Badhasaabka Togdheer Oo Canbaareeyey Shir Burco Lagaga Hadlay Sicir Bararka

Burco (Somaliland.org) – Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin) ayaa maanta si adag u canbaareyay kulan lagu qabtey magaaladda Burco islamarkaana waxa uga digey Ganacsatada Hudheelada waaweyn in aanay dhiirigalin iny ku gafaan sharciga dalka.


Guddida dhaqaalaha ee G. Wakiillada oo jawaab ka bixiyey hadalkii madaxtooyada

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo ay Madaxtooyadu si kulul ugaga jawaabtey hadal ka soo yeedhey guddida oo ku saabsan Tacriifadda Dekeddu kordhisey iyo koru kaca qiimaha Shidaalka.
Guddida Dhaqaaluhu qoraal ay maanta soo saareen oo ay ku iftiimiyeen hadalkoodii Madaxtooyadu [...]


Suldaan Maxamuud Guuleed oo xukuumadda ugu baaqay inay debciso Cashuurta

Burco (Somaliland.org) – Xubno ka mida Salaadiinta Gobolka Togdheer ayaa ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay shacbiga ka debciso cashuurta Dekedda Berbera, isla markaana xoriyad la siiyo ganacsatada muwaadiniinta ah.


Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

Hargeysa (Somaliland.org) – Saddex qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, maanta magaalada Hargeysa.


Madaxtooyada oo si Cabban uga jawaabtey baaq uu jeediyey Guddida Dhaqaalaha ee G.Wakiilladu

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo shir jaraa’id oo ay qabteen toddobaadkan ugu baaqay shacbiga Somaliland in aanay bixin cashuur sharci darro oo aanu Golaha Wakiilladu ansixin, iyaga oo ka hadlayey tacriifadda ay kordhisey Dekeddu.


Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiillada Oo Ka Hadlay Maciishadda, Sicir-Bararka

Waxa weeye cashuur lama bixin karo aan Baarlamaanku jidaynin oo waa sharci-daro, waa xaq-daro lamana bixin karo. Ka bixiyaana isaga ayaa wax u jeeda. Qodobka 14aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa bixinta cashuurta iyo waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa maslaxada ummada, sidaa daraadeed cashuur ama takaaliif aan xeer waajibinin lama qaadi karo, ummada waxeedii maalin walba cashuur ayaa lagu kordhiyaa,


Khalkhal ka dhashay qiimaha sarrifka Doolarka oo hoos u dhac weyni ku yimi iyo Guddi Madaxweyne Riyaale u magacaabay waxka qabashadiisa

Hargeysa (Somaliland.org) – Qiimaha Doollarka Maraykanka ayaa aad hoos ugu dhacay suuqyada magaalada Hargeysa, marka loo eego sarrifka Shilinka Somaliland, iyada oo sicirka badeecadaha, gaar ahaan, maceeshadda daruuriga ah oo lagu sargooyo Doolarkana aanu hoos u dhicin, balse, kor u sii kacayey waayadan dambe, taasina waxay khalkhal ku keentay ganacsiga dalka, waxayna saamaysay nolosha dadweynaha.
Sarrifka [...]


Madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka Bariga Burco oo Bayaan diidmo ah ka soo saaray Kootada Dhoofka Xoolaha loogu xidhay Ganacsadaha Sucuudiga ah

Burco (Somaliland.org) – Bayaan ay saxeexeen in ka badan Boqol qof oo isugu jira Cuqaal, waxgarad, odayaal iyo aqoonyahan dhammaantood ka soo jeeda Bariga Burco ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay ka noqoto Kootada (Monopoly) ay dhoofka xoolaha nool, gaar ahaan Adhiga ugu xidhay Ganacsadaha Sucuudiga ah ee AL-Jaabiri, taas oo ay sheegeen inay [...]