Waxaan halkan salaan qaali ah u soo marinayaa hawlwadeenada shabakada somaliland .org oo mar walba heegan ugu jira inay umada reer somaliland ka haqab tiraan wararkii ugu danbeeyay ee ka dhaca dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,
waxaan qalinka u qaatay caawa in aan fikrad ka dhiibto ama is bar bar dhigo wasiirada xukumadii hore e madaxwaynihii hore ee rayaale ka mid ahaa. iyo xukuumadan uu maanta ku dhawaaqay madaxwaynaha cusub ee somaliland mudane siilaanyo.
hadaba waxay ahayd sideed sano ka hor markii madaxwaynihii hore ee somaliland mudane rayaale ku dhawaaqay golihiisa wasiirada ila maalintaas wixii ka danbeeyay waxa uu samayn jiray is bedel uu ku samayn jiray xukuumadiisa waxaan in badan indhaah la raacay qaabka uu dadka u soo xulan jiray madaxwayinihi hore ee somaliland markaa waxaan arki jiray isagoo ku soo xulan jiray raga uu wasiirada ka dhigayo inay yihiin rag ay dabada ka wadaan reerahooda iyo isagoo u arki jiray inay ilaalin karaan kursigiisa oo uu u arkay inay ragan reeruhu keeneen ay u hayaan codkii reerahooda,
wuxuu in badan rayaale is tusi jiray in uu ku sii joogi karo xilka hadii uu xilalka wasiirada u dhiibto wiilal dabada ku haya reerahooda isagoo markaa wax ka dhagaysan jiray qoladii afmiishaanriinta ahaa oo aad uga caawisay madaxwaynihii hore inuu mar walba oo uu cid magaacabayo magacaabo qof reer wato.halka aanan in badan arag isagoo u magaacabaya wasiir qof aqoon leh ama caan ka ah bulashada aan ku dhexnoolahay oo aqoonyahanimo ku caan ah .
hadaba akhriste anigoo sharaf badan iyo qiimo wayn u haya madaxwayinhii hore una aqan inuu noqday madaxwanye aan weligii dhacayn maadama uu sidiii ugu quruxda badnayd ka yeelay wareejinta xilkii uu umada u hayay ayaan hadana mar labaad ku bogaadinayaa goaankii uu qaatay markii qaar ka mid ah xisbigiisu ay damceen inay dafiraan rabitaankii shacbiga reer somaliland isagoo u sheegay in shacbigu uu rabo is bedel ayna khasab tahay in la maqlo codka shacabka oo aad u dheeraa una xoog badnaaa……
waxaan xasuustaa hadii aan akhriste kuu saafo maqaalkan in aan ka dhex waayay wasiiradii ugu muhiimsanaa xukumadii rayaale wasiir aqoon ku yimi ama bulshada dhexdeeda ka ah aqoonyahan raba inuu u shaqeeya shacabkiisa taas ma arkin .taas bedelkeedana waxa aan arki jiray wasiir marba la magaacaaabo oo reerkoodu keneen,…………..
akhriste ha iga sugin inaan magacaabo wasiirada aan lagu soo xulan aqoonta ee ka mid ahaa xukuumadii hore ee rayaale sababtoo ah fariidna waa garanayaa qof kalena wuu iska ogaan taariikhdana dib ha u raaco……………
waxaan halkan uga soo gudbinayaa madaxwaynihii hore ee somaliland hambalyo ku aadan qaabka uu ka yeelay mustaqbalka umada reer somaliland..
hadaba an yar jaleeco magacaabista xukumadan cusub ee siilaanyo maanta ku dhawaaqay . waxaan odhan karaa waa xukuumad kooban marka loo eego xukuumadii ka horaysay hadana marka aan si kale u dhigno way badantahay marka loo eego taladii ay soo jeediyeen gudidii talo bixinta ee siilaanyo magacaabay markii ugu horaysay . gudidaas oo ku talisay 15 wasiir yadoo ay in badan raaciyeen agaasimayaal aad u fara badanaa hadana waxa aan xukuumadan cusub ka dhex arkay inay yihiin niman aqoonyahan u badan oo waxabarashadeedu tahay ilaa heer jaamacadaeed.
ma odhan karo waxas bay qabanayaan oo ma rabo inaan ka sii hor dhaco wakhtiga sababto ah wakhtiga ayaa sheegi kara laakiin waxaan arkay kaliya inay yihiin koox ku yimi aqoon iyo cilmi sugan akhriste…….
aan soo qaato hadalkii madaxwayne siilaanyo uu ku sheegay khudbadiisa ee uu lahaa waxaan hubaa inaan haldoorka reer somaliland ka wada muuqan karin xukuumadan dawladnimaduan aanay ku ekayn intan oo kaliya ,,,,,,,,,,,
waxaan sugi doonaa insha allah halka ay aqoonyahanadani kala soo dhacaan xilka umadu u dhiibatay waxaanan ka filayaa wanaag iyo shaqo hufan oo qancisa kuwa taageersan iyo kuwa aan taageersanaynba ……..
alla mahad leh
ilaahay isku xidah waad guulaysanaane