C raxmaan Cirro Loogama Baahna Ciiro Isku Qaris

Sida hindasaha iyo qorshaha ku talo galku ahaa waxay ahayd in Doorashada Madaxtooyada iyo baarlamaanka la qabto 26jun sanadkan aynu ku jirno, balse calad farsamo oo timi may dhicin, waxaana lagama maarmaan noqotay sidii sharciga ahayd in go,aanka loo daayo Golaha Guurtida iyagana loo daba fadhiisto, hadaba iyadoo taasi jirto waxaa weeye qabsoomid la,aanta doorashada masuuliyadeeda rasmigaa yaa leh? Waa su,aal mudan in lays waydiiyo jawaabteena la bayaamiiyo lana cadeeyo.

Golaha sharci dejinta ee aynu leenahay uguna horeeyo gudoomiyuhu C/raxmaan ciro waxaa waajib ku ah inay sameeyaan sharci iyo xeer lagu jaan gooyo doorashada la qabanaayo, xeerkaasi waxaa hubaala Madaxweynuhu usoo gudbiyey baarlamaanka se nasiib daro gudomiyaha iyo xulafadiisa xildhibaanadaa ee ku jira xisbigiisu ay barkinta hoosteeda dhigteen sharcigii markii danbena ay sameeyeen wax ka bedel, taasi waxay ka xanaajisay odayaasha guurtida ah oo ku canaanatay wakiilada inay iska dayaan kufsiga xeerarka qaranka waajibaadkooda uun ka gutaan, sababta ay marna barkinta hoosteeda u dhiganayeen marna u kufsanaayeen waxay ahayd inaan dalka doorasho ka dhicin waayo Cabdiraxmaan Ciro marna ma ogola inuu ka tago Kursiga gudoomiye nimada wakiilada .

Dhanka Xukuumada dhamaan qodobadii waajibka ku ahaa hirgelinta doorashada way fulisay waxaana kamid ahaa soo gudbinta xeerka doorashada iyo magacaabista gudiga doorashooyinka sidoo kale bixinta dhaqaalaha kaga aadanaa dhankeeda , saddexdaa qodoba waa fulisay lagumana dhaliili karo xukuumada iyo xisbiga kulmiye toona, waxaana halkaasi akhristayaal inoo cad in doorashada dib u dhaceeda uu masuuliyadeeda leeyahay C/raxmaan ciro ah gudoomiyaha xisbiga wadani, hadaba miyeynu ka dhegaysaa xukuumad baa doorashadii qaban wayday, waayo waxay ogyihiin marnaba inaan la dooranayn , Ciro iyo xulafadiisa ciiro isku qariskaa waa aafo iyo masiibo dalka iyo dadka lagu soo habaaray .

Xukuumada waxaa maraha hogaanka u haya Madaxweyne siilaanyo aan looga baran kursi jeceyl iyo shikhsi jaceyl oo ahaa ninkii waxan ka badnayn 90 cod laga musuq maausay ee samirka iyo go,aanka geesinada leh ka qaatay waligeed aduunyada kama dhicin hogaamiyena muu samayn, in maanta ninka sidaa ahaa 10 sano duurka ugu soo jiray xoraynta qaranka miyaan aqbalaa inan yar oo shalay faysal cali waraabe felankd ka keenay inuu fawdo iyo qas ka abuuro dalka dadkana been u sheego dhaho dalwada leh eeda deerasahda waxaanu leenahay dawladu malahee adiga iyo xisbigaaga aafadaa baa leh malaa runtaan laguu sheeginee.

Haashi Abdi

Haashi75@gmail.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.