Halbeega Cabirka Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo 5-Sano Ka Dib …..Qeybtii 1aad.

Bismilahaahi raxmaani raxiim ramadaan kariim dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan dadka reer Somaliland meel walboo aad aduunyada ka joogtaan, waxaan idiin rajaynayaa midnimo wada jir iyo wanaag badan.

Waa qoraalo iyo barnaamij hawleed aynu eegi doono kuna falaqayn doono halbeega iyo cabirkana dulsaari doono waxqabadka shan sano ka dib Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaan is dul taagi doonaa oo mid mid u eegi doonaa meelkasta oo wax laga qabtay horumarka dalku gaadhay iyo halkii uu shalay kasoo hayaamay, waa hawl baahineed diirada lagu saarayo waxqabad kasta gobol, degmo ilaa tuulo .

Sida aynu wada ogsoonahay Dawlada maanta jirta waxaa la doortay 26-jun sanadkii 2010-kii wakhtigaasi oo hada laga joogo mudo ay wax yari uu ka hadhsan yihiin buuxsanka shantii sano, waxay noqon doonaan qormooyin taxane ah sidaa aynu horeba usoo sheegnay aynu kaga hadlo doono islamarkaana cabirkeena ku saari doono miisaanka wax qabad ee xukuumada iyo guud ahaanba dalka .

Inta ay socdaan hadii alle ka taxanaha ahi hadii alle ka idmo waxaad bulsho ahaan kaga bogan doontaan waxqabadka xukuumada maanta talada dalka haysa ee ka dhalatay xisbul xaakimka kulmiye doorashadii 2010-kii iyo sida dadka u mahadiyee.

FG: Dalkayga Dadkayga Somaliland ul iyo diirkeed

W/Q: Cali Xasan

Ceerigaabo/Somaliland

Calixasan806@gmail.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.