Sheeko Qosol Murtiyeedkii Digsiga: Somaliland Vs Juxa

Beri waxaa la yidhi ninkii Juxa ayaa Digsi aad u weyn oo reer lahaayeen ayuu kasoo amaanaystey. Digsigii buu u celiyey reerkii markuu ka dhamaystay, haddana dhowr jeer oo danbe ayuu sidoo kale sameeyay. Haddaba maalintii danbe ayuu damaaci weyni galay oo uu isku yidhi “waar tolow sidee baad digsigan isaga haysataa, ileyn waa bahalkan karista macaane.” Maalintii danbe ayuu “Dhako-kale” la yimid, micno ahaan fikrad weyn oo uu Digsiga ku haysto. Haddana reerkii ayuu ka soo amaanaystey Digsigii markan isagoo ay wax ugu hoos laaban yihiin arrinkan. Markuu ka dhameeystay ayuu sidii caadada ahayd u celinayaa reerkii, laakiin markan Digsi yar ayuu u dhex dhigay koodii weynaa. Markuu sidaa uga dhaqaaqay ayay reerkii arkeen Digsigan yar ee dhex jiifa koodii. Intay Juxa u yeedheen ayay ku yidhaahdeen; “waar ninyahow Digsi yar baad ku dhex iloowday kii weynaa”, intuu Juxa sidii wax wax ilaaway u soo booday ayuu yidhi; “Raalli ahaada waan idinka ilaaway inaan idiin sheego, inuu Digsigiinii dhalay kan yar!”, markaasuu isla markiiba dhaqaaqay, dadkii oo yaaban oo weli sidii Juxa u sii eegaya oo afka kala haya. Haddaba midh hadala kamay daba odhan Juxa.

Haddaba Juxa ileeyn waa nin qorshe watee dhowr jeer oo danbe ayuu Digsigii sidii u amaanaystay oo celiyey mar walba. Dadkiina ay isleeyihiin Digsiga siiya ileeyn waaba nin awliyoo waa intaasoo qaar kale dhalaaye. Haddaba markii danbe ayuu bahalkii iska haysanayaa halkuu ka celin lahaa. Reerkii oo xayraansan oo guuraya ayaa u imanaya Juxa iyagoo codsanaya inuu Digsigoodii siiyo. Juxa intuu markana iska dhigay sidii nin wax hilmaamay oo aan war ogeyn ayuu odhanayaa; “Alla, oo waan idinka ilaaway inaan idiin sheego in Digsigiinii uu dhintay!” Reerkii oo naxsan baa markiiba la soo boodaya; ” Waar bal wuxuu noogu sheekaynayo eega sideebaa Digsi u dhiman karaa?”;

Haddaba Juxa markan intuu dhoola cadeeyo ayuu odhanayaa; “Dee siduu markii horeba wax u dhalay ayuun buu imikana u dhintay,” Eesh qiyaasak!

TIXO ka mida ah Gabay aan hore u tiriyeyaan

Arligeenan dawldnimo gudoonshee, gaadhka lagu meershay

Goobtaan hadhkiyo nabada ahe, heerka sare gaadhay

Olol iyo dhib baa loo dhex galay, gumuc rasaaseede

Gaajiyo haraad baa laga mutiyo, geeri iyo ciille

Geeddi iyo jid dheer baa loo mariyo, geyi shisheedaade

Gufaac dabayl iyo habar dugaag, guri lagula hoydee

Guryo iyo adduun baa ku lumay, hanti ma guuraane

Halgan dhiigga dhuuxiisiyo gala, jiidhka gudahiisa

Mid aynu u wada guntanuu ahaa, shicibka guushiise

Waa in guushaas la giijiyo, oon la geba-gebaynin

Guul-guul colaad yaan la gelin, weerar gacaleede

Waa in geed lagu meeriyaa, oon gacalku uu ooyin

Markale gardaro darteed yaan, shacabku uu guurin!!!!!! !!!!!

Haddaba waxaan fursadan tacsi usoo jeedinayaa shacabka Somaliland iyo dadkii geeriyooday eheladoodii. Caqligu haynoo shaqeeyo;Masuulitii nta waddanka ayaa looga fadhiyaa maslaxad, nabad, iyo doorasho deg-degah. Shicibkoowna nabadiina ilaashada, aakhirka saaxiguun bay keeniye. Dawladuna waa inay dulqaad sameeysaa oo aanay shacbiga xabad u adeegsan, dastuurka waddankana dhowrtaa.

By: Jamaal Cali Xuseen

Abidjan, Ivory Coast

jamaal71@yahoo. com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.