Hargeysa (Somaliland.org) – Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo hannaanka Dimuqraaddiyadda ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ee soo socda. Waxayna shuruuddo ku xidheen lacagta ay u hayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose oo ay ballanqaadeen. Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ka kooban: Guddida Hoggaaminta [...]
Hargeysa (Somaliland.org) – Wefti ka socda Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, Ethiopia oo uu hoggaaminayo, Mr. John Marshall oo ah kuxigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa ayaa maanta ka ambabaxay dalka, kadib markii uu dhammaystay booqasho laba maalmood ah oo uu ugu kuurgelayey xaaladda xasaasiga ah ee xilligan ka taagan Somaliland.
… waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono. Qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono.
Ilahaasi waxay intaas ku dareen in wakhtiga loo cayimay isticmaalka lacagtani ku kooban yahay sannadkan 2008 isla markaana aanay miisaaniyadda Komishanka Yurub ku jirin wax-ku-talo-gal ah oo loo qoondeeyay hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland.
Xukuumadda Mudane Daahir Riyaale ayaa cambaaraysay deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo horumarinta Dimuqraadiyadda, kadib markii wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka deeqda bixiya oo booqasho ku yimi dalka maalmihii la soo dhaafay ay si buuxda u taageereen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen. Akhristo fikradaha akhristeyaasha …
Wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka Dimuqraadiyadaynta oo booqasho ku yimi dalka Khamiistii ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo dowladda Somaliland inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka, kaas oo ah cidda keliya ee awood u leh inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan fulinta heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen.
Hargeysa (Somaliland.org) – Xaflad Caawa loo ballansanaa in guddoomiyayaasha Saddexda xisbi si rasmi ah ugu saxeexaan heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ayaa baaqday, kadib markii Golaha Guurtidu maanta muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweynaha muddada xilka. Heshiiska Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ay iskula qaateen qorshe-hawleed loo dhigay diiwaangelinta iyo [...]
Afhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. “Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha. Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax …”
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, Ambassador Georges Marc Andre. Waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan horumarinta dimuqraadiyadda iyo kaalmada Midowga Yurub siiyo Somaliland. Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge ayaa warsaxaafadeedkan ka soo saaray wadahadalkii dhexmaray Madaxweynaha iyo Ergeyga:- [...]