Hargeysa (Somaliland.org) – Axmed Cabdi Xaabsade, oo mar ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, dhowaanna ka soo galay maamul-goboleedka Puntand ee Soomaaliya oo uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Riyaale u qalqaalinayso inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, iyada oo isku deyeysa inay ku beddesho mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah Guddoomiyaha Guurtida.
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha …
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa dib u dhigay maanta mooshin ay doonayeen inay cod u qaadaan mudda-kordhinta Madaxweynaha, kadib markii xiisad weyni ka dhalatay warar sheegaya in muddada guurtidu kordhinaysaa ay noqonayso 2 sannadood oo aanay cidna kala tashan.
Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida, mudane Siciid Jaamac Cali ayaa furitaankii fadhiga Golaha kadib …
Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa maanta tegey xarunta Golaha Guurtida Somaliland, waxayna kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo odayaal ka tirsan Guddida joogtada ah ee Golahaas.
Kulankaasi kadib ayaa Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe …
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigiisii maanta cod aqlabiyada ah ku ansixiyey mudda-kordhin Lix bilood gaadhaysa oo Golayaasha Deegaanku xilka sii haynayaan, kadib markii dib loo dhigay doorashada golaha Deegaanka oo muddeysnayd 15ka Dec.
Golaha Guurtidu waxa uu go’aanka mudda-kordhinta cod u qaaday maanta, kadib markii Madaxweyne Riyaale uu shalay u gudbiyey golahaas …
Burco (Somaliland.org) - Mudane ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali Cumar Axmed (Cali Dheere) ayaa ku geeryoodey shil gaadhi oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Burco iyo Caynabo. Waxaana ku dhaawacmay mudane kale, xildhibaan Cumar Budeeye, oo isaguna ka tirsan Guurtida iyo darawalkii wadey gaadhiga ay labada mudane …
Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa laalay kaabis iyo wax-ka-beddel uu Golaha Wakiilladu ku sameeyey Xeerka Doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr. 20/2001, kaas oo saamaynayey qaabka loo soo dooranayo Xildhibaanada Golayaasha deegaanka iyo kooto kuraasi cayiman ah oo lagu jaray haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Wax-ka-beddelka xeerkan oo Golaha Wakiilladu ku …