Tag Archives: cashuur

Maareeyaha Dekedda Berbera oo ka warramay Tacriifadda Dekedda ee la kordhiyey

Berbera (Somaliland.org) – Maareeyaha Dekedda Berbera, Cali Cumar (Xoor-xoor) ayaa caddeeyey inay kordhiyeen tacriifadda cashuurta laga qaado badeecadaha ka soo degga Dekedda, balse, waxa uu sheegay in korodhka cashuurtu uu yahay wax aad u yar ee aan la kordhin 50%. Maareeyaha Dekedda oo maanta xafiiskiisa Berbera ku qabtay Shir jaraa’id waxa uu sheegay in cashuur […]

Xukuumadda oo kordhisey Tacriifadaha Dekedaha ee Badeecadaha kala Duwan 50%

Berbera (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Maareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Xoorxoor, ayaa bishan shanteedii si wada jir ah qallinka ugu duugey soo jeedin lagu kordhinayo tacriifadaha kala duwan lagaga qaado Dekadda Berbera, kuwaas oo qaarkood lagu kordhiyey 50% qiimihii hore looga qaadi jiray. Bedeecadda lagu kordhiyey tacriifada Dekadda, […]

Golaha Wakiillada oo Fadhi Albaabadu u xidhan yihiin ku ansixiyey 2% Cashuurta lagu kordhiyey

Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo uu maanta yeeshay ku ansixiyey cashuur-kordhin 2% ah oo xukuumaddu soo jeedisey in loo saaro hawlgalka gurmadka iyo maamul-fidinta gobolka Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle. Fadhigan oo saxaafaddu dibadda ka joogtey, wax war ah oo rasmi ahina aanu ka soo bixin ayaa warar […]

SOMALILAND IYO CASHUUR KORDHINTA: By: Yuusuf Goodir

Haddii masuuliyiinta maaliyaddu rumaysan yihin in kordhinta boqolkiiba midhadh aanay wax badan ahayn waxaan idiin sheegayaa in sida aboorku aqal somaliga u cuno ay cashuurtuna umadda u cunto sida uu dundumadda u dhisana ay umadda u dhisto! Marka wadamadda dunidda lagu asteeyo (criteria) wax soo saar kooda Somaliland waxay dhacdaa xayndaabka kuwa ugu hooseeya. Weli […]

Xukuumadda Somaliland oo 2% kordhisey cashuuraha kala duwan

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisey cashuuraha dalka 2% , taas oo loogu talagalay hawlgalka iyo gurmadka Gobolka Sool. Sida uu sheegay Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, cashuur-kordhintan waxa lagu go’aamiyey shir uu golaha Wasiirradu yeeshay Isniintii shalay, kaas oo uu guddoominayey, Madaxweyne Riyaale, isla markaana lagaga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee […]