Ambabaxa Xisbiga UDUB Iyo Ifafaalaha Mucaaradka

Falanqayntii Qallinkii Xassan Cumar Horri

Arar

Waxa la gaadhay amintii saxaafaddu falanqayn lahayd geeddi socodka doorashada iyo xilli suxufiga looga baahan yahay in uu sii malo awaalo runta. Taladu waxay ahayd xogogaal u noqo waxii dhacay shalay, u toogo hay waxaa maanta taagan, si aad u odorosto waxa berri iman kara, Falanqaynta intii tamartayda ah waxaan ku salaynayaa aragtida inta badan ee bulshada. Waxaa iga  reebban in aan ku qotomiyo rabitaankayga iyo fikir aan la ila wadaagin. Sidoo kale, waxa xil iga saran yahay in aan dhowro mihnadayda saxaafadda.

Wax kasta ka hor amaan iyo bogaadin waxaa mudan shacabka Somaaliland oo sidii looga bartay, mar kale, muujiyey milgaha qarannimo iyo nabadda iyaga oo si aan turxaan lahayn ku maray ololahii doorashada. Insha Allah, marka doorashadu nabaadiino innogu dhammaato, waxa la hubaa in dalku kaga bixi doono xaalad qalafsan oo soo jiitamaysay muddo labaatan sannadood ah, kuna mutaysan doonno aqoonsiga caalami oo aan u ooman nahay. Waxaa dalkenna loogu soo hiran doonaa soo afxidhidda colaadda, maaraynta khilaafka, iyo weliba hirgelinta geeddi socodka hannaanka xisbiyada badan.

Marka aan u soo gondo dego dulucda falanqaynta, maanta, waxaa aan qarsoonayn taageerada isa soo taraysa ee xisbiyada mucaaradka iyo maalinba maalinta ka danbaysa dadka ka sii xuub siibanaya xisbiga talada haya ee Udub kuwaasoo ay ugu danbeeyeen wasiiradii Madaxtooyada iyo warshadah oo is casilay 2 maalmood ka hor intaan doorashadu qabsoomin. Run ahaantii, sababaha keenay isbedelkaa laxaadka leh iyo marka loo kuur galo aragtida qaybaha kala duwan ee bulshada, xisbiga Udub waxaa loo aanaynayaa in uu muddo dheer majaraha u hayey talada dalka, isla markaana uu gabay, haba yaraatee, waxqabad dadku ku naaloon karo. Nabadda oo ah hantida ugu qiimaha weyn ee ummaddu leedahay waxaa libinteeda  iska leh Allah innoogu deeqay, ka dibna dadweynaha iyo waayeelka dalka. Hase ahaatee, Xisbiga talada haya waxaa loo arkaa in uu nabadda u adeegsanayo xeelad  shacabka lagu cabsi geliyo iyo tabo lagu beerlaxawsado dadka si ay ugu sii nagaadaan kursiga talada.

Dabayaaqadii kal hore, warbixin ku saabsan duruufaha dalkeenna oo ka soo baxday hay’adda xuquuqda aadamaha, Human Rights Watch, waxaa cinwaan looga dhigay “Ummad u afduuban Nabadda.” Warbixintu waxay aad u dhaliishay hoggaaminta xukuumaada Rayaale iyo sida ay ugu talax tageen musuqmaasaqa dalka ragaadiyey iyo weliba in ay nabadda u adeegsanayaan sidii wax ay iyagu suurta geliyeen, lana waayayo haddii ay xukunka ka tagaan. Warbixinta oo ka kooban 60 bog waxaad ka akhrin kartaa: http://www.hrw.org/en/reports/2009/07/13/hostages-peace-0

Dulucda eed sheegashada bulshada ee ku wajahan hoggaaminta xisbiga talada haya waxaan si teelteel ah hoos uga xarriiqayaa qoddobadan soo socda.

