Ma Mucaaridnimaa Mise Waa Qaran dumisnimo In Ciidammada Shisheeye laga dacweeyo

Waxaa wax laga xumaado ah dhamaan hadaanu nahay reer Somaliland qarab jab inagu ah in muraacadkeenii kala garan wayeen mucaaradnimadii iyo qaran dumisnimadii, waxaanan ka naxay markii Madaxweyne siilaanyo khudbadiisii sanadlaha ahayd kusoo qaatay xubno kamida xisbiyada mucaaridka oo waraaqo u diray qaar dawladaha shisheeye, uguna dacwoodeen inay joojiyaan taageerada iyo tabarada ay siiyaan ciidamadeena.

Arintaa markii aan maqlay waxay noqotay mid ka weynaatay dhegahayga qofkasta oo muwaadin ahina wuu ka naxay, waana wax aad looga yaq yaqsoodo in raggii mustaqbalka doonayey inay hogaamiyaan dalkan waxaas ku kacaan, anigu taa waxaan u arkaa qaran dumisnimo, waayo waxaana halkaas ka cad inay yihiin cadawga koobaad ee bulshada iyo qaranka Somaliland leeyahay raga waxaas ku kacay waxaana fiican in sharciga lala tiigsado oo waajibka la mariyo.

Kuwa maanta nolol u quudhiwaaga ah ee ciidamadeenii ashtakeeyey habeen iyo maalinba u heelanaa Nabad gelyada iyo xasiloonida , danahoodii gaarka ahaa uga tagay danta guud , qaran awgii u jooga dhamaha iyo cad ceeda, si u sugaan xuduudaha dalka reerahoodii uga irdhoobay usoo jeeda habeen iyo maalinta dalkooda iyo qarankooda, kuwaas isku sheegaya muraacadka waxay ku kaceen faldanbiyeed halis ku ah qaranka.

Bulshada waxaan ugu baaqayaa inay ka digtoonaadan nimankaasi waayo qaranka daacad uma ah haday daacad u yihiin ciimada qaranka oo aan siyaasad gelin ee qaranka matelaa kamay amaan waayeen, bulshada waxay ugu sheekaynayaan waa been, waxaana hubaal ah hadii ay maruun qabtaan hogaanka dalka inuu dalku geli doono halis, waxaana ay taasi ku xidhan tahay bulshadu inay iska jirto.

Ugu danbayntii waxaan ka wada dheregsanahay in hayba iyo sharafta wadan leeyahay ay tahay Ciidamada, waxaana ay inaga mudan yihiin inaynu u abaal gudno waayo kuwa aynu ku seexano ee kusoo toosnaa waa iyaga, kuwa aynu isku halaynaa waa iyaga dalkna hadaanu ciidan lahayn nabadi kama islaaxdo, dhamaan ciidamada qaranka ee kala duwan waxaan leeyahay waxaa laydinku sameeyey waa fal xun oo wuxuushnimo ah raali gelin ayaanu idinka siinay, Madaxweynaha Qarankana waanu ku hanbalyeynaa digniinta uu u diray kuwa wax magaratada ah .

Cali Xasan

calixasan806

calixasan806@gmail.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.