Hargeysa (Somaliland.org) - Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo hannaanka Dimuqraaddiyadda ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ee soo socda. Waxayna shuruuddo ku xidheen lacagta ay u hayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose oo ay ballanqaadeen.
Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ka kooban: Guddida Hoggaaminta Dimuqraadiyadaynta …
Riyaale waxa uu fogeeyay rajadii ictiraafka oo ku xidhnayd qabashada doorashooyin xor oo xalaal ah sannadkan
Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Axadii doraad burburay waxa uun buu qayb ka yahay dalka dhan ee la yidhaahdo Somaliland ee in muddo ahba ku burburayay gacanta Daahir Riyaale ee shacbigii lahaana ay sidaa uun ku daawanayeen.
Gudoomiye ku-xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Xirsi …
Reports are coming out that the remaining National Election Commission members, all UDUB appointed, have written to the Chairman of the Parliament Abdirahman M. Abdillahi, who has been mediating between the political parties regarding the election timetables.
Somaliland.Org (Hargeysa) Gudoomiye Ku Xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa iska casilay gebi ahaanba xubin-nimadii Guddiga Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ku eedeeyey xubnaha guddiga doorashooyinka inay yihiin kuwo u adeegaya M. Rayaale oo aan dhex u ahayn axsaabta qaranka.
Waxaanay xubnaha gudiga doorashooyinka qaranku xil ka qaadista Xirsi Cali ka dib markii gudoomiye ku xigeenku guddiga doorashooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan uu dhowaan shirjaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in M/weyne Riyaale uu la siman yahay labada gudoomiye ee labada xisbi mucaaradee kulmiye iyo Ucid Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe marka arimaha doorashooyinka,isla markaana laga daayo komishanka faro gelinta kaga imaanaya dinaca xukuumada.
Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyey khudbaddii Madaxweyne Riyaale shalay u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka oo uu dhalliil ugu jeediyey Komishanka Doorashooyinka iyo dhalliilo iyo eedaymo hore oo Madaxweynaha iyo xisbigiisa UDUB qoraallo ugu gudbiyeen Komishanka.
Komishanka Doorashooyinku waxa uu hadalka Madaxweynaha kaga jawaabey warsaxaafadeed xambaarsan xogwarran, garnaqsi, badheedhaha Komishanka iyo …
Ilahaasi waxay intaas ku dareen in wakhtiga loo cayimay isticmaalka lacagtani ku kooban yahay sannadkan 2008 isla markaana aanay miisaaniyadda Komishanka Yurub ku jirin wax-ku-talo-gal ah oo loo qoondeeyay hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland.
Xubintan lagu bedelay Cumar Mr. Rijaal, waxa uu saddex xubnood ka dhigayaa xubnaha ka soo jeeda gobolka Awdal ee ka mid ah guddigaas diiwaagelinta, halka afarta xubnood ee kalena ay ka soo jeedaan gobalada kale ee Somaliland, iyadoo uu guddoomiye u yahay guddigaas diiwaangelinta Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo ka tirsan koomishanka doorashooyinka islamarkaana ka soo jeeda gobolka Awdal.
Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo, laguna dhaqmo go’aankii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen 09 April 08, si doorasho xor iyo xalaal ahi u dhacdo.
Wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka Dimuqraadiyadaynta oo booqasho ku yimi dalka Khamiistii ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo dowladda Somaliland inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka, kaas oo ah cidda keliya ee awood u leh inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan fulinta heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen.
Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay ixiraamayaan, kuna soconayaan heshiiska Saddexda xisbi iyo Komishanku isla qaateen ee ay ka gaadheen wakhtiga diiwaangelinta iyo doorashooyinku qabsoomayaan. Waxayna si rasmi ah u shaaciyeen wakhtiga xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen ee loo cayimay Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta.
Komishanka Doorashooyinka Qaranku warsaxaafadeed ay galabta soo saaray oo …
Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda xisbi Qaran ayaa caawa fiidkii wada saxeexay heshiis ay ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelintu qabsoomayaan, kaas oo ku salaysan jadwal wakhtiyaysan oo Komishanku u gudbiyey axsaabta shalay.
Heshiiskani waxa uu dhigayaa in diiwaangelinta codbixiyayaasha la soo gebagebeeyo 5ta Octoober, laba maalmood kadibna la qabto doorashada ugu horraysa, …
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Sabtidii toddobaakan ee 5/04/2008 u gudbiyey qoraal uu si kama dambeys ah ugu wargelinayo in muddo laba maalmood ah ugu gudbiyaan waqtiga sugan ee ay u cayimeen qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada golayaasha degaannada dalka.
