Dib U Habaynta Nidaamka Degmooyinka Dalka

Dawladda Hoose waa laf-dhabarka nidaamka siyaasadeed, adeeg bulsho & horumarineed ee dalka. Toban sanno baa laga jooga markii codbixiyeyaasha reer Somaliland doorteen gole degaan. Sanadkana waxaa la filayaa in mar labaad la doorto -gole cusub. Nidaamka degmooyinka dalku wuxuu u baahnaa dib-u-habayn baahsan laakiin xukuumadu waxay wax ka bedeshay oo keliya dadii xildhibaanada lagu soo dooranayey: maanta 25 jir baa loo soo dooran karaa gole degaan (35 jir bay ahayd). Akhriste reer Somaliland sidan bay kubada u dheelaan: ciladii ugu yarayd baa la xaliyey halkii ciladaha badan ee kale la xalin lahaa. Ciladahan waxaa ka mid ah sifada loo doorto Duqa & Ku-Xigeensiika (toos laga dhigo); tirada xildhibaanada goleyaasha ee xad dhaafka ah la koobo xaafado cayimana toos looga soo toorto;  cinwaanka goleyaashana sida magaalo, degmo & kounti lagu saleeyo dadweynaha ku dhaqan degaanka & derajada degmada.

Goleyaasha Degmooyinka dalka waxaa fashiliyey xafiiska Duqa Degmada oo awoodii maamuus, manfac & magacba loo xantoobiyey. Tusaale Gudoomiyaha Golaha Degaanku waa Duqa Degmada (D.C) & Gudoomiyaha Xisbiga Aqlabiyada. Macnawiyan Duqa degmadu waa Raiisal Baarlamaankii & Madaxweynihii oo shaanbad qudha wada sita. Wuxuu mar wada xukuuma awoodii Waaxda Xeer-Dejinta & Fulinta! Duqa toos looma dooran ee waxaa iska dhex doortay xubnaha golaha deegaanka. Akhriste miyaad la yaabtay in shaqadii goleyaasha degaanku noqotay riditaanka & bedelka Maayor golihii u fadhiisan waayey? Fadlan hoos ka daalaco inta jeer ee Duqa Degmo la bedelay & Sanadka:

Tirada Jeer ee Maayarada la bedelay: 2002-2012

Degmada Tirada Jeer Duqa bedelay Sanadka
Gebiley 6 2004, 2005, 2007, 2008, 2011, 2012
Burao 3 2004, 2005, 2008
Berbera 2 2004, 2008
Sheikh 1 2007
Boorame 1 2007
Hargeisa 0 Never
Erigavo 0 Never

Caalamiyan iminka waxaa loo gudbay in Duqa & Ku-Xigeenkiisa toos loo doorto oo codbixiyeyaasha degmadu toos ugu codeeyaan. Arrintani waxay is-waafajin lahayd nidaamkeena doorasho ee Madaxweynaha/Ku-Xigeenkiisa & Duqa Degmo/Ku-Xigeenkiisa. Gudoomiyaha Golaha Degaankana goluhu xubin ka mid ah doortaan. Duqa sifadan loo soo doortaa ciyaar looma ridi karo. Waxaanu noqon lahaa astaanta maamul & xukuumadeed ee degmada.  Macnawiyan nidaamkani wuxuu hana qaadayaa marka dawladda dhexe aqbasho in degmooyinku hanan karaan waajibaadkooda siyaasadeed, manfac & magacba. Nidaamka hada jira ee hana qaaday wuxuu awood farogelineed oo joogto ah u suurta-geliyey dawladda dhexe.

Carqalada labaad ee xayirtay horumarka dawladda hoose waa tirada xubnaha golaha degaanka oo faro badan dakhliga degmadana suququl galiya waax cawimana aan matalin. Tusaale Goleyaasha Degmada Derjada A= 21; B=17; & C= 13. Dakhliga Dawlada Hoose ee Magaalooyinka Boorame ama Ceerigaabo ma masruufi karaan min 21 Xildhibaan. Mise degmooyinka Odweine ama Ceel-Afweyn oo min 17 Xildhibaan laga doorto. Miseba Kountiyada Baki ama Sallaxley oo mid 13 xildhibaan doortay?

