Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigiisii maanta cod aqlabiyada ah ku ansixiyey mudda-kordhin Lix bilood gaadhaysa oo Golayaasha Deegaanku xilka sii haynayaan, kadib markii dib loo dhigay doorashada golaha Deegaanka oo muddeysnayd 15ka Dec.
Golaha Guurtidu waxa uu go’aanka mudda-kordhinta cod u qaaday maanta, kadib markii Madaxweyne Riyaale uu shalay u gudbiyey golahaas …
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta u gudbiyey Golaha Guurtida soo jeedin uu kaga dalbanayo inuu u sharciyeeyo golayaasha Deegaanka dalka muddada xilka, si waafaqsan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku dib ugu riixeen doorashooyinka deegaanka.Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge, madaxweyne Riyaale …