ka socdey Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland oo ka soo laabtay dalka Kenya oo goobjoogayaal ka ahaayeen doorashada xiisaduhu ka dhasheen ee dalkaas ka dhacay 27 Dec. ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, halkaas oo ay kaga warrameen wixii ay ku soo arkeen …
Hargeysa (Somaliland.org) - 4 xubnood ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, ahna kusimaha Guddoomiyaha Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u kicitimay xarunta dalka Kenya ee Nairobi.
Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iska leexiyey war uu bixiyey xubin ka tirsan Komishanka oo saaka ku soo baxay wargeysyada ka soo baxa Hargeysa, kaas oo sheegayey in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn in doorashooyinku qabsoomaan, isla markaana xukuumaddu ka xannibtey Komishanka miisaaniyaddii ay ku shaqayn lahaayeen.
Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay saddexda xisbi qaran, iyaga oo habeen horena la kulmay Madaxweyne Riyaale.
Kulamadaas oo aanay wax war ahi ka soo bixin ayaa Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, ahna kusimaha Guddoomiyaha Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan oo aan maanta wax ka weydiiyey ujeedada kulamadaasi waxa uu ii sheegay …
Hargeysa (Somaliland.org) - Wefti ka socdey Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo dhammaysteen booqasho laba toddobaad ay ugu maqnaayeen dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayeen deeq-bixiyayaasha Somaliland ka caawiya arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyey inuu beddelay xubintii uu xisbigiisu u soo magacaabay Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee dhowaan la magacaabay.
Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala yimi Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo 2 xubnood ah, Komishanka Doorashooyinka oo 2 xubnood ah iyo saddexda xisbi oo midkiiba …
Hargeysa (Somaliland.org) – Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa caawa ku wada saxeexday xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa heshiis 4 qodob ah oo ay ka gaadheen wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba muddada lagu dhammaystirayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.
Xafladdaas oo ay ka qaybgaleen Madaxweynekuxigeenka Somaliland, Madax-dhaqameedyo, culima-u …
Hargeysa (Somaliland.Org) - Komishanka Doorashooyinka Ayaa Saaka Si Ku-meel-gaadh ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Tartanka Golaha Wakiilada Somaliland ee Dalka Ka Dhacday 29-kii September, 2005