Ciidamadii Somaliland Oo Fadhiya Kaantaroolka Magaaladda Lascanood Iyo Maleeshiyaddi Puntland Oo Maanta Mar Labaad Weerar Lagu Jebiyey

Abeesalay (Somaliland.Org) Ciidamaddada Somaliland ee ku sugnaa abeesalay ayaa galabta galin danbe weerar laba dhinac ahi kaga yimid maleeshiyadda Puntland. Hase yeeshe sida wasiirka gaashandhiga Somaliland iyo warbaahinta gobolka Sool caddeyeen maleeshiyadda weerarka soo qaaday ayaa laga awood roonaaday, isla markaana laga qabsaday degaanadii ay weerarka kasoo qaadeen. Sida idaacadda BBC Somali kusoo warantay waxa […]

Dagaal Xoogan Oo Saaka Ka Qarxay Magaaladda Laascaanod Iyo Maleeshiyaddii Puntland Oo Gebi Ahaanba Magaaladda Dibada Looga Saaray

Laascaanood (Somaliland.Org) Waxa saaka subaxii ka qarxay gudaha magaaladda Laascaanod dagaal aad u qadhaadh kaasoo dhex maray ciidanka Somaliland ee ku sugan Koonfurta magaaladda Laascaanod iyo maleeshiyadda Puntland. Dagaalka oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilaabmay ka dib markii ay magaalada soo galeen ciidamo ka yimid xarunta Puntland ee Garoowe kuwaas oo qof […]

Saddexda Hoggaamiye Xisbi Iyo Xantooda Siyaasadeed…Maanta Iyo Siilaanyo Qaybtii 4aad

Akhristayaashii Geeska Afrika ee la socday qormadii Saddexda hoggaamiye xisbi iyo xantooda siyaasadeed, waxaanu maantana idiin soo gudbinaynaa qabtii labaad ee Xanta Axmed Siilaanyo…. Go’aan iyo tallo qaadasho:Axmed Maxamed Siilaanyo, arrimaha lagu xanto ee uu muddooyinkii u dambeeyay ka qaatay go’aano adag, waxa ka mid ah murankii ka dhashay natiijadii doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee ay […]

TV-yada madaxabanaan oo beeniyay inay dood la wadaagayaan TV-ga Qaranka

Masuuliyiinta labada Telefishan ee madaxa banaan  Somaliland Tv iyo Hargeysa Cable Tv, ayaa si wada jir ah u beeniyey warqad martiqaad ah oo kasoo baxday Tv-ga Qaranka, taas oo lagu sheegay in saddexda Tv ay si wada jir ah u qaban-qaabinayaan dood ku saabsan arrimaha dimuqraadiyada Somaliland . Masuuliyiinta Telefishanada madaxbanaani waxa ay sidaa ku […]

Wararka Wargeyska OGAAL, caddadkii Maanta, Isniin, 01, Okt.

"Ciidanku si feejigan ayuu ku qabsadey Laascaanood.. taageerada dadweynaha ayaana keentay" Abaan-duulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Hargeysa (Ogaal)- Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Md. Ibraahin Caydiid Dhab-dhable ayaa sheegay inay Ciidamada Somaliland ka taliyaan dhinaca koonfureed ee Magaalada Laas-caanood, isla markaana ay dadka deegaanku si weyn u soo dhaweeyeen Ciidamada, ka dib markii ay ku qanciyeen inaanay […]

Ambassadorkii Somaliland U Fadhiyey Ethiopia Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.Org) Danjirahii Somaliland u fadhiyey dalka Ethiopia Mudane Yuusuf Jaamac Buraale ayaa shaaca ka qaaday inuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.  Danjire Yuusuf Jaamac Buraale oo ah diplomaasi miisan culus leh, isla markaana xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan-Tuur), waxa uu sadexdii sanadood  ee ugu danbaysay ahaa danjiraha […]

Wararka Wargeyska OGAAL, Cadadkii maanta, Axad, 30 Sept.

"Waxa jiray is-bahaysi ka soo horjeeday Wakiillada cusub iyo dareenadii shacbiga"  Gudoomiyaha Golaha Wakiillada   Hargeysa (Ogaal)- "Golaha waxa loo doortay inuu xeerar Ummada u sameeyo, mudadaa uu jirayna waxanu saaray illaa 10-xeer in kastoo caqabado badan uu dhinacyo badan kala kulmay Goluhu dhinicii wada shaqaynta xukuumada iyo Golaha Guurtidaba, hase yeeshee dadaalkii aanu samaynay […]

DAYMADA WARGEYSKA: Ina Saleebaan-weynow Waad noo Dhinnayd Show!

