Hargeysa (Somaliland.org) - Xukuumadda wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Madaxweyne Riyaale ayaa sheegtay in Komishanka Doorashooyinka iyo Akadeemiyada Nabaddu ay sii wadaan dhexdhexaadinta labada xisbi ee mucaaridka ah iyo Xukuumadda, dhakhsona ay rajeynayaan inay wadahadal fool-ka-fool ah ay isku soo horfadhiistaan.
Xubno ka tirsan Guddi wasiirro ah oo Madaxweyne Riyaale u xilsaaray inay u metelaan dhexdhexaadinta uu …
Xafladdii Madaxweyne Ku Xigeenku Goobjoogga ka ahaa bishii October 2007, halkaas oo xisbiga UDUB ku saxeexay inay aqbalidoonaan muddada doorashada ee Komishanku gooyo
Hargeysa (Somaliland.or) – Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Madaxtooyadu ay qabsoomi doonto 31ka December, 2008, haddii Komishanku go’aamiyo inay dhacdo, isaga oo sheegay in cidda wakhtiga …
Somaliland waxay cagta saartay Jidkii Siraad. Haddii ay dhinacaas u ciirto waxay khatar ugu jirtaa inay muquurato lama-degaan ay ka botorinayaan col iyo abaari; haddii ay dhinaca kale u ciirto waxay foodda la gelaysaa waadigii nabadda iyo caanaha dimuqraadiyadda iyo ictiraafka.
Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay inay diyaar u yihiin, ayna soo dhoweynayaan waanwaan uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka dhex wado Madaxweyne Riyaale iyo labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE, balse, waxa ay sheegeen in aanay wadaxaajood ka gelayn go’aanka Guurtidu muddada ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen sharcidarro.
Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xisbiyada Mucaaradku u soo wakiisheen wada xaajood dhex mara Madaxweyne Rayaale iyo afar wasiir oo uu Madaxweyne Rayaale soo wakiishay ayaa kulankoodii u horeeyay dabayaaqadii toddobaadkan ku yeeshay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fadhigii shalay ee golahaas mudanayaasha ku wargeliyay inuu ku hawlan yahay dhexdhexaadin la xidhiidha muranka siyaasadeed ee ka aloosan mudo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay …
Hargeysa (Geeska) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu aqbalay inuu labada hoggaamiye Mucaarad Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe ku horfadhiisto kulan dhexdhexaadin ah, si ay uga wada hadlaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee ku soo korodhay Somaliland.
Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in guddoomiyaha …
Hargeysa (Somaliland.org) – 13 Mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa maanta shirguddoonka golahaas u gudbiyey Mooshin ay Golaha ugu soo jeedinayaan inuu dib u sixid ku sameeyo go’aankii muranku ka dhashay ee ay muddada xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale.
Qoraalka mooshinka waxay xildhibaannadu dureen qaabkii Goluhu u gaadhey go’aanka oo ay ku tilmaameen mid …
Sidaas awgeed, ma qabno in Guurtida keligood laga doonto sharciyaynta arrintan inagu soo fool leh 15ka May marka muddadii xilka Madaxweeynahu ay ku egtahay. Annaga oo tixgelineyna heshiiska ay isku raaceen 3da xisbi qaran iyo Kommishanku, oo aanay jirin qodob distoorka oo ka hadlaya dib-u-dhaca doorashada aan nabadgelyo xumi ku xidhneyn, waxaanu qabnaa in heshiiskan lagu hirgelinkaro marka dib loogu noqdo mabaadii’da Distoorka ee ay ka mid yihiin wadatashiga iyo habka xisbiyadda badan. Sidaad awgeed, wixii lagu heshiiyo in lagaga gudbo marxaladdan aan Distoorka ku qornayn, waxaa lagu sharciyayn karaa…
“Rayaalow xabsi baad sheegaysaa haddaad xabbad la dhacdo raggan horaad isu soo marteen oo rag xabbad iyo xabsi kaaga gabanaaya maaha ee wax alla waxaad la hadhaa yey jirine soo daa” Axmed-siilaanyo
In this context, the Expatriate Community categorically rejects and deplores the unlawful unilateral decision taken by Somaliland’s House of Elders (The Guurti) to extend the Presidential term by one year on Thursday, 10 April.
