Qalalaasaha Yeman, Somaliland Shar iyo Khayr Maxaa ka soo Gaadhi Kara?

Yeman waxay ku taallaa bugcad ka mid ah meelaha ugu istaraatijisan bariga dhexe, waxay xuduud la leedahay dalalka Cumaan iyo Boqortooyada Sucuudiga oo soo saara shidaalka ugu badan dunida iyo kaydka ugu badan ee ku duugan dhulka hoostiisa inta la og yahay, waxa iyaguna aan sidaa uga fogayn wadamada kale ee khaliijka ee laga helo shidaalka iyo gaasta loo dhoofiyo dalalka horumaray.
Yeman waxay dhacdaa afaafka laga galo ama laga soo baxo Suez Canal-ka waxa cidhif ka mara marin biyoodka loo yaqaano Baab Al Mandab ( The gate of tears) oo sida Sues-ka oo kale isku xidha Bada Cad, Bada Cas iyo Badwaynta Hindiya oo ay maraan badeecadaha ugu badan ee u kala goosha dacalada dunida .

Sida dawladaha kale ee carabta ama kuwa muslimka ah Yeman waxa xukumayay digtaytar kali-taliye ah in kasta oo loogu yeedhi jiray Madaxweyne, Cali Cabdale Saalax wuxuu dalka u xukumi jiray sida boqorada ama ka sii qalafsan.

Si kastaba ha ahaatee kacdoonkii shicibka ka dib waxa wiiqantay awoodii dawlada waxana bilaabmay in ay dawlado, ururo iyo kooxo shisheeye ku loolamaan inay awood ku yeeshaan tallada iyo majaraha siyaasada dalka Yaman iyo in ay ka hiraan kuwa kula tartamaya hogaaminta ama amar ku taglaynta mandaqada ( Hegemony) .

Dawladaha ku hirdamaya waxa ka mid ah Sucuudiga, Dawladaha kale ee Khaliijka iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Iraan, Ciraaq, Suuriya iyo Ururka Xusbulah oo dhinaca kale ah waxa iyaguna iskood dhinac kale u ah Dawladaha reer galbeedka oo dagaal kula jira Alqaacidada dalka guduhiisa, waxa iyaguna xaga koonfurta ka jira dhaq-dhaqaaq xoogan oo doonaya inay mar kale ka go’aan waqooyiga dalka.

Hadaba rajiimkii dhacay iyo burburkii Hay’adaha dawlada gaar ahaan ciidamadii qaranka waxa ka faa’iidaystay jabhada xuutiyiinta oo si fudud u qabsatay caasimadii dalka iyo gobolo kale oo badan iyaga oo taageero buuxda ka helayay xulafada calamiga ah ee shiicada.

Waxa muuqata in lacagtii saliidu joojin kari wayday damaca iyo is balaadhinta dawlada Islaamka ee Iraan oo isbahaysigii suniga ee Sucuudigu hormoodka ka ahaa kaga adkaatay Yeman.

Dawladaha Reer Galbeedka qudhooda waxay ku noqotay lama filaan in Yeman gacanta u gasho jabhada xuutiyiinta waxay ku sii jeedeen ama isha ku hayeen ururka argagaxisada ah ee Al-Qaacida oo ka hawl gala qaybo ka mid ah dhulka Yeman.

Taageerada xuutiyiinta iyo fidinta caqiidada shiicada ka sakow Iraan maxay ka rabtaa Yaman?
1. Inay awoodeeda siyaasada iyo milatarigaba gaadhsiiso bada cas iyo in ay saldhigyo ka samaysato magaalooyinka xeebta ee kulaalaya marinka Baab Al-Mandab haddii loo baahdo.
2. In ay Boqortooyada Sucuudiga oo ay ku tartamayaan Gobolka ka fadhiisato ama ka soo cidhiidhido dhinaca koonfurta (Yaman) oo xuduud aad u dheer la leh
Si kastaba aha ahaatee saadashu waxay tilmaamaysaa in Yeman qarka u saaran tahay inay ka qarxaan dagaalo wajiyo badan leh iyo dano iska soo horjeeda.
Quwadaha reer Galbeedku ogolaan maayaan in la carqaladeeyo isku socodka ganacsiga caalamiga ah sidaa daraadeed wax lala yaabo maaha inay dagaal ku qaadaan cid kasta oo isku dayda.
Sucuudigu isna marnaba u dul-qaadan maayo in ay Yeman noqoto meel Iraan dusha ka maamusho sidaa daraadeed waa lama huraan inay ku dagaalanto.

Iiran dhankeeda waxay ku dedaalaysaa inay xejisato ama difaacato guusha ay Yeman ka gaadhay iyo in la muquuniyo ururada iyo kooxaha gudaha ee ka soo hor jeeda maamulka xuutiyiinta .

Hadaba qalaalasaha Yeman, Somaliland shar iyo Khayr maxaa ka soo gaadhi kara?

Wasiirkii hore ee Itoobiya ( Minister of Capacity Building) Tafare Walwo wuxuu yidhi: “horumarka Itoobiya higsanayso sida qorshuhu ahaa noogu hir-geli maayo inta qaar ka mid ah wadamada jaarku gubanayaan ama qalalaase ka jiro.”
Sidaas oo kale dabka Yeman ka baxayaa wuxuu saamayn karaa xasiloonida gobolka gaar ahaan Somaliland, laakiin dhanka kale waxa la hubaa in xoogaga ku dagaalamaya qaarkood inay u baahdaan saldhigyo u dhow oo ay kaga duulaan sidaa daraadeed waxa laga yaaba inay Xukuumada Somaliland ka codsadaan isticmaalka iyo adeegsiga Dekada iyo madaarka Berbera oo markii horaba Ruushku u dhisay ujeedooyin Milatari.
Ogow Somaliland maanta waxay u baahan tahay taageero siyaasadeed iyo taageero dhaqaale oo laga heli karo kaliya cida iyaguna kuu baahan ama dano kaa leh , dunida wax bilaash ah la isma siiyo wax baa la kala iibsadaa.

Raysal wasarihii hore ee Ingriiska (1859-65) Lord palmerston Wuxuu yidhi : “ We have no permanent alIies, and we have no Perpetual enemies, our Interests are Permanent and Perpetual” sidaa awgeed inaga oo ka faa’iidaysanayna xaalada Yemen Xukuumada Somaliland waxaan ku baraarujinayaa in la soo dhaweeyo dal kasta oo diyaar u ah in aynu wax is dhaafsano.
C/raxmaan Cadami
abdirahamanadami@yahoo.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.