Hambalyo Golaha Guurtida Somaliland Muddo Kordhinta Ay Sameeyeen

Waxaan halkan hanbalyo u diryaa Odayaasha Samo taliskaa ee Golaah Guurtida Somaliland oo saaka ku dhawaaqay go,aan adag oo geesinimo leh, kuna dhawaaqay inay kordhiyeen sanad iyo toban bilood la kordhiyey Xukuumada talada wadanka haysa ee Axmed Siilaanyo iyo Baarlamaanka iyagoo mudeeyey inay Doorashadu ku dhici doonto sanadka 2017-ka wixii nool.

Go,aannka saaka oo ahaa mid loo wada dheg taagayey islamarkaana ay ka cabaadayeen xisbiyada mucaaridku wuxuu ahaa go,aan iyaga la sugaayey xaqna ay u lahaayeen maadaama aan dalka wakhtigan wax doorasho ahi ka dhici Karin sababtuna ay tahay cilado farsamo oo jira.

Odayaasha Somaliland waxay qaranka kasoo samata saareen marxalo adag oo dalka hore usoo wajahay, waa guurti alle nagu galaday waana waxa aanu dheernahay wadamada qaarada Africa odayadaasi is xilqaamay qaranka waxay u yihiin laf dhabar dhamaantood waa wada samatatalis.

Gudoomiyaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan waa nin yaqaan marxalad kasta oo timaada sida loo maareeyo, sharaf maamuus bay naga mudan alle ha daayee, waxaan jeclahay inaan soo qaato midhan aan ku cabiro qiimaha ay inoogu fadhiyaan guurtidu.

Dalka waxa mideeyey

Dadkaygana israacshay

Naga dhigay ul iyo diir iyo

Daris walalaa ducadooda weeyee

Allahayoow hanaga dumin

Guntii iyo gaba badii guurtida alle ayaa inagu galaday kuwa caayayoow afxumada ka daaya ilaahay haynoo daayee, guurtida iyo waxaanu leenaahy guul iyo gobanimo waarta waligiin noo jooga..

Cali Xasan
Hargeysa/Somaliland

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.