Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’

Cabdi-Casiis Aadan Habane oo ahaa wadaha gaadhigii lagu dhex toogtay Alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac magaalada Hargeysa markay taariikhdu ahayd 26/4/2008 ayaa Salaasadii dorraad la saaray Maxkamad milateri, iyada oo ilaa hadda aanay bileysku soo qaban gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.


Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo xaqiijiyey in laba gaadhi oo tikniko ah lagala baxsaday Ciidanka Somaliland ee Laascaanood

Hargeysa (Somaliland.org) - Taliyaha Ciidanka Qaranka, Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa xaqiijiyey in laba gaadhi oo tikniko ah lagala baxsaday ciidanka Qaranka ee ku sugan jiidda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.