  1. Wareegtadii ugu horraysay ee ka soo baxday Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ku soo saaray in magaciisu sax ku yahay Daahir Rayaale balse aannu ahayn Daahir Riyaale. Halkaas waxa laga dheehan karaa kalsoonida darrada iyo karti la’aanta nin sheegan kari waayey magaciisa  ilaa uu ka qabtay xilka madaxweyne?
  1. Xukuummadda Rayaale waxaa loo aanaynayaa musuqmaasuq xididadiisu ka soo farcamaan isla madaxweynaha iyada oo farta lagu godayo dhaliilo aad u fara badan oo ay ka mid yahiin kuwan.
    1. Madaxweynaha markii loo cumaamaday taajka madaxtooyada, durbaba, waxaa ay isku dhaceen marwadii Madaxweynahii uu xukunka ka dhaxlay, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cigaal. Rayaale waxa uu ku cabanayey in marwado ay ka cagajiidayso bannaynta Qasrigii Madaxtooyo. Balse, waxay runtu ahayd, isagu markii uu ka maagay xurmaynta iyo maaraynta arrinta marwada asayda qaaday, waxaa soo gurmaday beeshii gabadhu ka dhalatay iyaga oo ku deeqay guri ku-meel-gaadh ah oo loo raro qoyskii uu ka tegay madaxweynahii hore, isla markaana ballan qaaday in ay marwada u dhisayaan guri u qalma. Dhinaca kale, waxa taas barbar taallay in Madaxweyne Rayaale isaguna banneeyo gurigii uu deganaa markii uu hayey xilka  Madaxweyne ku Xigeenka. Hase yeeshee, waxa uu ka badheedhay in uu mulkiyo guriga isagoo qorshaystay in uu ku dhaqmi doono marka uu xilka ka tago. Waxaa intaa dheer, in muddo ah gurigaas waxa ka socday dhismo dhowr dabaq ah iyadoo  laga maal geliyey khasnadda dawladda.
    1. Inkastoo Allah ha u naxariistee, Madaxweyne Cigaal laga hayo dardaaranka “Siyaasadda guri ayaa loo xaraashaa ee guri laga ma dhisto,” haddana mudadii uu xilka hayey, waxaa la hadal  hayaa in Madaxweynahu guri ka dhistay magaalda Boorame ka dib markii loo xilsaary maamulka lacagaha loo qorsheeyey aafooyin xilligaas ka oognaa Gobolada Bari taas oo dhammayd 2% dakhliga dawladda dhexe. Sidoo kale, waxa carrabka lagu dhuftaa guryo badan oo Madaxweynahu ka dhistay Gobolka Awdal iyo dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Jabuuti, Masar, Imaaraatka Carabta iyo Faransiiska. Marka la is weydiiyo dhismayaasha guud ee Madaxweyne Rayaale ku soo kordhyey dalka, mudadii dheerayd ee uu xilka hayey, waxaa dadweynahu ku warcelinayaan in ay Rayaale ku xasuusan karaan dhagax uu maalinba meel dhigayay isagoo ku sheegi jiray dhagax dhigga xarumo adeeg iyo warshado kuwaas oo aan weligeed mid keliya ka suurta gelin.
    2. Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada waxay si toos ah xukuumadda ugu eedeeyaan lunsiga dakhliga ka soo xerooda dhoofka xoolaha nool, iibka shidaalka oo loo xidhay shirkadda Total, iibinta hantida ma guurtada ah ee qaranka, kirooyinka badaha, cirka, iyo berriga kuwaasoo haba yaraatee aan ka muuqan miisaaniyadda dalka. Sida la sheegay dakhligaasi si toos ah waxa uu ugu xerooda jeebka madaxtooyada.

3) Madaxweynaha iyo qaabka uu u adeegsaday qabyaaladda ayaa iyana uur ku taalladeeda leh. Dad badan waxaa ay ka hadlaan Madaxweynahu markii la doortay in uu baal maray ballan qaadkii uu ku galay doorashada isagoo sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad aad u kooban lehna tayo sare. Madaxweynahu waxa uu soo dhisay xukuumad aad u tiro badan, fadhiid ah, isla markaana culays ku ah dhaqaalaha dalka. Waxaa xusid mudan, wasiirkii ugu horreeyey ee uu ku dhaco qallinka Madaxweynahu in uu ahaa Axmed Xaaji Daahir oo haybta ay wadaagaan isagoo u magacaabay Wasaaradda Qorshaynta. Maalmo ka dib waxaa soo if baxday wareegto Madaxweynahu ku amrayo Golaha Wasiirada in ay hawsha wasaaradaha ka la tashadaan ama ka la arrinsadaan Wasiirka Qorshaynta taas oo loo arkay magacaabista  xil Ra’iisal Wasaare. Sida la sheegay, wareegtadaasi waxa ay soo dedejisay shaqo ka tegista tiro wasiirro ah oo magac ku lahaa bulshada dhexdeeda sida Maxamed Saciid Gees iyo Cabdullaahi Xuseen Iimaan (Cabdullaahi Dareewal).

