Waxa beryahan dambe la helay warar sheegaya in madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday uu heshiis kale oo dhoofka xoolaha nool ugu wareejinayo ganacsade Carbeed oo aan ahayn Al-Jaabiri. Wali waxa aan la ogayn lacagta maamulkiisa ka soo gasha dhoofka xoolaha nool, iyo saamaynta ay ku leedahay hantida laga lunsado qaranka iyo dadka lunsada.
Tallaabada Daahir Riyaale qaaday laguma tilmaami karo dibudhac. Dhab ahaantii waa goblan iyo gabbal u dumay Somaliland oo aan la garankarin inay dib uga soo kaban karto dhaawaca ka soo gaadhay.
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo ay Madaxtooyadu si kulul ugaga jawaabtey hadal ka soo yeedhey guddida oo ku saabsan Tacriifadda Dekeddu kordhisey iyo koru kaca qiimaha Shidaalka. Guddida Dhaqaaluhu qoraal ay maanta soo saareen oo ay ku iftiimiyeen hadalkoodii [...]