WAA KUMA CABDI XOOSH ASHKIR? Tilmaan xaqiiq ah ee la xidhiidha Cabdi Xoosh

Fiidnimadii Arbacada habeenkii Khamiistu soo galeysay waxaa TV-ga Universal laga sii daayey dood ku sheeg lagu soo beegay xuskii 50-guuradii ka soo wareegtay xorriyadda Soomaaliya. Weriyihii xiriirinayey barnaamijkaas oo ah nin aan wax aqoon iyo khibrad ah u lahayn mihnadda media-ha ayaa soo casuumay dad uu ka mid yahay Cabdi Xoosh Ashkir si ay uga hadlaan munaasabaddaas, iyadoo maalintii calanka la saarayeyna uu geel ku raacayey duleedka Caabudwaaq.
Su’aashu waxay tahay waa kuma Cabdi Xoosh?

1967-kii ayaa Aadan Loow oo Wasiir ka ahaa Soomaaliya wuxuu Cabdi Xoosh Ashkir oo uu adeer u ahaa ka soo kexeeyey miyi isagoo u qoray ciidankii la oran jiray ilaalo, kaddibna wuxuu ka dhigtay darawal uga adeega gurigiisa, hase yeeshee mushaarka ku qaata inuu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga. Wax yar kaddib waxaa dhashay kacaankii luggooyo, wuxuuna helay dallacaad degdeg ah oo aanu u gelin school.

1977 waxaa Cabdi Xoosh la horkeenay Maxkamaddii Badbaadada ee uu sameystay Maxamed Siyaad iyadoo lagu soo eedeeyey inuu tubooyin ka xaday Intepourtuale, taasoo ahayd xatooyo xoolo dadweyne. Iyadoo ay socoto maxkamadeyntiisii ayaa waxaa maxkamadda timid Muraayo Xaaji Xaashi oo ahayd xaaskii Aadan Loow, isla markaana la dhalatay xaaskii Maxamed Siyaad, waxayna Cabdi Xoosh ka sii deysay xabsiga iyadoo amar ku bixisay in kiiskaas la laalo.

Lix bilood kadib waxaa jidadka Xamar lagu arkay Cabdi Xoosh oo kala beddelaya gaadiidka uu ku socdo, isla markaana qandaraas ku qaatay inuu u keeno funaanado, kaalshooyin iyo kubeertooyin ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo markaa dagaal uga jiray meel u dhow Addis Ababa. Halkii uu ka keeni lahaa wixii qandaraaska lagu siiyey wuxuu keenay calalada gacmaha laysaga tiro cunnad akaddib iyo aaladda dab damiska ee dukaamada iyo maqaayada la dhigo, kuwaas oo Duqii Magaalada Yuusuf Abuu Raas uu amar ku bixiyey in lacag aan caqliga galaynin lagaga iibsado Cabdi Xoosh, isla markaana dukaankii ama maqaayaddii laga waayo ay dowladda hoose saareyso ganaax adag. Arintaa waxay keentay inuu degdeg ku taajiro Cabdi Xoosh, ciidankii Xoogga Dalkana ay dhaxan ugu le’daan Itoobiya gudaheeda.

Wixii markaa ka dambeeyey hantida boobka ah ee Cabdi Xoosh wey sii laba jibbaarmeysay illaa ay gaartay inay dadka Soomaaliyeed la anfariiraan nin darawal ahaa 1969 sida uu 1980-kii ku noqday ninka ugu taajirsan dalka. Intii uu xukunka hayey keligii taliye Maxamed Siyaad wuxuu Xoosh soo xiran jiray darajaduu doono isagoo saaxiib dhow la ahaa Maxamed Siyaad iyo Maxamed Cali Samatar.

Intaa waxaa dheer in dhulka ku yaalla degmada Dharkenley ee la magac baxay XOOSH KIBRAY oo ka badnaa ilaa 20km inuu Xoosh ku dhistay magaca boliiska iyadoo iridka lagu dhejiyey tabeele lagu qoray dhismaha ciidanka si aan cidi uga hadlin, dhulkaasoo ganacsato Sheekhaal ah uu ka soo gatay sanadkii hore, taasoo maanta gaarsiisay inuu ku hunqaaco.

Cabdi Xoosh dambiga uu Ummadda Soomaaliyeed ka galay haddana ka galayo waxaa ka daran ninka u ogolaaday inuu ummadda ku hor hunqaaco oo ah Nadaara, ninkaas oo tusaale u noqday laaluush qaadasho. Ma ahayn markii ugu horeysay ee dhowr jeer ayuu horey u soo fariisiyey TV-ga Universal iyadoon waxba laga qaban. Taasoo laga dhisayo maamulka Universal inay tallaabo ka qaadaan, looguna baaqayo maamullada ka jira Soomaaliya inay mamnuucaan daawashada TV-ga haddii aysan qaadin tallaabo aan ku koobnayn cudurdaar. RAALLIGELIN KUMA FILNA GEFKA AAN AFKA LA SOO MARIN KARIN.

Waxaa taa ka sii yaab badan Cabdulqaadir Xaaji Masalle oo cambaareeyey jaa’ifada ka soo yeertay Cabdi Xoosh, kuna tilmaamay wax wuxuushnimo ah oo beesha Cabdi Xoosh aysan maanta xamili karin. Waxaase xusid mudan hadal la sheego inuu Cabdulqaadir qudhiisu ku aflagaadeeyey beelaha Soomaaliyeed xilligii uu ahaa Wasiirka Gudaha Maxamed Siyaad.

Dr Xuseen Xasan

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.