Hargeysa (Somaliland.org) – Labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mar kale ku celiyey in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin marka la gaadho 15 May, 2008 oo muddada xilkiisa dastuuriga ahi ku egtahay. Waxayna ku isugu yeedheen shir ay xaaladdan kaga tashanayaan Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee labada xisbi …
Nabad xumid aan dalka ka jirini ma keeneyso Muddo kordhin distoori ahi, laakiin Muddo kordhin aan distoori aheyn ayaa nabad xumid dalka u keeneysa” – Garyaqaan Ibraahin Xaashi Jaamac
London (Jam)- Waxa maalmahanba ka taagan wadanka muran ku saabsan dhamaadka mudada xilka ee madaxweyne Rayaale iyadoo ay hadda cadahay in aanay doorashadii dhacayn dhowaan. Haddaba waxa …
Dawladaha deeqaha bixiya ayaa go’aanka Guurtida u arka mid uu Madaxweyne Rayaale kaga baxay heshiiskii ay saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Kulmiye, UCID iyo UDUB, ay Arbacadii dorraad ku gaadheen in doorashada goleyaasha degaanka iyo madaxtooyada la qabto 6 October iyo 31 December 2008, kadib markii ay suurtoobi wayday inay doorashooyinkaas la qabto xiligii hore ee u qorshaysnaa ee kala ahaa 31 June iyo 31 August 2008 arrimo farsamo awgood.
Hargeysa (Somaliland.org) - Xaflad Caawa loo ballansanaa in guddoomiyayaasha Saddexda xisbi si rasmi ah ugu saxeexaan heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ayaa baaqday, kadib markii Golaha Guurtidu maanta muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweynaha muddada xilka.
Heshiiska Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ay iskula qaateen qorshe-hawleed loo dhigay diiwaangelinta iyo …
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha …
Hargeysa (Somaliland.org) - Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay in Goluhu muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweyne Riyaale inuu xilka sii hayo, taas oo ay ku sababeeyeen in doorashooyinku u qabsoomi kari waayeen sababo nabadgelyo xumo oo dalka ka jirta darteed.
Golaha Guurtidu fadhi uu yeeshay maanta, iyada oo ammaanka aad loo adkeeyey, dadka iyo …
Waxa aan ka hadlayaa oo aan laba u kala qaybinaynaa, Arrimaha Doorashooyinka iyo arrimaha muddadii xilka uu madaxweynuhu hayay oo gabogabo ah oo wakhtigeedii dhamaaday.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo shalay ay waraysi la yeesheen Wargeyska Geeska Afrika iyo Idaacadda Radio Horyaal ee Internetka laga dhagaysto, waxaanu intaas …
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa dib u dhigay maanta mooshin ay doonayeen inay cod u qaadaan mudda-kordhinta Madaxweynaha, kadib markii xiisad weyni ka dhalatay warar sheegaya in muddada guurtidu kordhinaysaa ay noqonayso 2 sannadood oo aanay cidna kala tashan.
Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida, mudane Siciid Jaamac Cali ayaa furitaankii fadhiga Golaha kadib …
Labada xisbi qaran oo soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan wakhtiga doorashada Madaxweynaha la qabandoono, iyo in loo baahanyahay in la dhiso xukuumad wadaag ah marka wakhtigu ka dhamaado xisbiga imika talada haya ee UDUB
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida ayaa la filayaa berrito inuu cod u qaado Mooshin uu muddada xilka ugu kordhinayo ugu yaraan 2 sannadood oo kale Madaxweyne Riyaale oo muddadii xilka loo doortay ku egtahay 15ka bishan April.
Sida ay sheegayaan warar aanu ka helay Ilo xog ogaal ah oo ku dhowdhow Guurtida, go’aankan muddada sanadaha …
Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa mawqif adag iska taagey mudda-kordhin la sheegay in Madaxweyne Riyaale ka qalqaashanayo Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn in maalin dheeraad ah uu ku darsado Madaxweyne Riyaale muddada xilkiisa …
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta u gudbiyey Golaha Guurtida soo jeedin uu kaga dalbanayo inuu u sharciyeeyo golayaasha Deegaanka dalka muddada xilka, si waafaqsan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku dib ugu riixeen doorashooyinka deegaanka.Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge, madaxweyne Riyaale …