Khatarta Baburta & Hargeysa

Khatarta ay baabuurta Ku hayaan ammaanka waddooyinka magaalada Hargeysa

Asc

Waxaan doonayaa, haddii ay idinka suurta gasho dhiniciinna, idinka oo mahadsan inaad daabacadaan maqaalkan fadlan.

(Arintani waa mid aan ku arkay magaalada hargeysa)

Waakan Maqaalki hoos ku qoran:_

Baabuurta iyo sida loo wada magaalada Hargeysa.

Waxaa waxlayaable sida dadka ku nool magaalada Hargeysa ay baabuurta u wadaan iyo badnaanta gaadiidka mara waddooyinka magaalaa Hargeysa.

Hargeysa dadka joogaa 99% ma garanayaan sharciyada ku dhaqanka sharciyda waddooyinka iyo  hanaankeeda.

70% ka midihina mahaystaan liisanka baabuurta lagu kexeeyo, wax allaale iyo wax ixtiraam ah oo xagga socdaalka waddooyinka iyo habdhaqameedkeeda ay ka ogyihiin waa iska yaryihiin ama maba jiraanba.

Tanina waa meelaha ay jamhuuriyadda somaliland adduunka uga danbayso ee aanay weli ka kobcin ee ay aad saboolka uga tahay weli.

Dareewalinta baabuurta aad iyo aad waxaa ugu goysay habdhaqameedka iyo maamuuska baabuurta loo wado, sida jidka loo kala leeyahay, sida laysu dhaafo, xawaaraha lagu socdo, gaaraacista hoonka iwm.

Waxaa magaalada Hargeysa ugu xariifsan uguna reer magaalsan qofka garaaca hoonka isagoon ujeedo iyo ka jeeddo midna ka lahayn, xawaara badana ku orda iyagoo iska dhaafaya bidix iyo midig labadaba, waxaana ugu fariidsan qofka baabuurka sida waalan u wada magaalada dhexdeeda iyo debedeedaba.

Tanina waxay keentaa dhibaatooyin badan oo ah mid dhaqaale iyo mid dhimashaba.

Isku soo duubduuboo Hargyesa ama Somaliland xagga nabaddda  waddooyinku aad ayey uliidataa, waxayna xamar ka shabahdaa xagga nabad xumada markaa la eego khatarta gaadiidku ay ku hayaan dadweynaha reer Hargeysa, ta kalena dadka laftiisu waxay maraaan gudaha wadooyinka iyagoon kaba cabsanayn baabuurtan sida waalan u socota.

Markaa waxaa muhiim ah in dawladda ka talisa waddanka ay sugto ammaanka dadka, kana hortagto khtartan weyn ee nabad gelya xumada xagga jidadka ah.

Waxaaa kaloo muhiim ah in dawladdu ay soo rogto sharci ka hortagaya ammaan xumada ka jirta dalka gudihiisa aan idhaahdo ta wadooyinke e.

Waxaan kale oo dawladda u sheegayaa in haddii dawladdu samayso sharci adag oo ay ku yaraynyso sharci làantan jaanta roggan ah, in laga heli karo dhaqaale aad u badan oo ay ku dabooli karto waxyaabo ay ka midyihiin wadooyinka aad tabcaanku u ah oo lagu dhiso iyo mushahaarada taraafikada iyo waxyaabo kale oo badan.

Gunaanad:waxaan ku dhammaynayaa labo talo:

Kow in dawladdu si dhaqso ah usoo rogto, adkaysana in qofkasto oo baabuur kaxaynayaa haysto liisan.

Labo: qofka aan u hoggaansamin ee aan ku socon qodobka kowaad in lala tiigsado sharci adag oo ah ganaax xidhig iyo mid lacageedba ah.

Haddii kale waxaan sugnaaanayn nabaddii iyo xisiloonidii waddooyinka iyo tii dalkaba.

Jamal Naaleeye Nuur

Oslo Norway

jaman@live.no

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.