Sanadkii 2002 goleyaasha degaanka waxaa lagu soo doortay nidaamkii liistada. Sanadkan 2012 waxaa goleyaasha lagu soo dooranayaa nidaamka saami qaybsiga (HEI). Macnawiyan wali nidaamkii laguma salaynin waaxihii magaaladu ka koobnayd. Waxaa munaasib ah in xildhibaanada goleyaasha degaanka laga soo doorto waax cayiman sida Shiikh Bashiiir (Burco); Koodbuur (Hargeysa); Daaroole (Berbera). Arrintani waxay suurtagelinaysaa in dadweynuhu si joogto ah ula xisaabtamaan xildhibaanadooda heer waaxood oo khasab kaga dhigi lahaa degmada in dadka wax loo qabto. Nidaamka imika jiraa wuxuu inagu badiyey muran & dood bilaa midho dhal ah. Waa in horumarka dalka loo midoobaa.

Magaalo, Degmo & mise Kounti.

Derajada Dadweynaha Degan Cinwaanka Xubnaha Golaha Degaanka Waaxaha
A 50,000 Magaalo 11 9-11
B 25,000 Degmo 8 6-8
C 12,500 Kounti 5 3-5

Ugu danbayn xeerka ismaamulka Degmooyinka & Gobolladu dalku (Law Number 23) wuxuu isku qalday meeqaamka degmooyinka dalka oo uu dhamaan u aqoonsaday degmooyin. Arrintani waxay sababtay in tusaale ahaan Burco oo degmu isku caleemo saartay Odweine & Sheikh kula hirdanto deeqaha barnaamijyada horumarinta. Arrintani waa in Golaha Wakiiladu saxaan eray bixinta magaalo, degmo & kounti.

Magaalo, Degmo ama Kounti:

Magaalo (municipality) waa in loo aqoonsado degmooyinka derajada A ee dadka degeni yihiin 50,000 doortana gole degaan oo ka kooban 11 xubnood. Derajada = B waa degmo (district) dadka ku noolina 25,000 doortana sideed (8) xubnood.  Magaalo & degmo isku baahi ma aha. Degmada dadka ku nooli way kala firidh san-yihiin isgaadhsiintoodana waxaa ku haboon boostada. Dadka magaalada ku nooli meel kooban bay wada degin yihiin telifoonka bayna wax isku gaadhsiiyaan. Dadka magaalada ku nool boqolkiiba sideetan baa wax qora telifishanka qarankana way daawadaan; halka dadka degmada ku nool boqolkiiba ugu badnaan 30 sodon wax qoraan idaacada qarankana ay jecel yihiin inay dhagaystaan markay hawada soo gasho!  Xanuunada reer magaalka ku dhaca waxaa ka mid ah macaanka, dhiig-karka & diiqada (stress). Xanuunada reer degmoodka ku dhaca waxaa    ka mid ah TBda, cunto xumada & dhiig yaraan. Reer magaalka baahiyahooda waxaa ka mid ah laydh, dugsiyada farsamada gacanta, isteeshin boliis, garoomo kubada lagu ciyaaro, goleyaasha maaweelada & madadaalada; wershad xashiishka wax kale ka samaysa & gurmadka deb-demiska. Dadka degmada ku nooli waxay u baahan yihiin sariibada khudrada, wershadaha caanaha, hilibka & hargaha. Dugsiyo hoose dhexe oo boarding ah; ololaha bacaad celinta; ololaha far Soomaaliga; talaalka xoolaha nool & gurmadka abaaraha.

Ugu danbayn derajada sadexaad ee Kountiga (county) oo dadka ku nooli yihiin ugu yaraan 12,500 doortana gole degaan oo shan (5) xubnood ka kooban way ka baahi badan yihiin magaalada & degmadaba. Waxay u baahan yihiin in dawladda dhexe taakulayn toos ah u fidiso waaxahan deegaan sida xeryo ciidamo; dugsiyo tabobar ee laamaha shaqaalaha dawladda & barnaamijyo horumarineed sida banka Wajaale; dekeda Maydh & Kustomka Duruqsi ama Bali-Dhiig. Macnawiyan waxaa haboon in dawladdu faraha kala baxdo farogelinta maamulada magaalooyinka & degmooyinka labada gacmoodna isugu geyso horumarinta kountiyada.

Sixitaanka cinwaanka derajooyinka magaalada , degmadu & kountigu wuxuu suurtagelin lahaa in degmooyinku qorshahooda horumarineed ku saleeyaan derajadooda caalamkuna wax inagala qabto.

(By) Abdihakim Yusuf Kheire, (B.A. M.A.) Political Science

President, Institute of Democracy & Governance, Berbera, Somaliland abdihakim_365@hotmail.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.