Nin lagu Seexdoow Haseexan Toos Xilbaad Sidaa

Nin lagu Seexdoow Haseexan Toos Xilbaad Sidaa Haseexan Toos………..Qalinkii Amran Maxamuud Xasan

Asl wr wbr waxaan salaadiiran hawada u marinayaa dhamaan ummadda reer Somaliland  meelkastoy joogaanba, waxaan si gara u salaamayaa badhda Somaliland.Org
Bacda salaan waxaan doonayaa inaan waxyar ka idhaa aqoontayda gaaban taasoo aan soo ban dhigo markasta, waxaan aad ugu farxsanay warka kasoo yeedhay Golaha Guurtida Somaliland kuwaasoo maanta oo ay bishu tahay 25/07/09 ku falanqeeyey doodoodii kalfadhiga siina socon doonta fadhiyada danbe, waxaan sigaara ugu hanbalyaynayaa sadexda xubnood ee sida xaqiiqdutahay u falanqeeyey ee u bayaamiyay hayda Ajaanibka ah ee maanta Dawlada curdinka  ku bilowday fara galinta ama kula kacday inay burburiyaan Qaranka Somaliland. waxaan ka hadlay oo aan maqaal ka qoray  Hadhwanaagnews 16/07/09markii ay Interpice ku dhawaaqday inaanay deeqdooda bixinayen ilaa la badalo  xubno ka mida Komishanka, taasoo aan arkay markiiba inay ku carqaladaynayaan doorashada soo socota iyo inay ku samaynayaan faragalin Dawled dhan oo dhisan.

Mana jiro sharci dhigaya ama odhanaya wadanka  hayad timi inay fara galin ku samayso waana Doqoniimo iyo damanaan laynagu dayayo, waxaanan leeyahay Nin lagu seexdoow haseexan toos xilbaad sidaa haseexan toos.

Waxaad moodaa inay xisbiyada qaar u arkaanba in hadiila maqli waayo hayada  caawimada in la is hortaagayo doorashadii ama la car qaladaynayo waxaan leeyahay mucaarid iyo muxaafidba waar hooooy hurdada halaga kaco idin kaa laydin ku tijaabinayaaye oo wax walba ha hor boodina ee iska hubsada Hubsiimo Halbaa Lasiistaa.

Tallo sojeedin:
waxaan leeyahay C/qaadir Xuseen Mire wuu saxanyahay Hayadan  Interpice miyaan la odhan karin Adeerow naga taga oo qaadhaankiinan haysta hadaydin arintan ku kacdeen oo aad nasoo fara galiseen waanu idin ka maaranee waxaan aad ugu mahad celinayaa sadexdan xidhibaan marlabaad Saleebaan Maxamuud Aadan(saleebaan nuur), Cabdilaahi sh Xasan Cismaan iyo C?qaadir Xuseen Mire, ee sida hufan uga dhiibtay Aqalka Barlamaanka Somaliland, Ama Guurtida Somaliland waxaan leeyahay aad ayaydin u asiibteen xaqiiqda jirta ee Dadka iyo Dalkaba badbaadiya.
Waxaan idin kaga tagayaa Allaa ugu xaakimsan kuwa wax xukuma (Inalaaha Axkamul Xaakimiin) Masuulkastana waxa Allah kula xisaabtami doonaa cidii uu masuulka ka ahaa ama xilka uu uhayay Asl wr wbr.

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.