Maxaad Kala Socotaa Dhibaatada Somalida loogu Geysto Wadamada ay u Tahriibaan

Warbixin  – Maxaad Kala Socotaa Dhibaatada Somalida loogu Geysto wadooyinka Wadamada ay u Tahriibaan & Xabsiyada ay Ku Jiraan ee kala duwan.
Qaybt 1aad……..
 
 Dadka Somalida ah oo ay ku jiraan ReerSomaliland  oo lagu ilaaway Xabsiyada Afrika,Lana la,yahay Cid u dooda ..mudada yarayd ee loo qabtay Dadka Ajaaniibta Liibiya oo dhamaatay…. meelaha ugu dhibka badan oo somalidu kala kulanto tacadiyada isagu jira dilka, Kufsiga Iyo dhaca waxa ka mid ah wadamada Sudaan  Liibi…… dawladda Somaliland ayaan laga hayn wax hadal iyo dhaqdhaqaaq ah si loo  caawiyo dadkaasi sidii ay xabsiyada  uga bixi lahayeen oo wadankooda ugu soo… liibiya dadka maxabiista ma celiyaan ee weligood halkaasi way iskaga  jiraan, ilaa la helo cid dadkaasi ugu dooda xuquuqda ay…… dawladda Somaliland ku waajiba  inay ka hawlgasho sidii xabsiyada looga sii dayn lahaa muwaadiniinteeda… dadkaa xabsigaa ku jira ayaa dhamaantood  rag u badan marka laga reebo hal dumara ……
 
Tan iyo markii laga takhulasay Dowladii Siyaad Bare ee ay  burburtay xukuumadisii waxa dalka somaliya ka jiray dagaalo iyo dhibaatoyiin kala duwan, kuwas oo sababay barakac iyo dhibaato weyn oo ku habsatay Dhamaan shacabkii Somaliyeed oo u qaxay wadamada Caalamka siiba kuwa  deriska ah somali farabadan oo siyaalo ka duwan ugu haajiray .
Hadaba waxaan qalinka u qaatay iyadoo aan laga geyoonayn dhibaatada badan ee Somalida ka soo gaadhay wadamadaasi ay u haajireen ayaan jecelahay inaan kor kaxaadiyo intii karaankayga ah ,iyadoo aan ka soo uruuriyey dadkii ay dhibaatadaasi qabsatay iyo dadkii u xogagaalka ahaa arimahaasi dhibta badan ee soo gaadhay dadka Somaliyeed oo aan kala duwanayn marka ay ka baxaan dalkooda
Haddaba meelaha ugu dhibka badan oo somalidu kala kulanto tacadiyada isagu jira dilka, Kufsiga Iyo dhaca waxa ka mid ah wadamada Sudaan Iyo  Liibiya oo muddoyiinkan dambe dhalinyaro badan oo somaliyeed ka tahriibaan sii aay uga baxsadaan dagaalada iyo dhibaatada aan dhamaan ee ka socota dalka somaliya.
Wadanka Kiiniya.
Kenya waxa soo gala Somali badan  ka soo Qaxa dhibaatoyinka dalkooda ka sii socda.,Xadka Somalia iyo Kenya waxaa ku nool Qaxooti fara badan oo Somali ah iyadoo waliba xilligan oo ay dagaalo ka socdaan Somalia  ayna Qaxooti cusub gadhaan Xerooyinka xadka Kenya iyo Somalia ku yaal, Kenya waxaa ku nool wali Somali aad u fara badan siiba magaalada caasimada Nariobi waxaana soo waajaha had iyo jeer dhibaatooyin farabadan oo ay ku adagtahay wax ka qabashadeedu dadkaasi waxa soo waajaha.mushkilado badan , dad Badan oo Soomaali ah ayaa ka buuxa xabsiyada Kiiniya siiba magaalada Mandheere ee xadka Somalia iyo Kenya dadkaas oo badanaa  laga qabqabto iyagoo ka talaabaya xadka kala qeybiya wadamada Somalia iyo Kenya.
  Dadka Soomaalida ah  ayey ciidamada Booliiska iyo kuwa Sirdoonka Kenya ay ka qabqabtaan xadka ay magaalada Balad Xaawo la wadaagto dalka Kenyaayaa una badan ganacsato  lana ogeyn inta badan sababta ay ciidamada Sirdoonka iyo kuwa Booliiska Kenya u qabqabtaan, hase yeeshee wararka qaar  ayaa waxaa ay tilmaamaan in la weydiiyo sharciyo u ogolaanaya in ay u talaabaan dalka Kenya waxaana ay dadkasi yihiin kuwa xaaladooda nololeed laga soo deyriyo marka la qabtaan Ciidamadaasi.
Wadanka Itoobiya.

