Mingiste Oo Taageeray Go’aankii Ka Soo Baxay Guddigga Doorashooyinka

Siyaasi Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa taageeray go’aankii ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somalilnd, waxaanu si weyn ugu bogaadiyay xiliga ay u qabteen in diwaangelinta codbixiyayaashu ay dalka ka qabsoonto.
Mudane Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), waxa u sidaasi ku sheegay qoraal uu ka soo saaray magaalada Hargeysa oo uu arrintaasi ku faahfaahiyay, qoraalkaasi oo nuqul mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan :-
Ugu horeyn waxaan halkan taageero iyo boggaadin uga soo jeedinayaa go’aankii ay gaadheen Guddigga Doorashooyinka Somaliland, Taariikhdu markay ahayd 09 March 2015, kaas oo ay ku shaaciyeen xilliga ay dalka ka bilaaban karto Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha. Waxaan qabaa in uu ahaa Go’aan sax ah,oo ay ka muuqato masuuliyad iyo fahmida culayska ay leedahay shaqada ay Ummadda u hayaan. Waxaa lagama maarmaan ah, Mucaarid iyo Muxaafidba in aynu fahanno arimaha ay ka mid yihiin :-
1. Waa muhiim , waa waajib in cid waliba ogaato, fahanto, kuna tixgeliso Guddiigga Doorashooyinka in ay leeyihiin masuuliyada qabashada Doorashooyinka ,waqtiga ay Doorasho dalka ka qabsoomaysana laga sugayo Guddida Doorashooyinka Somaliland.
2. Waa waajib ina saaran dhamaanteen Shacab, Xisbiyada, Xukuumada iyo Golayaashaba in aynu soo dhoweyno, ku taageerno, kula shaqayno Guddida Doorashooyinka Somaliland xilli kasta oo ay sheegaan in in ay ku haboon tahay in Doorasho dalka ka qabsoomayso.
3. Waa in aynu aaminaa Guddida Doorashooyinka, kana ilaalinaa wax kasta oo hagar daamo iyo hakin ku keeni kara habsami u socodka howlaha Doorashooyinka aynu u xil saarnay Guddida Doorashooyinka Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH.
Abdi M.Saleiman(Mingiste)”

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.