Haweenka Somaliland Ee Minnesota Oo Xaflad Taagero iyo dabaaldeg isugu jirta oo haweenka

Haweenka Somaliland Ee Minnesota Oo Xaflad Taagero iyo dabaaldeg isugu jirta oo haweenka Somaliland u sameeyeen Madaxweynaha cusub Siilaany iyo ku xigeenkiisa Zaylici. Marwo Amina-Werisna Duco iyo fariin u diray

Haweenka Somaliland ee Miinnesota ayaa soo qabanqaabiyey Xaflad aad u balaadhan oo ay ku taageerayaan Madaxwaynaha Cusub Iyo Madaxwayne ku xigeekiisa.

Halkaas oo ay ku soo bandhigeen Hido Iyo Dhaqan BuraanBur,Cayaar Soomaali isugu Jira Bariyo iyo Jaandheer, waa habeen aad u farxad badnaa.

Haweenka Somaliland ee Minnesota waxay hanbalyo Udirayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Saylici oo ay duco farabadan u soo dirayaan una rajeynayaan inuu Ilaahay Xilka u fudaydiyo.

Waxaa La yidhi Habeenkiina Waa Habar-Habar Maalintiina Waa Oday-Oday,Haweenku waxay soo bandhigeen amaan farabadan oo ay u soo diyaariyeen Boqorada Madaxwaynaha Aamina Waris, oo ay ugu hanbalyaynayaan inay noqotay First Lady dii Somaliland. Waxannu ognhay inaad tahay aqoonyahanad waaya arag, Hooyo korisay shan caruur ah waqti lagu jiray halgan adag, waanu xasuusannaa erayadaadii markii aad noogu timi Minnesota ee ahaa “inaad noqonayso advocate-ka haweenka Somaliland haddii aan talada ku guulasanno”. Waxanu aaminsanahay inaad ka dhabayn doonto balamahaa ilaahayna hakula garab galo.

Waxyna Fariin ay hawada usoo marinayaan ku sheegeen inay Dumarka Somaliland oo dhan ay iyadu umaqan tahay loogana baahan yahay wixii haweenka ka maqan inay u raadiso, waanu ku kalsoonahay inay Amina Waris hawshaas ka soo baxayso ayay dumarku sii raaciyeen.

Waxaa Qayb Libaax Ka Qaadatay Xaflada Gabadh Lagu Magacaabo Mucjisadii Buraanburka Waa Shamso Geenyo oo soo bandhigtay Buraanbur isugu jira Duco,iyo taariikh farshaxamaysan oo aan hore loo arag, aad iyo aadna way u mahadsan tahay ayay leeyihiin haweenkii xaflada soo qaban-qaabiyey.

Aniga oo ah Farshaxankii Xaflada ku sugnaana waxaan talo usoo jeedinayaa Dawlada Cusub inay Dumarka Xuquuqdooda aanay Dulmiyin iyada oo aan aaminsanahay Jiritaanka Somaliland waxa Dhidibada u taagay inay yihiin Dumarka, inay wax toosiyaan mooyaane aanay marnaba isku dayin wax xumee, waxaanan jeclahay inaynu wacyi galin ka bixino arintaas iyada ah aniga oo aaminsan in Dumarka aduunka ku nool oo dhami ay dulman yihiin, iyada oo ay ka dhalatay Dumarka Boqorada u sareysa waa Queen Elizabeth oo ku mashquulsan uun Suit ka yar ee Blue ga ah ay xidhan tahay, waxaan Queen Elizabeth eey kuu soo jeedinayaa kolay qoraalkayga waad akhrisanaysaaye waxba haysnabine dumarka wax u qabo Dulman.

Mujaahid Suufi
Independent Photographer
awbidaar@yahoo.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.