Wadahadaladii xallinta khilaafka xisbiga KULMIYE oo soo gebageboobey iyo go’aamada laga sugayo guddida dhexdhexaadinta

Hargeysa (Somaliland.org) – Wadahadaladii turxaanbixinta xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay in la soo gebagebeeyey, waxaana la filayaa in guddida dhexdhexaadintu ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan qodobada go’aamo ay doonayaan in lagu soo afjaro khilaafka labada maalmood ee soo socda.
Guddida dhexdhexaadinta oo ka kooban 8 xubnood oo uu hoggaaminayo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxay …


KULMIYE oo qaddiyadda Somaliland gaadhsiiyay shirwayne caalami ah (daawo sawirrada)

Xisbiga Kulmiye ayaa bilaabay olole xooggan oo uu Somaliland ugu baadigoobayo saaxiibo caalami ah oo ka caawiya dhisidda dimuqraadiyadda, horumarinta bulshada iyo xasilinta aqoonsi siyaasadeed, wakhti ay xukuumada hanan kari la’dahay saaxiibadii shisheeye ee dalku hore u lahaa.


Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey mawqifkiisa wadahadalo ay ku horfadhiistaan Madaxweyne Riyaale iyo ergooyin is barbar socda

Hargeysa (Somaliland.org) - Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE ayaa caddeeyey mawqifkooda wadahadallo la sheegay inay isku horfadhiisanayaan Madaxweyne Riyaale iyo hoggaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah iyo weliba ergooyin is barbar yaacaya oo waanwaantaas ku jira.
Xisbiga KULMIYE, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, …


Isu soo bax ballaadhan oo Maanta ka dhacay Fagaaraha Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyo Nuxurka Khudbadihii hoggaanka xisbigu u jeediyey

Isu Soobax Laysugu Yimid Xarrunta Dhexe ee KULMIYEHargeysa (Somaliland.org) – Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo dadweyne kale oo ka kala yimi dhammaan xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa saaka isugu soo baxay Xarunta guud ee Xisbigaas ee Galbeedka Magaalada Hargeysa, halkaas oo Hogaanka iyo Masuuliyiinta kale Xisbigu hadalo uga jeediyeen.


Xisbiga KULMIYE oo isu soo bax ballaadhan berrito ku qabanaya Xaruntiisa Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa ku baaqay isu soo bax berrito lagu qabanayo fagaaraha xarunta Dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa.
Dhambaal ogeysiis ah oo xisbigu baahiyey maanta ayaa xisbiga KULMIYE waxa uu ku wargeliyey taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan, dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa inay ka soo qaybgalaan kulan ballaadhan …


“Waxaanu caddaynaynaa inaan dulqaad dambe u yeelan doonin…” Warsaxaafadeed uu soo saaray Xisbiga KULMIYE

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa cambaareeyey xadhigga Abshir Xasan Xaashi oo xubin ka ah Golaha Dhexe ee xisbiga, isla markaana sheegay in aanay dib ugu dulqaadan doonin, uguna adkaysan doonin.


Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo qabsoomay iyo go’aamo lagu ansixiyey

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.org) – Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shirkiisii u horreeyey maanta ku yeeshay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Waxana lagu ansixiyey laba qodob oo kala ah


Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo si wadajir ah oo adag ugu cambaareeyey xukuumadda dhacdadii shalay

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada ee Xisbi Mucaaradka ah, KULMIYE iyo UCID, ayaa si adag ugu cambaareeyey sidii ay xukuumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqantay dadkii muddaharaadka cabashada ah sameeyey shalay, waxayna ku eedeeyeen xukuumaddu inay isticmaashay xoog dheeraad ah oo sababay dhimasho iyo dhaawaca soo gaadhey dad shacab ah.


Xisbiga KULMIYE oo soo dhoweeyey Waanwaanta uu u wado Guddoomiyaha G. Wakiillada

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay inay diyaar u yihiin, ayna soo dhoweynayaan waanwaan uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka dhex wado Madaxweyne Riyaale iyo labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE, balse, waxa ay sheegeen in aanay wadaxaajood ka gelayn go’aanka Guurtidu muddada ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen sharcidarro.


Shirkii Golayaasha Dhexe ee labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo dib u loo dhigay

Hargeysa (Somaliland.org) – Shir ay u ballansanaayeen inay isugu yimaaddaan Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee labada xisbi ee mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, 27 April oo ku beegan berrito ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin.


“Haddii aanu wax cad ku hayno maanu siideyneen,” Wasiirka Arr. Gudaha

Abdillahi Ismail Ali (Cirro), The Interior MinisterOrders of political arrest originate from Riyale’s inner circles

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo hore ugu eedeeyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida, 09 April, kaas oo loo xidhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga, ayaa …


Labada Xisbi ee Mucaaridka ah oo Mar kale ku celiyey in aanay Aqoonsanayn Madaxweyne Riyaale kadib 15 May 2008, Shirna isugu yeedhay Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee Labada Xisbi

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mar kale ku celiyey in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin marka la gaadho 15 May, 2008 oo muddada xilkiisa dastuuriga ahi ku egtahay. Waxayna ku isugu yeedheen shir ay xaaladdan kaga tashanayaan Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee labada xisbi …


Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo mawqif midaysan ku diidey go’aanka Guurtida ee mudda-kordhinta: “Marka 15/05/2008 Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne”

Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha …


Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ku dhawaaqay Caawa Heshiis ay ka gaadheen wakhtiga Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda xisbi Qaran ayaa caawa fiidkii wada saxeexay heshiis ay ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelintu qabsoomayaan, kaas oo ku salaysan jadwal wakhtiyaysan oo Komishanku u gudbiyey axsaabta shalay.
Heshiiskani waxa uu dhigayaa in diiwaangelinta codbixiyayaasha la soo gebagebeeyo 5ta Octoober, laba maalmood kadibna la qabto doorashada ugu horraysa, …


Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo go’aan wadajir ah ka soo saaray sida looga gudbayo marxaladda dalku marayo

Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa go’aan wadajir ah galabta ka soo saaray xaaladda dalku wakhtigan marayo, kadib kulamo xidhiidh ah oo ay kaga wadatashanayeen dib u dhaca doorashooyinka, jadwal cusub oo Komishanku u dhigay doorashooyinka iyo weliba dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha.
Go’aankaa labada xisbi oo ay ku saxeexan yihiin …


War Saxaafadeed Xisbiga UCID iyo KULMIYE: Go’aan Wadajir Ah Oo La Xidhiidha Marxalada Cusub Ee La Galay Iyo Arimaha Doorashooyinka

Labada xisbi qaran oo soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan wakhtiga doorashada Madaxweynaha la qabandoono, iyo in loo baahanyahay in la dhiso xukuumad wadaag ah marka wakhtigu ka dhamaado xisbiga imika talada haya ee UDUB


Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee Mucaaridka ah oo Kulan Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Shirguddoonka Guurtida iyo arrimihii ay ka wadahadleen

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa maanta tegey xarunta Golaha Guurtida Somaliland, waxayna kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo odayaal ka tirsan Guddida joogtada ah ee Golahaas.
Kulankaasi kadib ayaa Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe …


Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah oo Mawqif adag iska taagey Mudda-kordhin Madaxweynaha iyo Jawaab isburinaysa oo Madaxtooyadu ka bixisay

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa mawqif adag iska taagey mudda-kordhin la sheegay in Madaxweyne Riyaale ka qalqaashanayo Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn in maalin dheeraad ah uu ku darsado Madaxweyne Riyaale muddada xilkiisa …


Labada Xisbi ee Mucaaridka, UCID iyo KULMIYE oo ganafka ku dhuftay go’aanka Komishanku ku tirtirayo Guddiyada Doorashooyinka ee gobolada iyo Degmooyinka loo magacaabay: Xukuumadda oo sheegtay in Komishanku fashilmay

Hargeysa (Somaliland.org) - Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa ganafka ku dhuftay Go’aan Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku laalay guddiyadii Komishanka Doorashooyinka ee laga soo dhisay gobolada iyo degmooyinka Dalka.
Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, warsaxaafadeed wadajir ah oo ay galabta soo saareen, kadib shir ay maanta yeesheen labada xisbi …


Qudbadii Birgitta Ohlsson ee Shirka Xisbiga KULMIYE, Hargeisa, Somaliland

Birgitta Ohlsson is a member of the Swedish Folkpartiet PartyAfhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. “Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha. Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax …”


Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran Iyo Khudbadii Uu Ka Jeediyay Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran Dr,Maxamed Cabdi Gaboose ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye oo manta si rasmi ah uga furmay Hotel Ambaasadoor ee Caasimada Hargeysa.Khudbadan Dr Gaboose oo dhinacyo badan taabanaysa isla markaana uu arimo doora kaga hadlay,qoraal dheer oo uu madasha shirweynaha ka akhriyay wuxuu u qornaa sidan:“Sida aanu …


In ka badan 600 oo qof oo ah Isbeddel Doonka Beesha H/Awal oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE: Xaflad Ballaadhan oo maanta ka dhacday Hargeysa,

shirMaxamuud Dhool-dahable oo ka mid ah Odayaasha beesha isbeddel doonka ah oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in hawsha u weyn ee xisbiga KULMIYE iyo isbeddel-doonka u taallaa ay tahay mustaqbalka in la toosiyo sharciga, lana saxo …


Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo mawqif Midaysan ku diidey Guddiyada Komishanku u dhisay Gobolada Awdal, Hargeysa iyo Saaxil

Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mawqif midaysan iska taagey guddiyada Komishanka Doorashooyinku ka dhisay Saddexda Gobol ee galbeedka dalka ee noqonaya Guddiyada Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta. Waxayna ugu baaqeen Komishanka Doorashooyinka inay dib ugu noqdaan liisaska guddiyadaas ee ay shaaciyeen Sabtidii.
Hoggaanka labada xisbi, shir jaraa’id oo ay maanta …


Guddoomiyayaasha Gobolka Hargeysa ee labada xisbi ee Mucaaridka ah oo qaaddacay Guddida Komishanku u magacaabay Gobolkooda

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha Gobolka Maroodijeex ee labada xisbi ee Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn xubnaha loo magacaabay Komishanka Gobolka Hargeysa iyo Degmada Gebiley, isla markaana ay qaaddacayaan.
Labada Guddoomiye Gobol ee labada xisbi, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) oo ah Guddoomiyaha Gobolka ee Xisbiga KULMIYE iyo …


Xisbiyada Mucaaridka ah oo ku eedeeyey xukuumadda inay lugta jiidayso diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Hargeysa (Somaliland.org) - Labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa werwer ka muujiyey khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumadda, kaas oo ka dhashay qaabka loo samaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxayna ku tilmaameen qorshe xukuumaddu doonayso inay lugta jiiddo hannaanka diiwaangelinta iyo doorashooyinka, si ay qiil ugu hesho mudda-kordhin.
Wargeyska Haatuf ayaa cadadkiisii shalay …