Hargeysa (Somaliland. org) – Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey eedayn iyo dhalliilo uu u soo jeediyey Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, kaas oo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu kala hadlay Jendayi Frazer arrimo Gudaha Somaliland ah horraantii toddobaadkan markii ay booqashada ku [...]
Hargeysa (Somaliland.org) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi Cirro) ayaa sheegay in falkii toogashada ahaa ee shalay lagu dhaawacay madaxii hay’adda Hallo Trust ee magaalada Hargeysa, Mr. Arman aanu ahayn fal argaggixiso, wax siyaasad ahna aanu ku lug lahayn, balse, uu falkaa geystey nin hore uga tirsanaa shaqaalaha hay’adda oo ku [...]
Hargeysa (Geeska): Diyaarad ya (Jet) oo siday saraakiil milatari oo la sheegay inay ahaayeen Maraykan iyo ilaaladooda oo hubaysanaa ayaa barqadii shalay ka soo degtay madaarka Cigal Airport ee magaalada Hargeysa. Diyaaradaas oo ahayd mid gaar ah, waxa la sheegay inay siday lix ruux oo qaar ka mid ahi siteen dirayska ciidamada iyo qoryaha fud-fudud [...]