Laba Sano iyo Hawlgalkii Dawladda Somaliland

Laba sano ayaa ka soo wareegtay hogaamintii Axmed Siilaanyo. Qiimaynta labadaa sano waxaa miisaan u ah saddex qodob. In laysu miisaamo xaaladdii wadanku ku sugnaa iyo ta maanta, balan qaadyaddii doorashadda, iyo aafooyinkii ka hor yimi dhamaantood waxaa ku xayn daaban xili laba sano ah.

Hordhac: Xaaladdii wadanku ku jiray waxay ahayd mid lagu tilmaami karo dawlad kacday. Ugu horayn, hanaanka dawladeed ma dhamays tirnayn. Tusaale ahaan, shaqaaleheedu ma sugnayn (tiro koob laa’aan), waxaa jirtay caaglaysi; cududda arimaha guduhu waa ciidanka nabad gelyadda, laakiin, ninka booliiska ahi hawlgalka ciidan wixii uu ku gaysto qabiil ayuu kula eeran jiray; waxaa dhici jirtay in qaar ka mid ah wasiiraddu  qaranka qabiil ku kala gayso. Lama sheegin taariikhda dawladdaha in ilaacad qaran laga baahiyo in dadka qarankaa u dhashay qayb ka mid ahi ka baxdo magaalo madaxda, dawladda Rayaale ka hor! Qaran jab ayay ahayd! Muuqaalka dusha ee madaxtooyadda qaranku wuu aradnaa basaasina way ka muuqatay, gudeheedana qaawanaan iyo basarinimo ayaa indhuhu ka meer-meeri jireen, sawirka arimaha debedda ee ay bixinaysayna wuu liitay; Sidoo kale xuduudaha wadanku ma wada sugnayn. Hanaankaas maqan ka sokow, hawl gal dawladeed waxaa saldhig u ah dhaqaale, waxay dhaxashay khasnado madhan, iyo weliba dayn.

Meelaha niyad wanaagu ka muuqday waxa ka mid ahaa ciidan qaran oo asluubtiisa iyo kala danbayntiisu aad u sarayso, laakiin laga hagraday derajadii.

Maantana: labadii sano waxay dawladdu ka hawl gashay hanaankii dawladnimo. Waxaa la sameeyey tiro koob shaqaale iyo ciidanba koobsanaya. Dawladdu uma muuqato in ay bulshadda kala qaybinayso, ninka booliska ahina wuu dareen san yahay in hawl galkiisa dawladi ka danbayso. Ismuujintii (gesture) ugu horeysayba waxaa la iftiimiyay muraayaddii wadanka –madaxtooyaddii. Xaga dhaqaalahana dayn bax iyo miisaaniyad laban laabantay ayay soo kordhisay. Dhaliilaha ugu mudan ee dawladdu waa mid kala socota oo aan laga filayn hanaan maamul oo uu horseed ka yahay madaxwayne siilaanyo.

Wax qabadka:

  1. Qorshayn: Hore u marka waxaa saldhig u ah qorshe la higsaddo. Dawladdu waxay soo bandhigtay qorshihii shanta sano. Waa tilmaanta jidka hore u marka, la’aantiina nolol wanaagsan lama hawaysto.
  1. Mushaar kordhintii. Balan qaadyaddii xisbiga Kulmiye waxaa ka mid ahaa in ay kordhin doonaan mushaarooyinka. Taasi waxay ahayd geesinimo, guul baanay ku dhamaatay. Kordhinta mushahaarooyinku waxay abuuraysaa shaqo wanaag. Si aan toos ahayna waxay uga qayb qaadataa shaqo abuurista.Nin boolis ah ayaanu wado ku rafiiqnay waxaan warsaday sida noloshu isu bedeshay intii dawladani timi. Aad buu ugu nuux-nuuxsaday isagoo leh markii hore dadkaanu ku dul noolayn, imikana waanu u shaqaynaa.
  2. Biyaha: Dawladdu waxay qayb ka ahayd sahankii biyaha oo gebi ahaanba wadanka laga qaaday. Maantana dhulka intii isku dhowba waxaa la og yahay halkii laga qodi lahaa ceel biyood (riig.) Sidoo kale wakaaladaha biyaha ee Hargaysa iyo Burcoba waxay muujiyeen maamul wanaag.
  1. Arimaha Gudaha: Dawladdu waxay si farshaxanimo ku jirto ugu guulaysatay daminta iska hor imaadkii hubaysnaa ee ka dhacay Ceerigaabo. Sidoo kale gurmadkii deg-dega ahaa ee Ciidanka Qaranku ku dhex-galay colaaddii ka ogoogantay Kalshaale, Alle mahaddii waxaa ku baaqday dhiig badan oo daata. Go’aankii lagu aasay berkedihii halkaa laga qoday waxay ahayd talaabo geesinimo ah oo madaxwaynuhu qaatay.
  1. Dib u Dhis: Dawladdu waxay ka qayb qaadatay wadooyin la dhisayo, sidoo kale waxaa mudo yar lagu dhamays tiray biriijkii Hargaysa oo mudo dheer dhismihiisu jiitamayay, iyo weliba hore u marinta dekedda Berbera. Si la mida dawladdu waxay gelbinaysaa casriyaynta garoomadda diyaaradaha ee dalka. Waxaa si wayn boodhka looga tumay dhismayaashii wasaaradaha iyo doo meelaha qaarkood laga qotomiyay kuwo is muujiyay.
  1. Arimaha Debedda: Intii Somaliland jirtay arimaha debedda waxaa mudnaanta la siin jiray aqoonsi raadin. Dedaalkaa dawladda Siilaanyo waxay ku soo kordhisay in ay go’aan ka qaadato is hor-fadhiisi Soomaaliya lala yeesho. Umay muuqan halis, waayo in kulamadaasi dhacaan waxay ahayd aragti wadamo aynu saaxiib nahay ka timi, isla markaana hore aynu u ogayn soofka marinkooda. Guushu ma ahayn in aynu Soomaaliya is hor-fadhiisano, dulucdu waxay ahayd Somaliland oo si rasmiya dunida loogu bandhigay. Heshiisyaddii ka soo baxayna waxaa loo gudbiyay xafiiska Qaramadda Midoobay ku leedahay New York.
  1. Lacag bedelistii. Dawladdu waxay ku guulaysatay in ay Gobolka Tog-dheer ka bedesho lacag loo bixiyey giinbaar ama barqash oo Soomaaliya laga isticmaali jiray. Dhawr jeer ayaa miisaaniyaddii dawladdii Rayaale lagu daray kharashkii lagu bedeli lahaa barqashta may suuro gelin. Waxaa lay sheegay nin waayeel ah oo degan Galbeedka magaaladda Burco oo qaadan kari waayay in lacagtaa la bedelayo, markii ay rumowday ayuu ku luuqeeyey hees geela loo qaado:

Nina Dhuunuu kuugu Dhaadhacay

Nina Dhaqashuu kuugu Dhabar Jabay

  1. Ilaacaddii: Marka la eego ilaacad Somaliland yeelato waxay ku danbaysay caruurtii reer Guure Raaca looga sheekayn jiray. Dawladdii hore dhawr jeer ayay miisaaniyadda ku dartay in ilaacad wadanka la keeno. Dawladdani keentaye aynu eegno in ugu yaraan Somaliland gudeheeda laga wada maqlo.

Dhaliilaha:

  1. Dawlad kala socota. Xili madaxwaynuhu ka soo noqday safar uu ku tegay Ingiriiska ayay weriyayaashu qolka nasashadda ee garoonka diyaaradaha ku waydiiyeen in dawladdiisu kala socoto. Madaxwaynuhu ganafka ayuu ku dhuftay. Waxay ka midtahay ayaan darooyinka ragaadiyay dawladda. Waxaa caado noqotay in madaxda dawladdu saxaafadda isugu jawaabto, hadday noqoto wasiiro, gudoomiyaal gobol iyo qaar kaleba.

Qodobka kalena waa xogta dawladda oo si dhakhso badan u soo gasha suuqa. Tusaale ahaan, xogta shirarka wasiiraddu marar badan kama raagto in suuqa lagu faaqido.

  1. Tayadda madaxda dawladda. Waxay iigu muuqatay in aanu madaxwayne Siilaanyo sii qorshaysan cida hagi doonta dawladiisa, ka hor intii aanu talada hogaaminta ku guulaysan. Taasina waxay la timi culays. Marka la eego wasiiradda xulkii uu madaxwaynuhu keenay waxay ahaayeen biyo kama dhibcaan. Waxaase muuqatay in agaasimayaasha iyo gudoomiyayaasha goboladda  intooda badan uu xilku culays wayn ku ahaa. Ta ugu habooni waxay ahayd in la hufo oo ninka xilkiisa ka soo bixi kariwaaya meel uu ku haboon yahay la geeyo. Bilowgii, xilalkii uu madaxwaynuhu bedelay sidaas way u muuqatay, laakiin markii danbe tusmadaasi way ciirtay.

Meelaha dhaliilaha xoogani ka yimaadeen waxa ka mid ah, xil u dhiibista xubno dawladdii hore la soo shaqeeyey oo aad loogu eedayn jiray musuq maasuq. Waxaa la rumaysan yahay in taasi ay salka ku hayso mucaarid beel adeeg sanaya, madaxwaynuhuna u badheedhi kari waayay.

  1. Shaqo la’aanta. Xiligii mucaaradka xisbiga kulmiye waxay aad uga hadli jireen suudal wax ka qabashadeeda, oo salka ku haysa shaqo la’aanta. Marka laga hadlayo hanaanka dhaqaalaha dawlad shaqaaleheedu wuu kooban yahay. Laakiin, waxay leedahay siyaasad dhaqaale oo u adeegaysa in shaqo abuur dhoco, kuwa ugu waawayn ee dawladi adeegsato waxaa ka mid ah sida cashuurteedu u abyan tahay. Guud ahaan, dawladdu waxay abuurtaa jawi dhiiri geliya sida shaqadu ku imanayso. Weli may soo if bixin yididiilo lagaga nasto shaqo la’aanta berinsatay carigeena.

Meelaha shaqo abuuristu ka hirgeli lahayd waa wershadda sibidhka oo laga dhigo ganacsiga ka loo yaqaan (corporation,) waxay la gaar tahay in khayraadka si siman loo wada qaybsado, wadana u furto wada lahaanshaha ganacsiga cilmiyaysan.

  1. Siyaasadda Arimaha Debedda: Cadowga ugu wayn ee Somaliland leedahay waa Soomaaliya, waayo, si aan gabasho lahayn ayay u diidaan gooni isu taageena; si indho la’aan ahna waxay u dedefayn jireen sida aynu wax u qabsanay. Markaa ma toosnayn in madaxwayne Siilaanyo ku cel-celiyo erayga walaaleheen, oo maanta shakhsiyaad kalena ku daydeen. Safarkii wasiiradda debedda iyo madaxtooyaddu ku tageen Masar wuxuu ahaa mid guul daro ah. Waayo, wadankaasi wuxuu ka mid yahay kuwa dagaalka inala galay, ta kale xiligaa Masar xataa wadamadda danta wayni kaga xidhan tahay may marti qaadi karayn; ma muuqan cid Masar go’aan u qaadi karaysay.

Meelaha dhaliilaha waawayni ka jireen waxaa ka mid ah Turkiga iyo sida uu iloola dhaqmay. Ardaydeenii waxaa la geeyey Muqdisho si ay waxbarasho Turkiga ugu tagaan. Sidoo kale baasaboorkeenii uma muuqan in halkaa lagu tegi karo sida wadamadda kale aynu ugu socdaalo. Madaxdeenu ha ogaato in tafo xaydadka Turkigu tahay mid uu danihiisa kaga shaqaynayo, markaa dan baa ina dhextaal. Tusaale ahaan, haddii uu yidhaahdo waxaan dhisayaa wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, laakiin, baasaboorkiina aqbalimaayo, meel ka dhac bay inagu tahay, Somalilandna waddo way ka wayn tahay. Maxaa diiday in madaxda wax barashaddu booqasho ku tagaan Turkiga iyo wadamadda kaleba waydiistaan deeq wax barasho.

  1. Ilaalin la’aanta bulsho waynta: Baahida dawadda, dhakhtarka iyo wax barashadda waxaa ka abuurmay ganacsi. Tusaale ahaan, wadanka waxaa la keeni jiray dawooyin aan tayo lahayn, iyo weliba dhakhtar degdeg lacagta u uruurinaya, taasi waxay tacadi ku ahayd umadda weliba ta danyarta ah. Tusaale ahaan, sheekooyinka naxdinta leh waxaa ka mid ah dad mudo dheer laga dawaynayey xanuun, markii maare loo waayayna loo qaaday debedda, nasiib darose, xanuunkoodii noqday kansar xiligii dawaynta dhaafay. “Hudheelkaa waxaa ku jirta haweenay wadankii laga keenay oo lagu yidhi iska sug wedka!” waxaa caafimaad loo geeyey Adis-Ababa. Guriga igu xiga ayaa nin waayeel ah oo buka la keenay. Waxay eheladiisu ii sheegeen in ay geeyeen isbitaal iyo dhakhtar gaar ah, mid wuxuu ku sheegay sida loo tibaaxay dhiig kar, ka kalena macaan. “Irbaddo ayay kala daaleen aabahay, markii uu ka soo rayn waayay ayaanu u qaadnay Hargaysa, iyana waxay nagu yidhaahdeen macaan iyo dhiigkar midna ma hayo.” Ugu danbayntii luxudka ayaa lagu hubsaday. Kuwaasi waa dhakhaatiirteena siday u badan yihiin.

Taas waxaa weheliya, Somaliland oo u muuqatay wadan aan cidi lahayn intii ay jirtayba. Dad shisheeye ah ayaa ku soo qul-qula iyagoo nolol raadis ah. Ogolaansho ayay helaan ay ku furan karaan isbitaalo iyo jaamacaddo amaba way iska furtaan. Halkaasna waxa ka bilaabanta dad iyo daawayn xumayn. Wasaaradda caafimaadku ma waxay joojin kari wayday dadkan iska imanaya ee boodhadhka dhakhtar iskaga qoranaya? Waa in maxkamad lala tiigsaddo, waayo, qof xanuunsanayaa tii loo qoroba wuu qaadanayaa. Imisaa ku dhinta ama xanuun kale ka qaada? Dadkeenu siday u badan yihiin ma hubsan karaan kaasi wuxuu farayo iyo hanaankiisa dawoba. Dawladda Axmed Siilaanyana weli talaabo xoogan halkaa kamay qaadin.

  1. Garsoorka: Guud ahaan hore u mar wadan sameeyaa wuxuu ku xidhan yahay garsoor. Waxay ka mid ahayd meelaha uu madaxwayne Cigaal aadka ula yaabay, mar waxaa laga qoray in maxkamadaha dawladda ay yimaadaan dadka aan doonayn in ay kala baxaan. Sidoo kale Rayaalena mar la waydiiyey, talo wuxuu ku bixiyay in laaluush bixinta layska daayo. Madaxwayne Siilaanyona wey legdamayaan. Dhawaan waxaa ina ruxday dacwad lagu xidhiidhiyay raashin mucaawimo ahaa oo la dhacay. Mar hiil bay u ahayd sheekaddii ahayd “Ciraaq keentaye Caydha yaa siin,” marna madmadow wayn baa ku jiray in hawlgalkaasi siyaasadaysnaa. Haddii siyaasadda iyo garsoorku is dhex galaan waa dab iyo shidaal duniddii gubatay, hore u marna daa. Cadaalad xumaddu waa camadhka kobcinta nolosha wanaagsan.  

Aafooyinka: Bilowgiiba mucaarad af-ku xoogle ah oo u muuqday shini malabkii laga goostay ayaa ka hor yimi dawladdii curdinka ahayd. Soo rogaal celinteediina miciinsatay shakhsi weerar sida hawl gab madaxwayne, iyo cid kalaa talisa.

Markii ugu horaysayba waxaa si buuxda loo diiday in laga xisaab tamo hantidii qaranka. Masuuliyiin hormood ka ahayd xukuumaddii hore ayaa dhamarka saartay qabiil, meelaha qaarkoodna wuxuu u muuqday in iska hor imaad ka aloosmayo. Dawladu dhibaatadaa waxay ku xalisay in ay joojiso baadhistii masuuliyiintii kulaalaysay hantidii qaranka -wasaaraddii maaliyadda iyo bankiga dhexe. Sidoo kale saddexdii bilood ee ugu horaysayba waxaa jiray mucaarid afka gacanta saaray. Tusaale ahaan, waxaa hormood ka ahaa inta aan akhriyey labada qoraal oo kala ahaa Maanta: Shalay Dhaantay iyo Buugga Banaamijka Kulmiye Dalka Laguma Xukumi karo.

Way furan tahay in laga hadlo dawladda iyo hawlgalkeeda waayo inagaa leh. Laakiin kumaa faaqidi kara, sidee baase loo faaqidayaa? Hubanti, qofkasta oo Somalilander ah, ka doonaya in uu umadda wax dhacsiiyo masuuliyad baa saaran. Waa tii aqoonta haddii uu sheegato; waa wadaniyadda haddii ay kugu abuuran tahay; waa tii noloshadaada haddii aad garato. Inta badan aragtida aynu muujinaa kuma salaysna hanaan cilmiya, waayo, waayadeed dee! Halkan maynu joogneen. Haddii aad doonayso in aad dawladda iyo cid kaloo masuul ah la xisaabtanto saddex arimood ayaa muhiim ah:

  1. Aragtidaadu xidhiidh ma la leeyahay dhaliisha aad jeedinayso (relevance)
  2. Maxaa kugu xambaaray dhaliisha ka hadalkeeda (motive)
  3. Dhaliil mug leh ma tahay (materiality)

Haddii aynu jeedaalino muuqaalka dhaliilaha loo jeediyey dawladdu inagoo miisaan ka dhiganayna qodobadan –Buugga Kulmiye dhaliisha loo jeediyey waa mid mabda’ ah. Buuga Kulmiye looma codayn ee dastuurka iyo xeerarka kale ayaa loo codeeyey, wadankana laguma xukumi karo, ayaa nuxurkeeda iiga muuqday. Aynu is waydiinee Buugga Kulmiye muxuu ahaa? Wuxuu tilmaamayaa hanaan wax qabad, waa waxyaabihii ay qaban lahaayeen, haddii la doorto, si kale haddii aynu u nidhaahno waa siyaasaddii ololaha. Dastuurkana kuma qorna sida beeraha loo horumarinayo ama waxbarashadda, laakiin wuxuu jidaynayaa in hore u mar la helo. Haddiise ay jiraan meel gaar ah oo tilmaan uu bixinayaa ka hor imanayso dastuurka taas ka hadalkeedu way furan yahay. Sidaa daraadeed, dhaliisha uu qoraagu soo jeediyey kuma xidhiidhsana buugga kulmiye laftiisa –qodobka koowaad ayey ku hadhay. Markaan soo koobo dhaliishani mabda’iyan ayay u khaldan tahay, sida saxda ahi waa in Buuga Kulmiye la daba wadaa dawladda Siilaanyo, iyadoo la leeyahay taa maydinaan qaban, balan qaadkii maydinaan fulin haddii ay jirto.

90 cisho iyo 90 khalad iyo Maanta, shalay dhaantay –marka hore aragtida qoraagu xidhiidh ayey la leedahay diidmadiisa markaa qodobka koowaad way ka gudubtay, laakiin waxay ku siibatay labada kale. Mar haddii qoraagu ku guuldaraystay in uu xuso dhinicii wax qabadka, aragtidiisuna ku jeedo oo qudha wax yaabaha ay dawladdu ka gaabisay ama ku khaldan tahay, waxay muujinaysaa in dareen dalab lihi jiro. Sidoo kale qoraagu wuxuu soo jeediyey in dawladda laga qaado talada oo saddexda bilood uu ka dhigay xili tijaabo –tanina waa tilmaan kale oo curyaamisay aragtidiisa.

Tusaale ahaan, is barbar dhiga shalay iyo maanta, laba qodob ayaa muhiim ah ka hore in labada xili ee hogaamineed is le’egyihiin ama isku dhowyihiin. Ma lays barbar dhigi karaa 144 bilood oo Udub xukunka haysay iyo 3 bilood oo Kulmiye hayey. Qodobka labaadna waa dhacdooyinka dhacay. Dastuur gebin iyo dhac hantiyeed ayaa cid lagu ridi karaaye yaa gaystay? Erayga ma hadhada reebay wuxuu ahaa kuu ku jawaabay Rayaale xili uu booqasho madaxwayne ku marayey Ingiriiska waxa la yidhi, maxaad musuqmaasuqa wax uga qaban wayday? Wax la musuqmaasuqaaba ma yaaliin! Haddaa xagee bay ka timi misaaniyadda is laban laabtay sanad gudeheed? Ta ugu daran ee lagu ridi karo madaxwayne la doortay waa tii uu Rayaale ku qufushay guriga baarlamaanka 2009kii, iyo ciidankii uu dhigay xaruntii doorashadda, marka aynu iska dhaafno inta jeer ee uu ku guul daraystay qabashaddii doorashadda. Ha yeeshee, taasi jidayn mayso in aan la dhaliilin dawlada Siilaanyo. Waxaase hubanti ahayd in dawladdu si wayn isugu muujisay saddexdaa bilood, inagoo tilmaan u qaadanayna in wax la qaban karo.

Mucaaridkan fogi dawladda Siilaanyo waxay ku bar tilmaansadeen qurbajooga. Aad baa looga hadlay wasiiradda iyo madax kale oo dawladda ka mid noqday. Waxay ahayd diidmo garashadeedu hoosayso. Ugu horayn qurbe joogu taariikhdeena meel wacan ayay kaga jiraan, halgankii dib u xoraynta af, adin iyo gacanba way kaga qayb galeen. Qaadhaankii ay soo uruurin jireen ayaa ahaa mishiinkii waday halganka, maantana waynu og-nahay lacagta xawaaladuhu qaybiyaan iyo sida ay uga qayb qaateen dib u dhisyadda ay deeqaha ku bixiyaan.

Doodda diidmadoodu waxay ka duushaa qodob qudha. Qurba joogu wuxuu ugu muuqdaa dad aan wadanka waxba ka ogayn, dabadeedna aan waxba ka qaban karin. Waa run, in badan ayay maqnaayeen waayo inaga duwana way la noolaayeen, dabcan xilalka qaarkood way ku adag yihiin sida arimaha gudaha, cidiba uma dhiibin. Dawladnimadda iyo hayaanka nolosha wanaagsan ee ay leedahay ma ninka ku soo dhaqmay ayaa garanaya, mise ninka dawladnimaddu hinbiriirsiga u ahayd. In caafimaadka, wax barashadda, beeraha, biyaha, arimaha debedda la hore mariyaa ma aqoon bay u baahan tahay mise asaraar. Mucaaridkani waxay mudnaanta siiyeen qaybta loo yaqaan farsamadda (skills,) oo ah ta ugu saamiga yar maaraynta. Tusaale ahaan, wakaaladda biyaha ma waxa maamulaya nin farsamadda biyaha aad u yaqaan, mise nin bartay maaraynta? Doodaasi ma aloosanto, waayo waa la soo tijaabiyay farsamo yaqaankuna in yar ayuu kaga aadi karaa sida hay’ad loo hago ama loo hogaamiyo.

Aragtida kale ee ay aadka ugu hawl galeen waxay ahayd in madaxwaynuhu aanu talin. Way dhacdaa siyaasadda sabab kastaa ha keentee in awooda kursiga ku fadhidaa aanay talin. Laba siyaabood ayaana lagu tilmaansadaa, mid masuulka kursiga ku fadhiya waa masuul firfircoon, laakiin aragtida iyo go’aanka ma laha, waxaana loo yaqaan in laga maamulayo xaaladaha daaha dabadiisa. Ta kalena waa masuulka oo hawl gaba. Sidaan filayo tan danbe ayay ku doodayeen? Aynu iswaydiinee madaxwaynuhu ma hawlgabaa? Hawlgab waxaa laga noqdaa muruqa iyo maskaxda ama iyagoo wada jira. Tilmaamahaasi waa in ay soo shaac baxaan. Ta kale aadamigu wuu daalaa, kaasina wuxuu sameeyaa maskaxda iyo muruqaba. Way kala duwan yihiin, ka hore wuu baahsanyahay, halka ka danbe qofwalba ku yimaado mar-mar.

Madaxwaynuhu dhaleecayntaa loo soo jeediyey dhawr jeer ayuu si dadban uga jawaabay. Saddex dhacdo ayaynu soo qaadanaynaa:

Safarkii Koonfurta Soodaan, taariikhdu markay ahayd  Julaay 7, 2011 wuxuu madaxwaynuhu la qadeeyey madax ka tirsan ciidamadda badda ee Ingiriiska Markab Ingiriisku leeyahay gudihiisa kaasoo ku sugnaa magaaladda Ber-bera, gelinkii danbe ayuu u kicitimay Adis-Ababa, maalinimaddii xigtayna wuxuu shir iyo qado kula qaatay Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Adis. Isla gelinkii danbe ee maalintaa Julaay 8dii ayuu u boqoolay isagoo ay ku soo xidhmeen weriyayaal badan oo raacayay.

Mid ka mid ah weriyayaashaas ayaan la kulmay si aan ugala sheekaysto socdaalkii uu la galay madaxwaynaha iyo xanta dami wayday. Hadalkiisa wuxuu ku bilaabay sida uu ula yaabay in madaxwaynuhu kaxaysto dhawr iyo toban weriye. Markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Juba laguna qaabilay baratakoolka madaxwaynenimo, iyadoo la doonayo in la geeyo halkii la dejin lahaa, muu tegin ilaa la meeleeyey waftigii la socday. Madaxwaynuhu, habeenkii wuxuu ka qayb galay casuumad casho oo loo sameeyey madaxdii halkaa isugu timi, 7dii subaxnimo gaadhi ayuu fuushanaa, si uu ugu diyaar garoobo calansaarka Julaay 9da. Weriyuhu wuxuu sheegay in ay ahayd maalintii noloshiisa ugu adkayd wuxuu ka hadlayay kulaylka meesha ka jiray iyo.

