Taariikhda iyo dhacdooyinkii luggooyada ahaa ee lagu ragaadinayay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Doorashada madaxweyneha oo ahayd inay ku dhacdo April 2008, oo Komishanku dib ugu dhigay 31 August 2008, markale 31 December 2008, markalena 29 March 2009, haddana markale 31 May 2009 — maxaa xigi doonna?
Cirro oo ka biyodiiday soo hadalqaadka shaqadiisii NSS-ta ee Siyaad Barre
Hargaysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa bilawday ololayaal cad oo taageero loogu raadinayo xisbiga UDUB, isla markaana warbaahinta ay xukuumaddu maamusho si toos ah looga weeraro xisbiyada mucaaridka ah.
Hargaysa (Somaliland.org)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale, ayaa sheegay maanta in miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2009, uu malaalinta khamiista hor-gayn doono Golaha Wakiillada.
Tallaabada Daahir Riyaale qaaday laguma tilmaami karo dibudhac. Dhab ahaantii waa goblan iyo gabbal u dumay Somaliland oo aan la garankarin inay dib uga soo kaban karto dhaawaca ka soo gaadhay.
Wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka Dimuqraadiyadaynta oo booqasho ku yimi dalka Khamiistii ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo dowladda Somaliland inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka, kaas oo ah cidda keliya ee awood u leh inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan fulinta heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen.
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa markii u horreysey daboolka ka qaaday in xukuumaddu lugta jiidayso doorashooyinka soo socda, isla markaana Madaxweynuhu faragelin toos ah ku hayo hawsha Komishanka.
Ka fursan mayeso ina doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin. Midhkaa iga gunud. Dhibaatada diiwaan gelinta hortaalaa ka weyn wakhtiga oo gaaban oo keliya (dhibaatooyin kaasi oo tafatiran hoos ka akhriso).
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xalay la kulmay wefti ka socda hay’adda Inter Peace ee nabadaynta iyo horumarinta Dimuqraadiyadda. Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani, Madaxweynaha iyo weftigu waxay ka wadahadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona badhtamaha sannadkan iyo [...]
[:s4]Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareyay manhajka waxbarashada fasalka siddeedaad ee dugsiyada Somaliland oo gebi ahaanba laga reebay taariikhdii SNM. Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in arday tiro badan oo ciyaal iskuul ah la qoray shaqada basaasnimada. Md. Siilaanyo, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale oo ku [...]
Iyama ayay Doorteen Axsaabta Mucaaridka ahi? Somalilayn: Sawir kooban: Somalilayn waa dal sabool ah oo aan la ictiraafin. Xaddiga miisaaniyad sanadeedka 2007 wuxu dhammaa USD30 milyan keliya. Waa dal aan lahayn waxsoosaar dhaafsiisan xoolaha nool oo in dhowaaleba dhibaato badani haysatay. Waa dal ay ka jirto shaqo la’aan baahsan shicibka badidiisu yahay ma-qadaan ma-dhergaan.
Maxay Doorashooyinku Muhiim ugu Yihiin Somaliland? Haddii aynu ku guulaysano qabashada wareegga labaad ee doorashooyinka isbeddelka dimuqraadiyadda Somaliland wuxu yeelanaya qaro waayo waxa gaamuraya oo tisqaadaya mu’asasado aan caalamku indhaha ka qarsan Karin, sida xisbiyo qaran, baarlamaan, golayaal deegaan iyo hay’ado kale oo kuwaas ka sii farcama.
Rayi-qaadis ku saabsan arrimaha doorashooyinka Somaliland ooo uu sameeyey telefiishanka madaxa bannaan ee HCTV, ayaa natiijadii ka soo baxday rayi-qaadistaa xalay lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, oo ay ka qaygaleen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, Komishanka doorashooyinka qaranka, masuuliyiin ka socday urur-siyaasadeedka QARAN, xildhibaanno ka socday Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahano, [...]
Hargeysa (Somaliland.org) – Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa caawa ku wada saxeexday xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa heshiis 4 qodob ah oo ay ka gaadheen wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba muddada lagu dhammaystirayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Xafladdaas oo ay ka qaybgaleen Madaxweynekuxigeenka Somaliland, Madax-dhaqameedyo, [...]
Hargeysa (Somaliland.Org) – Komishanka Doorashooyinka Ayaa Saaka Si Ku-meel-gaadh ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Tartanka Golaha Wakiilada Somaliland ee Dalka Ka Dhacday 29-kii September, 2005