Hargeysa (Somaliland.org) – Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo hannaanka Dimuqraaddiyadda ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ee soo socda. Waxayna shuruuddo ku xidheen lacagta ay u hayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose oo ay ballanqaadeen. Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ka kooban: Guddida Hoggaaminta [...]
Dhowaan waxaad halkan ka akhrisateen war lagu faafiyay wargayska madaxa bannaan oo ka hadlay warar tibaaxaya maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo xeebta Berbera ku soo dhawaaday iyo diyaaradaha Maraykanka oo ka soo fadhiistay kana kacayay madaarka.
Hargeysa (Somaliland. org) – Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey eedayn iyo dhalliilo uu u soo jeediyey Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, kaas oo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu kala hadlay Jendayi Frazer arrimo Gudaha Somaliland ah horraantii toddobaadkan markii ay booqashada ku [...]
Hargeysa (Somaliland.org) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Hargeysa (Geeska): Diyaarad ya (Jet) oo siday saraakiil milatari oo la sheegay inay ahaayeen Maraykan iyo ilaaladooda oo hubaysanaa ayaa barqadii shalay ka soo degtay madaarka Cigal Airport ee magaalada Hargeysa. Diyaaradaas oo ahayd mid gaar ah, waxa la sheegay inay siday lix ruux oo qaar ka mid ahi siteen dirayska ciidamada iyo qoryaha fud-fudud [...]
[:s4]Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareyay manhajka waxbarashada fasalka siddeedaad ee dugsiyada Somaliland oo gebi ahaanba laga reebay taariikhdii SNM. Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in arday tiro badan oo ciyaal iskuul ah la qoray shaqada basaasnimada. Md. Siilaanyo, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale oo ku [...]
Sida laga warqabo wafdi uu Riyaale hogaaminaayo ayaa dhawaan socdaal ilaa saddex asbuuc qatay ku kala bixiyay Ingriiska iyo Mareykanka (January 2008). Waxa la ogsoon yahey dadka Ingriiska ku dhaqani ina aay laba jeer oo hore iyaga oo aad isu abaabulay aay Riyaale soo dhaweeyeen.
Washington Dc (Somaliland.org) – Dowladda Maraykanka ayaa caddaysay in aanay waxba iska beddelin mawqifkeeda ku aaddan Aqoonsiga Somaliland, kadib wadahadalo Madaxweyne Riyaale la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, halkaas oo uu booqasho ku joogo. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, McCormack oo Khamiistii saxaafadda warbixin siinayey ayaa la weydiiyey in kulankii Kaaliyaha Xoghayaha [...]
“Somaliland is an entity that works,” a senior defense official said. “We’re caught between a rock and a hard place because they’re not a recognized state,” the official said. The Pentagon’s view is that “Somaliland should be independent,” another defense official said. “We should build up the parts that are functional and box in” Somalia’s unstable regions, particularly around Mogadishu.
In contrast, “the State Department wants to fix the broken part first — that’s been a failed policy,” the official said.