Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa xilka guddoomiyenimada ka wareejiyay Ismaaciil Muuse Nuur kuna wareejiyay Xasan Maxamed Cumar (Looshade). Xilwareejintan ayaa ka dambaysay markii komishanku baahiyay tirrooyinka serverka oo gobolada qaar wax ka dhimay qaar kalena u kordhiyay.
Taariikhda iyo dhacdooyinkii luggooyada ahaa ee lagu ragaadinayay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Doorashada madaxweyneha oo ahayd inay ku dhacdo April 2008, oo Komishanku dib ugu dhigay 31 August 2008, markale 31 December 2008, markalena 29 March 2009, haddana markale 31 May 2009 — maxaa xigi doonna?
Hargeysa (HWN) — Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa markii ugu horeysay caawa daaha ka rogay, isla markaana shaaciyay tirada hor-dhaca ah ee natiijada dadkii iska diiwaan-geliyay lixda Gobol ee dalka, inta saxda ah iyo inta aan saxda ahayn, inta suulka laga qaaday iyo inta aan laga qaadin, ka dib markii ay maanta hawl-galiyeen Serverka loogu talagalay kala shaandhaynta codbixiyayaasha iska diiwaan-geliyay Somaliland guud ahaanba.
Qaylada beryahan dambe ka soo yeedhaysa xubno ka tirsan ama ka dhexmuuqmuuqda bulshada ka soo jeedda gobolka Awdal ayaa keentay su’aalo ka taagan in cabashadoodu ku qotonto waaqica jira iyo inay jiraan arrimo kale oo aan ahayn diiwaangelinta oo dadkaasi ka cabanayaan laakiin aanay si toos ah daboolka uga qaadin.