Caddaabkii Kuma Taabtoo , Jannadii Ku Ciyaar , Cabdillaahi Suldaanoow ,36 Sano Kadib

Caddaabkii Kuma Taabtoo , Jannadii Ku Ciyaar , Cabdillaahi Suldaanoow ,36 Sano Kadib Geeridii Marxuum C/laahi Suldaan Timacade .

 

Bismillaahi.

Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.

 

Doodii Suldaan Timacadaan Dib Uga Sheekeyne

Waa Hadal Da, Waynoo Abwaan Duubay Waa Hore,e

Daartii Jannada Baan In Badan Ugu Duceeyaaye

Ilaah baan Darxumadaan Tusine Uma Dulqaateen .

  

36 Sano Kadib Geeridii Illaahay Cadaabka haka Fogeeyee Marxuum C/laahi Suldaan Timacade , Anigoon Soo Gaadhin Ugu Yaraan Dowlad Soomaaliyeed & Astaan Qaranimo oo kajira Geyiga Soomaaliyeed , Haddaan Qalinka Uqaato Inaan Wax Ka Qoro ,Shakhsidayadii Timmacade Waxaan Hubaan Inaanan Ka Bixi Karin ,

  

Cabdillaahi Suldaan Timacade Alle Jannatul Fardowsa Haka Waraabiyee Waxa Kaliya Ee Aan Ka sheegi karo ayaa ah Waxaan ka dheehday  Gabayadiisa & Maansooyinkiisa , Taasoo Ku Tusinaysa Inuu Ahaa  ((Nabadoon Caadil Ahaa ,Wadani Aan Mid Lamid ah uu yaraa ,Indheer Garad arki karay wakhtigaas waxa ka iman kara Caadooyinka & Dhaqamada Foosh Xun Ee Soomaalida )).

 

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weedhkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

 

Mar Kale Waa Kii Lahaa-

-Garbaduub haddii loo xidhood, gaadhna ka ahaato
- Gacantii nin lihi goynayaa, waa gumudantaaye
- Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye .

 

Waxaanse Nasiib Xumo Ah in Murtidaas Baaxada Wayn Ee Uu Afartameeyo Sano Kahor Marxuum Timacade Ku Sooray Shacabkiisa Aysan Ka Aqbal Dhagahana Ka Furaysteen, Isna Waa Kii Kuba Tilmaamay “dix dhagaxeed“ Siduu Sheegay Bayna Ahayd Markuu Yidhi “Dadkaan la hadlayaabaan Lahayn Dux Iyo Iimaan“ ,, Suldaan Timacade Waxaa Mitaalkiisu Yahay , Midhahii Iyo Erayadii Ay Kamidka Ahaayeen -

 

Beri baa nin Qaari Ah

Qowkuu La Noolaa

Qawlka uu Yidhaahdaba

Haddii Uu Quraan Yahay

Ay Ka Qaadan Waayeen !

 

Haddaba  Geeridue kala qoob culuse, tiisu waxay Ahayd khasaare ummadeed ,Waa Geeridii Ay Bulshadiisii Sugaantu Ka Yidhaahdeen “Geeriyeey Xishoodlaay “,Wuxuu Dhintay Alle Ha Unaxariistee 06 /12/1973 Maalin Talaado Ah , Isagoo 53 jir ah , Waxaa lagu aasay Degmada Gabiley gaar ahaan Galooleey oo uu ku dhashay , Waxaa u sabab ahaa geeridiisa Cancer Cunnaha kaga dhacay , iyadoo uu cuntada maalmihii u danbeeyay noloshiisa ku qaadan jiray tuubooyin jidhkiisa looga duleeliyay ,Maalmahaas ayaa loo waday dhakhtar kale oo Nairobi ah kaasoo lagu celinayay ,Laakiin Wakhtiga U dhimanaa umuu ogolaan -

 

“Waxaad Aadanow maaggan tahay adiyo maankaagu

Iyo meel uu Ilaahay ku marin kala mid weeyaane ! ”

 

Bahdiisii & Bulshadiisii Sugaantu Waxay Ka Yidhaahdee Geeridiis Tixahan Soo Socda .

 

Xusseen Aw Faarax Dubad Illaahay Ha Unaxariistee Ku Dhintay Xamar 1998 , Lagu Xassuusto Inuu Sameeyay Heestii Qarshe Aun Ku Luuqayn Jiray Ee Qolo Waliba Calankeedu , Wuxuu ka Yidhi Geeridii Marxuum Timmacade Tixdan Duccada Ah 8 Febraury 1976 .

 

Alla ha unaxariistoo

Ha unuuro xabaashoo

Iilka neecaw udgooniyo

Haku siiyo naruuro

In uu naar ka xaroobo

Nebigii la xidhiidho

Nasiibkiisa la geeyo

Jannadaa ku nagaadoo

Nimcadeeda kuwaaroo

Xuurayl cayn ku nikaaxoo

Ayaan niyada uuga duceeyee

Raxmaankoow iga yeel..

 

*Cali Cilmi (Afyare) Illaahay Ha Unaxariistee , Abwaan Waynoo Caan Ahaa , Kana Shaqayn Jiray Radio Muqdisho Wuxuu Tixdan Ugu Baroor Diiqayaa Marxuum Timacade .

 

Curadkii gabaygeeniyo

Caaqilkii wax yaqaane

Carradiisa xoreeyee

Caddaankii la jihaadoow

Cabdilaahi suldaanow !

 

Kii gumeysiga cayrshe

Carrabkiisa ku dhoofshaye

Calankiisana siibaye

Cirka geeyey midkeenoow

Cabdilaahi suldaanow !

