Xuseen Cali Ducaale Wuxuu Boobay Dadka

Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirkii hore ee Maaliyadda

In badan baa la maqli jiray Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirka Maaliyadda ee xukuumaddii dhacday ee Riyaale, isaga oo ku faanaya inuu kor u qaaday dakhligii dalka, sicir bararkiina wax ka qabtay. Wuxuu in badan ku faanay in kuwii isaga ka horeeyay oo Axmed Siilaanyo ka midka ahaa ay ku guuldarraysteen arrimahaas.

Haddaba Cawilow waxaad faantaba maanta ayaa la soo bandhigi doonaa boobkii iyo xatooyadii aad dadkan saboolka ah u gaysatay. Faankaagu haba jooge e meeyay dakhligii aad tidhi korbaan u qaaday?

Ma wuxuu noqday inaad 40 milyan oo dollar oo dayn ah iyo khasnado madhan dalka kaga tagto?

Daymaha Riyaale iyo Cawil kaga tageen dalku intaa kuma dhama e kuwa aan dhinacna looga baydhi karin waxa ka mida mushahaarada shaqaaluhu ku leeyihiin xukuumadda ee dhowka bilood ah. Waxa jira dhulal iyo aqallo qaranku lahaa oo iyagana la iibiyay.

Cawilow lacagtaas 40 milyan ee doolar ee dayn-ku-sheegga ah ma ogtahay in muwaadin walba, calaa raas, ay kaga soo hagaagayso 20 doolar oo dayn ah inuu bixiyo?

Haddaad is tidhi xisbiga talada kaala wareegay ayaad boobtay, waxaad ogaataa haddii dayntaas la aqbalo in dadka laga qaadayo cashuurta ay ku jiraan dhallaan, cirroole, bukaan, danyar, naafo intaba in midwalba laga rabo inuu bixiyo 20 doolar si dayntaas loo daboolo (waa haddii lagaa aqbalo e).

Lacagtaas dayn-ku-sheegga ah cidii Cawil iska siisay isaga haw doonato, iyagaa marka horeba lacag qadarkaas ah bixin karayay oo uga maarmay tuugtii dalka xukumi jirtay. Dadka lacagtaa iska siiyay Cawil waxay ku bakhtiyaansiibsadeen (khamaareen) in UDUB ku guulaysandoonto doorashada wayse ku guuldarraysteen bakhtiyaanisiibkoodii. Muwaadiniinta Somaliland bixin maayaan oo hantidooda laga goyn maayo, xukuumadda hadda joogtana waxaan u soo jeedinayaa inaanay aqbalin. Haddii madaxweyne iyo wasiir aad dayntaas aqbashaan, idinku ka bixiya jeebabkiina annaga ha nagu soo rogina dayn aan naloogu shaqayn, haddii kale waxaad naga galaysaan dembi la mid ah kii Cawil iyo xukuumadiisu naga galeen.

Waliba waxaan idin ka codsanayaa in laga dabo tago oo sharciga lala tiigsado Cawil iyo intii ka dambaysay lunsiga hantida kale ee qaranka ka maqan.

Cismaan Yuusuf Guuleed
Hargeysa
Somaliland

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.