Xafladdii waxay dhamaatay 4tii galabnimo, madaxwaynihi waftigii ayuu kexeeyey, casho sharaf loo sameeyey. Halkaana sida uu ii sheegay ilaa 7dii habeenimo ku dhawaad way joogeen. Wuxuu ku daray in 7dii subaxnimo ee maalintii ku xigtay ee bishu ahayd 10 uu shir ku jiray. Weriyuhu wuxuu tilmaamay in uu ku soo dhawaaday kulan taagni ah oo ay garoonka diyaaradaha ugu yimaadeen waftigii ka socday Ustareeliya, haddalo diiq ku soo gaadhayay weriyaha dhegihiisa waa sida uu sheegaye ayuu madaxwaynuhu isagoo dhoola cadaynaya ka jawaabayay. Isla maalintaa ayuu dalka ku soo noqday.

Safarka Ceerigaabo, Laas-caanood, jiida hore ee ciidanku ku sugnaa ee Ganbadha (aaga Sool) ayuu madaxwaynuhu isaga safray maalmo isku dhow.

Madaxwauhu wuxuu ka soo kicitimay caasimadda barqo wuxuu ka qayb galay ciyaar kubadda cagta oo ka socota garoonka kubadda cagta ee magaaladda Burco, isla galabtaa ayuu dib u noqday oo shir qotadiisu dheerayd la yeeshay duqaytida Ber-bera qaar ka mid ah.

Arimahaasi waxay meesha ka saarayaan in madaxwayne siilaanyo aanu hawlgab ku dhawayn.

Maxaa ku xaq saday in ay sidaas u dagaal galaan? Hubanti miciinsiga da’da iyo wasiirka madaxtooyadda. Da’du waa tilmaan, laakiin go’aan laguma qaadan karo. Sida uu daabacday wargayska –The Economist, bishii Octoobar 12dii , 1996kii niman ka tirsan Sinaydka Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen: Sam Nunn lagana soo doortay Joorjiya iyo Bill Bradley oo ka yimi Niyuu Jeersi ayaa shaqadda kaga fadhiistay 58 iyo 53 sano siday u kala horeeyaan. Halka ninka la yidhaahdo Strom Thurmond u guntaday in dib loo doorto isagoo 93-jir ah. Dabcan waxay ahayd xaalad aan caadi ahayn, cel-celis ahaana (58+93) waa 76. Dagaal yahanno odaygii inagu dirte’e in uu soo rogaal celiyo ma laga yaabaa?

Dagaalkani wuxuu u ekaa in uu ka dhashay wasiirka madaxtooyadda oo gacan bir ah ku qabtay halkaa. Cabasho aan xad lahayn ayaa laga muujiyay, waxaanay u eg tahay in khaladka laga wada qayb galay. Hanaankii dawladnimo ee 20 sano aynu ku soo jiray wuxuu jideeyey in madaxtooyaddu noqoto meel loo shaqo tago, siyaasadiina noqotay xan. Dadkii sidaas u dhaqmi jiray way waayeen. Waxaa kaloo inaga daahan shaqadda uu qabto wasiir madaxtooyo, iyo inta uu madaxwaynuhu u igmaday. Shakina kuma jiro in wasiir Hirsi la imanayo dar jiidhid, waayo shaqo ku cusub iyo bulsho aan u tababarayn dawlad wax qabad laga sugayo. Cabashooyinka debedda u soo baxay waxaa ka mid ah agaasime ku doodaya madaxwaynihii ayaan arki kari waayay. Laakiin, weli maynu arag wasiir yidhi madaxwaynihii baan arki kari waayay. Haddii madaxwaynaha si mug leh looga hor joogsaddo dadwaynaha iyo masuuliyiinta waa dhaawac wayn, kolaybana mucaarid in arintaa ay meel ku tiiriyaan way huran tahay.

Dhibaatada mucaaradadeenu waa garasho la’aanta aanay kala sooci karin qaranka iyo maamulka dawladda. Tusaale ahaan, mid ka mid ah wargaysyadda ka soo baxa Hargaysa ayaa qoray, maalmihii loo kicitimayay shirkii London, “Bilowgii Bardhamaadka Somaliland …” nuxurkuna ahaa ka qaybgalkeena shirka oo hadimo inagu ah. Maanta shirkii London in uu guul u ahaa Somaliland cidi ka doodi mayso. Sidoo kale Saciid Sulub oo dawladii hore wasiir ka ahaa ayaa waraysi uu siinayay TV Horn Cable qiyaastii bishii Juun 5dii, dedefaynayay shirkaa. Markuu ka hadlayay diidmadiisa wuxuu daliil ka dhigtay aragtida ay reer somaaliya ka qaateen, isagoo adeegsana erayga reer Koonfureedka halkii uu ka odhon lahaa reer Soomaaliya. Mar labaadkana, ma sida ay wax u fahmaan ayaynu wax ka sii fahmaynaa, mise waxay tahay in ay wax ka sii fahmayaan sidaynu wax u fahanay. Ta danbe ayaa sax ah. Waayo, danteena ayaynu ka talinaa, iyana tooda waa laga taliyaa. Haddaanay sidaa ahayn, kuwa u taliyaa sida ay wax u fahmaan aynu wax ka sii fahamaynaa.