Dhacdooyinka qabiilka salka ku haya ee lagu xusuusan doono Rayaale waxa ka mid ah, sannadkii ugu horreeyey ee uu xilka qabtay, waxaa la soo gudboonaatay geeridii Allah ha u naxariistee Taliyahii Ciidanka Asluubta Maxamed Jibriil Cabdi oo ay beel ka soo wada jeedaan. Dadku waxa ay filayeen, mar haddii isagu uu ku fadhiye kursigii madaxweynaha, in uu xlkaas u magacaabi doono beelaha kale, hase ahaatee, Madaxweynahe Rayaale waxaa uu jagadii ku hubsaday Suldaanka jifidiisa, Suldaan Cabdi Suldaam Muxumud Nuur (Cabdi Gurey). Waxa dad badan is weydiiyeen, iska daa in uu Madaxeynahu dhex u noqdo beelaha Somaaliland, waxa uu kala dhoweysta beeshiisa.

Mar kale, warbaahnta dalka waxaa maalmo badan hadheeyey muran ka dhashay geeridii Marxuum Maxamed Cabdullahi oo xubin ka ahaa Guddida Doorashooyinka Qaranka. Xubinta waxaa hore u soo magacaabay xisbiyada mucaaridka. Haddaba, markii  xisbiyada mucaaridku si distuurka waafaqsan u soo magacaabeen Eng. Maxamed Xaashi waxaa isla markiiba ku gacan saydhay Rayaale  isaga oo ku doodaya in dalku ku dhisan yahay qaab beeleed. In kastoo Madaxweynaha ay ka maqnayd in uu ku fadhiyo kursigii uu ka baxay Marxuum Cigaal oo adeer u noqonayo Eng. Maxamed Xaashi, haddana ugu danbeyntii Madaxweynahu waxa uu sifo sharci darro ah ku muquuniyey xilkii in loo soo magacaabay qof ka soo jeeda beeshiisa. Madaxweynahu waxa lagu xantaa in uu aad ugu xeeldheer yahay kala furfirka, laaluushka iyo adeegsiga Golayaasha Qaran.

4) Dhismaha Xisbiga Udub oo lagu qotomayey doorasho la’aan, qaab magacaabis iyo sidii uu u jeclaa Madaxweynahu ayaa saamayn weyn ku yeelatay olalaha doorashada taas oo keentay in xisbiga ay ka dareeraan dad door ah. Waxgaradka u dhuun daloola siyaasadda dalka ayaa ka sii digaya jiritaanka Xibiga Udub in aannu ka danbayn doonin haddii, sida la filayo, Rayaale looga adkaado doorashada. Isla xisbiga iyo qaabkii uu u adeegsaday ololaha ayaa ahaa mid shacabku ka biyodiiday markii ay soo gudbin kari waayeen farriin macquul ah oo ku dhacda dhegta codbixiyaha. Xisbigu waxa uu yool ka dhigtay aflagaadada dhiggooda iyaga oo ku eedeeya xagjirnimo, argagaxiso, iyo dagaal oogayaal. Ugu danbaynta Madaxweynahu oo garawsaday farriimaha ka baxayaa xisbigiisa in ay sii wiiqayaan taageerayaashiisa, ayaa mayalka u qabtay ololahii. Ayaan xumo isaguna ma soo kordhin fikir dadku u hogan karo. Rayaale waxaa uu hal-ku-dheg ka dhigtay erayadan. “ Gorof Madhan ayey la wareegayaan mucaaridku balse annaga weelkayagu waa uu buuxaa”.Odhaahda Madaxweynahu waxa ay soo kicisay ladhka dadweynaha oo hore u hibanayey in xukuumadda boobtay hantidii ummadda. Erayadan ayaa xisbiga dhaxalsiiyey in ay si tarabtarab ah uga sii xadhig furtaan in badan oo ku taamayey in fursad kale la siiyo Rayaale.

.

Isku soo wada xoori, waxa muuqata xisbiga UDUB in uu GOROF MADHAN kala baxay ololahii cod yaboohinta halkaasna waxa laga sii saadaalin karaa Bog soo xidhmay iyo gebogebadii  maalmahii UDUB. Shacabku waxa ay furteen Bog cusub kaasoo ay ku xaqiijin doonaan gacantooda iyo maalinta loo ballansan yahay ee 26 June 2010.

Haddaba, maxuu noqon doonaa ifafaalaha xisbiyada mucaaradka? Sidee u ekaan doontaa dawlad uu soo dhiso Xisbiga Kulmiye ama Xisbiga UCID? Ma dhici kartaa in Mucaaridku soo dhiso dawlad wadajir ah? Qodobadaa iyo waxii la hal maala ka akhriso qaybta 2aad ee Ambabaxa UDUB iyo Ifafaalaha MUCAARADKA.

hassanhorri@hotmail.com

Xassan Cumar Horri

This entry was posted in Elections. Bookmark the permalink.

Comments are closed.