Arrimahani waxay keeneen in maanta deeqihii ama tabarucaadkii qurba-joogga reer Somaliland u soo dirayeen dadkeeda lagu sharfo in axsaabta mucaaradku u gudbiyaan dawladda ama ciddii kale ee u baahan, taas oo keeni karta dareen hor leh oo la odhan karo in xxukuumadda Somaliland aan lagu aamini karayn gaadhsiinta deeqahaasi dadkii u baahnaa. Faallo – Maxamed Cumar, Wariyaha Haatuf Ee Boorama
Hargeysa (Somaliland. org) - Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey eedayn iyo dhalliilo uu u soo jeediyey Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, kaas oo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu kala hadlay Jendayi Frazer arrimo Gudaha Somaliland ah horraantii toddobaadkan markii ay booqashada ku …
Hargeysa (Somaliland.org) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
[:s4]Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareyay manhajka waxbarashada fasalka siddeedaad ee dugsiyada Somaliland oo gebi ahaanba laga reebay taariikhdii SNM.
Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in arday tiro badan oo ciyaal iskuul ah la qoray shaqada basaasnimada. Md. Siilaanyo, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale oo ku saabsan …
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxda urur-siyaasadeedka Qaran ee dhowaan xabsiga laga siidaayey ayaa maanta shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Guddida Fulinta ee xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, saxaafadduna dibadda ka joogtey wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin.
Hase yeeshee, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee …
Hargeysa (Somaliland.org) - Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka ee KULMIYE ayaa sheegay inuu hakinayo wada-shaqayntii kala dhexaysey Madaxweyne Daahir Riyaale inta uu ku sii socdo kelitalisnimada, ku tumashada sharciga, isla markaana ay xabsiga ku jiraan siyaasiyiinta ururka Qaran.
Rayi-qaadis ku saabsan arrimaha doorashooyinka Somaliland ooo uu sameeyey telefiishanka madaxa bannaan ee HCTV, ayaa natiijadii ka soo baxday rayi-qaadistaa xalay lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, oo ay ka qaygaleen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, Komishanka doorashooyinka qaranka, masuuliyiin ka socday urur-siyaasadeedka QARAN, xildhibaanno ka socday Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahano, …
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo uu weheliyo kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta la kulmay Guddoomiyayaasha labada mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE iyo xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB.
Kulankaas oo saaka ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin. Hase yeeshee, wararku …