Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo ay Madaxtooyadu si kulul ugaga jawaabtey hadal ka soo yeedhey guddida oo ku saabsan Tacriifadda Dekeddu kordhisey iyo koru kaca qiimaha Shidaalka.
Guddida Dhaqaaluhu qoraal ay maanta soo saareen oo ay ku iftiimiyeen hadalkoodii Madaxtooyadu …
Burco (Somaliland.org) – Xubno ka mida Salaadiinta Gobolka Togdheer ayaa ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay shacbiga ka debciso cashuurta Dekedda Berbera, isla markaana xoriyad la siiyo ganacsatada muwaadiniinta ah.
Berbera (Somaliland.org) – Maareeyaha Dekedda Berbera, Cali Cumar (Xoor-xoor) ayaa caddeeyey inay kordhiyeen tacriifadda cashuurta laga qaado badeecadaha ka soo degga Dekedda, balse, waxa uu sheegay in korodhka cashuurtu uu yahay wax aad u yar ee aan la kordhin 50%.
Maareeyaha Dekedda oo maanta xafiiskiisa Berbera ku qabtay Shir jaraa’id waxa uu sheegay in cashuur yar …
Berbera (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Maareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Xoorxoor, ayaa bishan shanteedii si wada jir ah qallinka ugu duugey soo jeedin lagu kordhinayo tacriifadaha kala duwan lagaga qaado Dekadda Berbera, kuwaas oo qaarkood lagu kordhiyey 50% qiimihii hore looga qaadi jiray.
Bedeecadda lagu kordhiyey tacriifada Dekadda, ayaa …