 

Isticmaarka canbaar iyo

Ninkii ceebta uyeelayoow

Cabdilaahi suldaanow !

 

Colaad leysku dhamaadiyo

Ciidamoow iyo qeyliyo

Cashiirooyin isjiidhoo

Cakir weyni dhex yaalo

Isagoon cid uyeedhan

Cidda kii kala joojoow

Gabay uu ku canaantiiyo

Xaqa kii U cadeeyayee

Caafimaadka ku beerayoow

Cabdilaahi suldaanow !

 

Umadeena cis weyniyo

Cad gaaraad ku laheydoo

Calooshay ku hayaanoo

Iyagoo camal kheyrliyo

Caafi kuu dalbayey

Caddaan kuu xusayaanoo

Ciroolahooda gaboobiyo

Carruurtaa ku taqaanoo

Taariikhdaa ku cusleysoo

Ubax cuud ka udgooniyo

Caleemaanu ku saarroo

Caddaabkii kuma taabtoo

Jannadii ku ciyaar

Cabdilaahi suldaanoow !

 

*Maxamed xaashi dhamac (Gaariye) -Oo Kamid Ah Abwaanada Nool Kana Qalin Jabiyay Jaamacadii Lafoole,Wuxuu Ka Yidhi  Geeridii Marxuum Timmacade Tixdan La Yidhaahdo Damaq & Xussuus .

 

Geeriyeey xishoodlaay

Xejiyaay fogeeyaay

Xaashaa,e aftahanimo

Haddii uu xabaal galay

Xeel dheereheedii

Hadii xawda laga jaray

Abwaankii xidigin jiray

Murtidii xag loo dayo

Xulashada ahayd iyo

Xarrakada higaadiii

Yaa xarafkii hoos dhabi?

Faraskii xiddaysnaa

Xakamihiisi ayaa sudhi?

 

Codkiisii xarraankiyo

Ka madhnaa xabeebtee

Xuli jiray wadnaayee

Xadhkihiisa mudanka ah

Xad-xanteyn ogaayee

Wixii xay ah daayoo

Xabaallaha gilgili Jiray

Xarka sawdkii tirin jiray

Geelana xasilin jiray

Xakab jabay hadduu yahay

Xaadayda yaa kicin?

 

Suugaanta xaramka ah

Xurmadeeda yaa marin?

 

Xayndaabka maansada

Geerida xasaysaay

Hadaad jebisay xeerkii

Anna damaq xasuuseed

Adna dan iyo xeeshaa

Waa xabag cadaadeed .

 

Waxaa Wax Laga Xumaado Ah Inaanay Hogaamiyayaashii Jiray Xiliguu Dhintay Timacade & Wakhtiguu Noolaaba Aanay Siin Mudnaantiisii , Aysan Jirin Goobo Waa Wayn Oo Loogu Magac Daray , Isagoo U Qalmay Billad Sharafeedada Kuwa Ugu Sarreya , Kasokow In Loogu Magac Daray Schoolo & Garoomo Kubadeed Oo Aan Ka Fogayn Halkuu Ku Dhashay , Waxaase Haboonayd In Daafaha Gayiga Soomaaliyeed Lagu Xardho  Tilaamo Muujinaya Kaalintiisii ….. Waxaase Soo dhowayn & Talaabo Lagu Dayan Karo Mudan In Jaamacada Gabiley Loogu Magac Darayo Marxuum Timmacade , Waana Talaabo Maamulada Kale Inay Ku Daydaan Ay Haboontahay & Cid Kastoo Awood Uleh ,Sida Puntland Oo Kale ,Waayo Awood Bay Uhaysaa Si Loo Baro Dhallaanka Dadkooda Maamuuska Leh … Loona Sameeyo Sidoo Kale Bandhigyo lagu Xusayo Marxuumkaas ,Islamarkaana Lagu Beegayo Maalmaha Murugada Badan Ee Ku Aadan Geeridiisii Naxdinta Badnayd-

 

Waxaan Leeyahay , Qoys iyo qaraabo ka sokow,Timmacade Waddaniyadda haatanba dadkeenna gabaabsiga ku ah ayaa maqnaanshihiisa u sii naafan doonta, Saaxiibbadiisii gaar ahaaneed ka sokow, maansadiisii murtida badnayd intii ku jeclayd ayaa sannado Intan Ka Badan Usii Ilmayn Doonta ,

 

Gun & Gebo-gebo Illaahay Ha Unaxariistee Cabdillaahi Suldaan Timacade Wuxuu Taariikhda Ummada Soomaaliga Ku Hadasha Kaga Jiraa Baal Dahab Ah ,Waxaanan Dhalinyarada Soomaaliyeed Ugu Baaqayaa Inay Raacaan Jidkiisii Quruxda Badnaa Ee Toosnaa Kana Hadhaan Jidadka Qaloocan Ee dhibaatada badan,,,, Waxaanan leeyahay Qalinkii Suldaan Timacade Wax Lagaga Qoray Wali Wuu Yaalaa ,Page-ge kii Ama Bogagiina Way Banaanyihiin Ee Maxaan Ku Qornaa Oo Aan Uga Tagnaa Jiilkeena soo Kacaya Intaynaan Socdaalin ?

 

Mahad Gaar Ah Waxaa Mudan Boobe Yuusuf Ducaale Qoraha Taariikhda , Maansada , Iyo Gabayadii Timmacade .

 

Khaliif Dhagoole Xayir .

puntland-boy@hotmail.com

 

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh .

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.