Gebogebaddii hanaanka dawladeed ee Siilaanyo waxay soo kordhisay in dhalin yaro badani ka muuqdaan fagaaraha siyaasadda amaba kuwa hawl wadeenimo. Mana aha mid isha laga lalin karo in hanaankii shaqo ee wadanku is bedelay, oo waxaynu arki jiray wasiiro 11-ka fadhiya hudheeladda waawayn, ama hay’ad xafiis furanaysa xafladeeda jooga.

Tiigaalo badan malaha mar haddii madaxwaynihii horeba dhaliil wayn u jeediyay wasiiradiisii, xiligii dawladani gu’ jirsatay. Waxaa kale oo xiise ku duugnaa markii laba masuul oo Mandheera ku xidhnaan jiray ay xafiisyaddii ka tirsadeen masuuliyiintii ugu cuslaa dawladdii taxaabtay. Ciyaartu waxay dhextaalay Cawil – Maxamed iyo Cabdullahi –Gaboose. Waxaa la rumaysan yahay in labada wasiir ee hore ay madaxwaynahooda isbar-bar taagi jireen, halka kuwa kale ahaayeen masuuliyiin mar-marka qaarkood ka hormar mara madaxwaynahooda.

Xili hore ayaan tilmaamay in musuulka dhaliishiisa lagu muujiyo wax qabad ee aanay noqon hadal iyo eedayn. Waxaan u kuur galay hanaankii shaqo ee wasaaraddii Arimaha Gudaha xiligii C/dulahi Ciro waxaa lay xaqiijiyay in hanaankeeda shaqo xafiiskeedu uu aad u sareeyey. Tusaale ahaan, waxay wadanka aad ugaga gudbanayd hay’adaha ay la shaqayn jirtay ee shisheeyaha. Guushaa wanaagsan ee shaqo waxaa wasiirka ku ladhnaa dabcan shaqaaleheeda iyo nin agaasime guud ka ahaan jiray oo aad loo xuso. Xiliga Gaboosena lama tilmaamin isbedel xaga shaqadda xafiiska, laakiin hoos bay u liicday marka la eego hay’adihii ay ku gudbanayd oo gacanta la soo dhaafay. Shaki kuma jiro in Gaboose wakhti badan ku lumiyay hanqal taaga siyaasadda.

Sidaynu ka war qabno Cawil, wasiirkii hore ee W. Maaliyadda xurguf wayn ayaa dhextiil madaxwayne Siilaanyo iyo Maxamed Xaashiba, waxaana la rumaysnaa in uu Cawil dabino halis ah dhigay. Kuwaa waxaa ka mid ahaa khasnadihii madhnaa, dayn badan, iyo weliba saacadihii ugu danbeeyay oo cashuuro la qaadi jiray uu joojiyay.

Markii miisaaniyaddii ugu horaysay uu Maxamed Xaashi badka soo dhigay, Cawil boodhka ayuu dabada ka tumay isagoo leh suuro gal ma aha, wadanka ma taalo. Run ahaan, waa la shakiyay, halis baa hortaalay oo shaqaale aan awelba wax badan qaadan jirin way gadoodi karaan. Dhinaca kalena, waxaa jooga Siilaanyo iyo Maxamed oo u soo joogay waayo tan aad uga adag, wax badana ku soo guulaystay. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu cadeeyey in xisaabtii uu qori jiray rumowdo, waxa la yidhi geesi Alle ma xilo.

Dar-daaranka aan u jeedinayo dawladdu waxaa weeye in wasaaradaha caafimaadka, waxbarashadda iyo garsoorku isbedel wayni ka muuqdo. Haddii kale  is bedel ma dhici karo. Marka la eego muddo laba sano ah iyo duruufaha la gudboonaa wax qabadka dawladdu waa guul.

Qore: Yuusuf Goodir M.

Ygoodir2008@hotmail.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.