Waxaa habeenkii Axadii si weyn looga dabbaal degay xuskii sanadguurada 17 aad ee Somaliland oo ay ka soo qayb galeen dadweyne gaadhayay illa 1500 oo qof. Waxay ahayd xaflad si qurux badan loo soo agaasimay hawsheedana ay isku soo duba rideen ururka Horumarinta Somaliland ( SDO) iyo ururka haweenka Somaliland Ee Toronto oo loo yaqaan Somaliland Women Association.
Xuska maalinta sanad guurada 17aad ee Jamhuuriyada Somaliland 18 May 2008 ayaa lagu Qabtay Dalka India ee gobolka Karnataka Magaalada Mysore, xafladaas oo si heer sare ah ay u so agaasimeen ururka ardayda Somaliland.
Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta kala qaybgalay xuska munaasibadda 18ka May dadweynaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame, iyaga oo khudbado uga jeediyey dadweynaha fagaarayaal.