DAYMADA WARGEYSKA: Ina Saleebaan-weynow Waad noo Dhinnayd Show! Qaran kastaa wuxuu leeyahay waxyaabo lama taabtaan ah oo uu ku dhaato qof kastoo ka tirsan ay waajib ku tahay inuu tixgaliyo sida taariikhaha halganka iyo munaasibadaha qaddiyadahooda ka turjumaya. Sidoo kalena qof kasta oo ka mid ahi (mucaarid iyo muxaafidba) uu qadariyo oo aanay ka suurtoobin […]

Xisbi aflagaadada dadkiisa codka kaga hela

Dunida lama maqal madax dadkii ay codka ka doonayeen ku aflagaadooda, taariikhdoodana u heelan inay baabi’iyaan. Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda UDUB oo joogto u aflagaadeeya dadkii codkooda siiyay, waxa haddana ay goorwalba istusaan isku kalsooni ay ka qabaan inay heli doonaan codadka ugu badan doorashooyinka. Haddaba maxaa sababay in xisbiga UDUB si isku kalsooni leh […]

Faysal Cali Waraabe Iyo Siyaasiyiinta Ururka Qaran Ee Xidhan Oo Isku Horfadhiistay Dood Iyo Garnaqsi

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah Md. Faysal Cali Waraabe iyo hoggaamiyayaasha urur siyaasadeedka QARAN ee ku jira xabsiga Mandheera Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibrahim, ayaa shalay gudaha xabsiga Mandheera ku yeeshay kulan door iyo garnqsi ah, ka dib markii uu guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo […]

Degmada Dhoqoshey oo uu ka bilaabmay dhismaha Dugsi Sare

Deegaanka Tuulada Dhoqoshay oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad aad tiro badan, Tuulada Dhoqoshay waa Tuulooyinka ay wax ka bartaan Ardayda ugu badan Dugsiyada Hoose /Dhexe ee Gobalka Togdheer. Dhowaan Tuulada dhoqoshay waxaa kormeer ku tegey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Xasan Gadhweyne iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Togdheer Cabdi Siciid Axmed oo […]

Wasirka Warshadaha, Maxamed Salebaan Maxamed Ayaa Si Kulul Cay Iyo Weedho Qabyaaladed Ku Weeraray Hogganki Siyasad SNM Iyo Madaxda KULMIYE

Wasiirka Warshadaha, Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne), ayaa si kulul cay iyo weedho qabyaaladeed ugu weeraray hoggaankii siyaasiga ahaa ee ururka SNM iyo madaxda xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE. Wasiirka Warshadaha, Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne), ayaa si kulul cay iyo weedho qabyaaladeed ugu weeraray hoggaankii siyaasiga ahaa ee ururka SNM iyo madaxda xisbiga mucaaradka […]

Xadhigga Suxufiyiintu Wuxuu Baalmarsanyahay Dastuurka Iyo Shuruucda Somaliland

Saddexda suxufi ee wargeyska Haatuf?oo xaqdarro u xidhanaayeen muddo?86 maalmood ah ayaa maanta oo bishu tahay 29 March 2007,? uu madaxweyne Riyaale amray sii dayntooda kadib markii?uu guud ahaanba ku guuldarraystay ujeedadii?uu?ka lahaa xadhigooga. Caddaadis, cambaarayn iyo ceebo badanina ay kaga?yimaaddeen gude iyo dibadba kuwaas oo kaga yimid?dawladaha deeqda bixiya, shacbiga iyo ururada xuquuqal insaanka […]

Golaha Cusub Ee Baarlamaanka Oo Doortay Shir Guddoon Cusub: C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi, Cabdicasiis Samaale, Baashe Maxamuud Faarax

Hargeisa (Somaliland.org) Kal fadhigii 1-aad ee Golaha wakiiladda oo maanta ka qabsoomay Hoolka Golaha Guurtida ee Magaalada Hargeysa ayaa waxay 48 xildhibaan ee Labada Xisbi KULMIYE iyo UCID ku doorteen Guddoomiye iyo labadiisa Guddoomiye ku xigeen, kal fadhigani oo 33-ka xildhibaan iyo xubin ka tirsanayd Xisbiga UCID oo hore looga saaray xisbigaasi ka dareereen ka […]

Feedh, Dhirbaaxo, Buuq Iyo Qallaase Saameeyey Maanta Kal Fadhigii 1-Aad Ee Golaha Wakiiladda Iyo Jawiga Guud

Hargeisa ( Somaliland.org) Saaka Subaxnimadii hore ayaan u jarmaaday inaan ka hawl galo Xarunta Golaha Guurtida oo ahayd halkii uu ka qabsoomaaayey maanta Kal-fadhiga 1-aad ee Golaha Wakiiladda, abaaro 8:00 Subaxnimo ayaan soo gaadhay Guriga uu shirku ka qabsoomaayey oo aan sidaasi uga sii durugsanayn Xarunta Guriga Madaxtooyada, durtaba waxaa indhaygu qabanayeen Raxan Dad ah […]

War-saxafadeed Ay Si Wada Jir Ah Usoo Saareen KULMIYE Iyo Ucid

Hargeisa ( Somaliland.org) Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa waxay dhawaan soo saareen Nuxur War-saxaafadeed oo ay ku kala saxeexanaayeen Labada Afhayeen ee labada Xisbi, Mujaahid Maxamed Kaahin oo ah Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, iyo Xasan Xuseen Maxamed oo ah Afhayeenka Xisbiga UCID, waxay Bayaankani si weyn ugu dhaliileen Siyaasadda Madaxweyne Rayaale ee ku sallaysan […]

Qodobadii Ay Saxeexeen Xildhibaanada Mucaaridku Shallay

QODOBADII AY SAXEEXEEN XILDHIBAANADA MUCAARIDKU SHALLAY Hargeisa (Somaliland.org) Waxaa Maalintii Shallaytoole ahayd lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa Kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen 45 Xildhibaan oo ka kala socday labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID, iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, […]

Somaliland.Org