Magacaabis Boqor Cusub Beelaha Dega Degmada Ceel Afweyne

Cuqaasha iyo Odayaasha Beesha Baho oo ka mid ah Beelaha Habarjeclo ayaa Bayaan ay ka soo saareen Degmada Ceel Afweyne waxay ku sheegeen inay doorteen Boqor cusub, kaas oo dhowaan la caleema-saari doono.

Sida lagu sheegay Bayaan ay saxeexeen 32 xubnood oo isugu jira Cuqaal, odayaal, aqoonyahanno iyo waxgarad kale, Beeshu waxay u dooratay Boqorka cusub Maxamed Jaamac Cumar. Bayaankaas oo ay beeshu u kala dirtay Beelaha H/Jeclo iyo Beelaha kale ee Somaliland, wuxuu u qoran yahay sidan:

“Kadib shirar iyo wadatashi muddo dheer u socdey cuqaasha, aqoonyahanada, Guurtida, dhallinyarada iyo qaybaha kale ee Beesha ayaa ugu dambayntii lagu go’aansaday in loo doorto Madax-dhaqameed Boqor Maxamed Jaamac Cumar. Ujeeddada loo doortay Boqorka oo ah inuu ka shaqeeyo arrimaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesha iyo turxaansaarka beesha iyo kan beelaha Deriska ah ee beeshu wax ka tabanayso ama wax ka tabanaya Iwm.

Waxa kale oo ka mid ah Go’aamada Shirkan lagu gaadhey in beeshu si buuxda u taageersan tahay Shirweynihii Beelaha H/T ku yeesheen Degmada Gar’adag Sannadkii 2008dii iyo go’aamadii ka soo baxay, iyadoo beeshuna shirweynahaas si buuxda uga qaybgashay, ugana qaybgeli doonto.

Haddaba, waxaa beeshu si xushmad iyo qaddarin leh u ogeysiinaysaa uguna gudbinaysaa Beelaha H/Toljeclo, Beelaha Jaarka ah iyo guud ahaan Beelaha reer Somaliland in laga bilaabo 05/09/2009 ay beeshu u dooratay, una caleema-saartay Boqor Maxamed Jaamac Cumar, iyadoo xilliga ducada iyo caana-shubkuna uu noqonayo 01/11/2009. Annagoo idinka rajeynayna inaad nagala soo qaybgashaan dhammaantiin, haddii Alle idmo, iyadoo shirku magacaabay guddida qabanqaabada iyo xidhiidhka caana-shubka.

Allaaa Mahadleh.

Magacyada Golaha Cuqaasha iyo Guurtida Saxeexday Go’aanka:

1. Caaqil Xuseen Digaale Yuusuf
2. Caaqil Xasan Warsame Xirsi
3. Caaqil Cabdillaahi Nuur Yuusuf
4. Caaqil Cawil Khayre Ismaaciil
5. G/T Jibriil Ismaaciil Guuleed
6. G/T Cabdi Sugulle
7. G/T Ismaaciil Nuur Xirsi
8. G/T Jaamac Xirsi Xuseen
9. G/T Maxamuud Faarax Maxamed (Hurre)
10. G/T Jaamac Xasan Cismaan
11. G/T Cumar Saleebaan Yuusuf
12. Aq. Abokor Jaamac Yuusuf
13. Aq. Cabdi Ducaale Cali
14. Aq. Faarax Caddaan Xirsi
15. Aq. Iidle Aadan Yuusuf
16. Aq. Jaamac Cilmi Samakaab
17. Aq. Ardaale Cumar Axmed
18. Aq. Maxamed Cilmi Cumar
19. Dr. Cabdi Caddaan Xuseen
20. Dr. Jaamac Faarax Samakaab
21. Eng. Cabdi Cawed Cabdulle
22. Sh. Cabdiraxmaan Aadan Maxamed
23. Ducaale Faarax Aw Cabdi
24. Maxamuud Xasan Dhegaweyne
25. Axmed Ismaaciil Guuleed
26. Cumar Aadan
27. Jimcaale Saalax Faarax
28. Maxamed Cabdi Digaale
29. Aqoon. Saleebaan Ducaale Shire
30. Aqoon. Axmed Maxamed Diiriye
31. Aqoon. Bille Yuusuf
32. Aqoon. Aadan Saleebaan Diiriye

This entry was posted in announcements. Bookmark the permalink.

Comments are closed.