Madaxweynaha oo qoraalkiisa uu nuqul …
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa ganafka ku dhuftay Go’aan Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku laalay guddiyadii Komishanka Doorashooyinka ee laga soo dhisay gobolada iyo degmooyinka Dalka.
Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, warsaxaafadeed wadajir ah oo ay galabta soo saareen, kadib shir ay maanta yeesheen labada xisbi …
Mr. Ismaaciil oo ka hadlayey aragtidiisa ku wajahan dhawaaqa Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Md. Xirsi Cali X. Xasan ku hanjabay inuu iscasili doono, iyadoo uu horena xilkii isaga casilay Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka…
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa markii u horreysey daboolka ka qaaday in xukuumaddu lugta jiidayso doorashooyinka soo socda, isla markaana Madaxweynuhu faragelin toos ah ku hayo hawsha Komishanka.
Hargeysa (Somaliland.org) - Iyada oo maalmihii u dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale u qoray Golaha Guurtida warqad uu ku dalbanayo inay ka soo talabixiyaan sida doorashooyinku u qabsoomi karaan duruufaha dalka ka jira darteed, ayaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mr. Maxamed Yuusuf Axmed, waxa uu ku dhawaaqay in doorashooyinka iyo Diiwaangelintu …
Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay labadii maalmood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen guddi ka kooban sagaal xubnood oo Komishanka Doorashooyinku u saaray xal-u-helidda khilaaf ka dhashay magacaabistii guddiyada doorashooyinka ee gobollada Hargeysa, Awdal iyo Saaxil, ayaa shalay si rasmi ah u burburay, kadib markii Madaxweyne Rayaale ishortaagay go’aankii guddigu soo saaray.
Liiska magacyada xubnaha guddiyada …
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mawqif midaysan iska taagey guddiyada Komishanka Doorashooyinku ka dhisay Saddexda Gobol ee galbeedka dalka ee noqonaya Guddiyada Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta. Waxayna ugu baaqeen Komishanka Doorashooyinka inay dib ugu noqdaan liisaska guddiyadaas ee ay shaaciyeen Sabtidii.
Hoggaanka labada xisbi, shir jaraa’id oo ay maanta …
Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha Gobolka Maroodijeex ee labada xisbi ee Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn xubnaha loo magacaabay Komishanka Gobolka Hargeysa iyo Degmada Gebiley, isla markaana ay qaaddacayaan.
Labada Guddoomiye Gobol ee labada xisbi, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) oo ah Guddoomiyaha Gobolka ee Xisbiga KULMIYE iyo …
Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa galabta shaaciyey magacyada Xubnaha Guddiyada doorashooyinka ee Gobolada Maroodi-jeex (Hargeysa), Awdal iyo Saaxil, iyada oo uu jiro muran weyn oo maalmahanba ka taagnaa xubnaha loo magacaabayo Komishanka Gobolka iyo degmada Hargeysa.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Yuusuf Axmed oo hoggaaminayey weftiga Saddexda Gobol ee Galbeedka dalka oo ka kooban …
Hargeysa (Somaliland.org) - Weftigii Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta kormeerka la xidhiidha dhismaha xafiisyada Komishanka ee gobolada iyo degmooyinka ku marayey gobolada bariga dalka ayaa ku soo laabtay magaalada Hargeysa. Waxayna shalay daboolka ka qaadeen in saddexda Gobol ee Togdheer, Sanaag iyo Sool iyo degmooyinka hoos yimaadda ay si guul ah uga soo dhiseen xafiisyadii Komishanka …
Ceerigaabo (Somaliland.org) - Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo horkacaya weftiga Komishanka ee kormeerka ku maraya saddexda gobol ee Bariga Somaliland ayaa sheegay in aanu jirin wax walaac ah oo uu ka muujiyey sida diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashadu uga suuragelayso Gobolka Togdheer, abaaraha wakhtigan ka jira gobolkaas iyo wax diidmo ah …
Burco (Somaliland.org) - Xubnaha weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Gobolada Bari oo uu hogaaminaya Gudoomiye -Ku Xigeenka Komishanka, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa magaalada Burco kaga dhawaaqay magacyada xubno ay u magacaabeen in ay noqdaan madaxda Komishanka Doorashooyinka eee Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco.
Weftiga Komishanku warqadda magacaabista xubnahaas oo ay maanta ka soo saareen magaalada …
Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay u kala ambabaxayaan Gobolada dalka, si ay u soo dhisaan xafiisyadii Komishanka ee Gobolada iyo degmooyinka, isla markaana u soo qiimeeyaan diyaargarowga hawsha diiwaangelinta.
Xubnaha Komishanka oo ay weheliyaan Guddida Farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo ka kooban Saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumadda, shir jaraa’id oo ay …