Tag Archives: caddaaladda

Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’

Cabdi-Casiis Aadan Habane oo ahaa wadaha gaadhigii lagu dhex toogtay Alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac magaalada Hargeysa markay taariikhdu ahayd 26/4/2008 ayaa Salaasadii dorraad la saaray Maxkamad milateri, iyada oo ilaa hadda aanay bileysku soo qaban gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Burco oo xukun ka gaadhey Wiil 22 jir ah oo laba qoys isku haysteen: Qiso cajiib ah

Maxkamada Degmada Burco ayaa maanta markii u horeysay ku dhawaaqday xukun adag oo ka gaadhay Wiil 22 jir ah, oo muddo bil iyo badha kiis xasaasiya oo lagu muransanaa dhalashada inan ay ka socotay xarunta Maxkamada.Xukunkaas oo ay Maxkamadu kaga dhawaaqday hoolka Maxkamada Degmada ayna goob joog ka ahaayeen 4 Afar Waalid oo isku haystay […]

Wasiirkuxigeenka Caddaaladda oo Xilkii Xafiiska SHURO-NET kala wareegey Agaasimaha Maamulka

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Tallaabo ayaa maanta xilkii Dalladda iskuxidhka Xuquuqul Insaanka ee SHURO-NET xoog kaga tirsaday Agaasimaha Fulinta ee hay’addaas, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaha Qaybta Booliska Hargeysa, Agaasimaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Dowladda, Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka iyo laba xubnood oo sheeganaya hoggaan cusub oo loo […]

Hoggaanka SHURONET oo jawaab qoraal ah ka bixiyey Amarkii xil-wareejinta ee Wasaaradda Caddaaladda

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) ayaa u gudbiyey Taliska Guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Qaraar wasaaraddiisu ku gaadhey in hoggaaminta Dalladda Iskuxidhka ururrada Xuquuqda Aadamaha ee SHURONET lagu wareejiyo xubno sheegtay inay yihiin hoggaan cusub oo loo doortay Dalladdaas, isla markaana Taliska Booliska Somaliland ay fuliyaan […]