Tag Archives: ethiopia

Axmed Siilaayo iyo Dr. Gaboose oo ka waramay Waxyaabihii ay ka wadahadleen Jendayi Frazer kulamadii ay la yeelatay Saddexda Xisbi iyo ururka Qaran

jandeyfrazer1.jpgHargeysa (Somaliland.org) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.