Qaamus Somali Iyo Carabi

Waxa haatan soo-dhammaatay oo laga-fara-xashay hawl weyn oo loogu-jirey curinta iyo hal’abuur-ka qaamuus cusub oo Af-carabi iyo Af-soomaali ah. Waxa keliya oo haddeer hadhsani waa far-garaacii la-far-garaaci-lahaa iyo faafin-tii dabadeed la-faafin-lahaa qaamuus-kan assaga ahee cusub. Waa qaamuus aad u-weyn oo hawshiisa xilli toban gu (sano) ah la-wadey oo lagu-jirey, intaana loo-heellanaa, Waa qaamuus si kama-dambayn ah loogu-kala-soocay loogu-na-kala-saaray loogu-na kala-horay eray-ya-da issir’ahaan Af-ka Reer-soomaale ahee Soomaalida u-gaar-ka ahee af-kooda hooyo ka-mid-a, iyo eray-yada qalaad ama shishaya-ha ahee waayahan dambe sida toos-ka ah halista ba’an ugu-haya jiritaan-ka Af-keenna Soomaaliyeed, ee ah tiir adag oo Soomaalida oo dhan ka-dhexaya oo ay wadaagaan oo xidhiidh-sha oo ay u’adeegsadaan, si ay isu-kasaan isu-na af-gartaan, oo ay Soomaalidu (Reer-soomaale) kaga-duwan-yihiin kaga-na soocan-yihiin quruuma-ha kale ee carrigan kajira ama ku-nool, cid-dii kale ay doonaan ha-noqdeene.

Toban gu (sano) ayaa aan keli-gay la-soo-rafana-yey curinta iyo hal’abuurka qaamuuskan cusub ee Af-carbiga iyo Af-soomaali-ga ah, aniga oo kolkastaba si joogta ah isu-xilqaamayey. Hawshiisu waxa ay iga dooontay inaan si dheeraad ah ugu-heellanaado oo ugu-go’o. Diirad-da iyo isha iyo dhaaya-ha-ba waxa aan, intaas oodhan, ku-hayey u-hiilin-ta iyo hore’u-marinta af-keen-na Soomaaliyeed, ee haattan halista ugu-jira baaba’ uu baaba’o iyo cidhib-beel uu cidhib-beelo. Waxa kale oo aan diirad-da ku-hayey oo ii muuqatey sida weyn ee kumannaan arday ahoo Soomaali ahi ay wax uga-tayaysan-karto uga-na dheefi-karto qaamuus-kay-gan cusub ee Af-carbeed-ka iyo Af-soomaaliga ah. Kumannaanka ardayda ahee qaamuus-kan ookale u-baahan ka-sokow, waxa qaamuuskani waxtar weyn u-noqo-doonaa kumannaanka kale ee dadka soomaaliyeed ahee sida joogtada ah ugu-dhoofa ugu-na goosha dalalka Carbeed had-kastaba. Dadka kale ee Soomaaliyeed ee qaamuus-kan aqoon iyo garasha-ba ka-korodhsan-karaya kumannaanka Soomaalida ahee ayagu sida joogta ah ugu-dhaqan ama u-deggan gayi-ya-da / dalal-kaas Carbeed. Waxa aynnu ogsoonnahay ookale in dadka soomaaliyeed ee Muslimka ahi ay kudadaalaan barashada quraan-ka oo ay Af-carbeed-ka ku-bartaan.

Qaamuus-kan Af-carbeed-ka iyo Af-soomaali-ga  ahi waa kii kowaad ee ugu-horayey ee jaad-kiisa ahoo aan anigu labadaas af ku-wada-qoray kuna-soo-wada-dhigay. Waa qaamuus ay ka-buuxaan af-kaasna kajoogaan boqollaal eray-dillaacin ahoo Af-soomaali ahoo aan ku-muujinayo hodon-nima-da iyo taabba-gelid-da Af-keen-na Soomaaliga ah, si ay dadka Af-ka soomaali-ga adeegsadaa ay uga-maarmaan una-joojiyaan eray-ya-da faraha badan ee qalaad ama shishaya-ha ahee ay wax-ma’ogaantu u-geynayso, moodaya-na inaan Af-keennu lahayn ama qabin eray-yo kuwaas qalaad ee shishaya-ha ah u-dhigma oo la’ujeeddo ah. Mudnaan gaar ah ayaa waxa aan u-yeelay ilaalinta iyo tixraaca iyo hiigsashada dhammaan xeerar-ka / sala-ka (graamar-ka) af-ka Soomaali-ga ah u-gaar-ka.

Waxa aan kor ku-soo-sheegay in hawsha imminka hadhay ay tahay far-garaacid iyo faafin qaamuus-kan Af-carbeed-ka iyo Af-soomaali-ga ahee aad-ka u-weyn la-fargaraaco oo la-faaf-sho. Waa hawl (mashruuc) u-baahan lacag ama xoolo badan oo la-gesho. Ma aan hayo dhaqaale aan haddeer far-garaaca iyo faafin-ta qaamuus-kan aan u-qoondayn-karo. Sidaas awgeed, waxa qof-kasta (dumar iyo niman-ba), oo u-damqanaya dan-na ka leh hore’umarin-ta iyo sii-jirid-da Af-kiisa hooyo ee Soomaaliyeed ee gaar-ka u ah, aan farayaa, inuu is-xilqaamo, oo deeq iyo gacan ka-geysto qaadhaan-gurid la-qaadhaan-gurayo, si loo’urursho loo-na-helo lacagtii ama xooli-hii lagu-bixin-lahaa hawsha la-xidhiidha far-garaacid-da iyo faafin-ta qaamuus-kan Af-carbeed-ka iyo Af-soomaali-ga ahee cusub ee diyaar-ka ahee waxa qudha ee uu sugayaa yihiin gudashada hawshaas (mashruucaas) far-garaacid-da iyo faafin-ta ah oo la-soo-gutto.

Hodon-nima-da Af-ka Soomaaliga ah (Reer-soomaale) waxa kamid ah maahmah-ha yidhaahda: 1- Dad yaraani wax-ba kuma ay yeesho’e dad la’aanta ayaa wax ku-yeesha.

2. qof-na  taag-tiis yaa uu ciidan-shaa qofna tamar-tiis-a. 3. rag-ba waa ku-raq-dooda. 4. Aqoontu waa if-tiin. 5. wax’ogaanshu-hu waa if / iftiin. Murtida Reer-soomaale waxa ayana kamid ah hees odhanaysa: waari mayside war ha-kaa-hadho.

Haddaba waxa walaalla-yaal la-yidhi: hadal nin badsaday-na ma uu wada’odhan, nin yaraystay-na kama uu wada-tegin-e, aan halkaas kaga-hadho baaqayg-an aan rabo inaan dadka Soomaaliyeed gaadhsiiyo.

Sidaas iyo nabadgelyo, waxana ogaataan in Af-kiinnii Af-soomaaliga ahaa uu sii-dabar-go’ayo, haddii anaydin si xilkasnimo ah ugu-hawl-gelin oo aanaydin u-badbaadin.

Qore: saalax Cali Maxamed

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.