Wadanka itoobiya ayaa isna ka mida marinada ay Somalidu marto iyadoo ay dhibaatooyin badan ka soo gadhaan ciidamada kala duwan ee wadankaasi dadka Soomaalida ah, waxaa jira dad Somali ah oo ku xidhan Itoobiya siiba Caasimada Addis Ababa waxaanay  gaadhaan tiro aad u badan , kuwaas oo isugu jirra kuwo u dhashay Somalida Ogaadeeniya  iyo kuwo ka taga dalka Somaaliya iyaga oo dhammaan ay ku wada xidhan yihiin inta badan sharci darro isla markaana laga buuxiyo Xabsiyada magaalada Addis Ababa, Dadkaas qaar ayaa marka uu Ilaahay Xabsiga ka siidaayo isaga baxa dalkaas halka qaar kalena ay u guuraan magaalooyinka kale oo xogaa u dhaanta dhanka xadhiga magaalada Addis Ababa.
Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Addis Ababa ayaa sheegaya in cadaadiska ka jira magaaladaasi uu maalinba walba ka sii daro waxaana hadda loo malaynayaa in ay arintu la xidhiidho doorashadii dalka Itoobiya oo soo dhow iyo aargoosiga ay ciidamadu ku  sameyaan qaybaha kala duwan ee Somalida dhinaca siyaasada .
 
         Wadanka Suudaan.

Somalida ka sii talowda dalka Suudaan ee ku  jeeda Liibiya ayaa la qabqabtaa , halka  qaarna gudaha magalada Khartoum lagaqabqabto, kuwa kale laga soo qabto xadka Sudan la leedahay wadamada Ereteria iyo Ethiopia, waxana lagu  xidhaa  inta badan ilaa laba xabsi ee ku yaala magaalada Khartoum , Jaaliyada Somalida ee Sudan iyo  Ardayda  ku sugan magalada Khartoum ee wadanka Sudan ayaa intii awoodooda ah dhaqdhaqaaq u sameeya dadkaasi marka la xidho.

Sudan Somalida tahriibta waxa inta badan waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan waxaana ka mida dhibaatooyinkaa: in loo taxaabo xabsiyo, in lagu sameeyo jirdil, iyo in laga qaato waxyaabaha sahayda ah ee ay wataan , dadka canwaanka koonfurta suudaan ayaa iyagu aad u faraxumeeya dumarka Somalida oo ay dhibaatada ugu badani ka soo gaadho.

Somalida Sudaan lagu xidho waxaa dhacda in marmar in  laga siidaayo xabsiyada  ,dadkan marka ay  isaga talabayaan xadka saxaraha ee u dhexeeya liibiya iyo Sudaan qaar ayaa jidka  ku hadha marka ay tabardarnaadaan sahay la,aan siiba  biya la’aanta oo u  keenta  tabardaro qaar ayaa hadana la xidhaa waxaa inta badan laga qabtaa Saxaaraha Liibiya iyo Sudan udhaxeeya, marka magalada khartoum ay ka ambabaxaan, qaar ayaa baabuurta ay saaranyihiin shilal la gashaa oo sababta dhimasho iyo dhaawacyo.

Somalida tahriibta inta badan  lama ogaan Karo xabsiyada ay ku jiraan gobalada Sudan ilaa marka loo soo wareejiyo xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Khartoum kadibna waxa loo sameeyaa dadaalo badan oo lagu soo daayo.
dawladda Sudan ayaa iminka bilowday olole ay kula dagaalamayso tahriibka. dhalinyaro fara badan oo tahriib doon ah ayaa ku xayiran iminka dalka Sudan kuwaasoo ay soo food saartay xaalad adag oo dhinaca ah nolosha ah ka dib markii ay gabaabsi ka noqdeen qarashaadkii ay ugu talo galeen inay uga gudbaan saxaraha dheer ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya.

Ciidamada Amniga Sudan   ayaa xabsiga dhigay  Muqalasiinta isugu jirta Sudan, Liibiya iyo Somali kuwaasoo lagu xukumo xarig u dhexeeya ilaa 6 sano, Ciidamada ayaa  weli baadi goob ugu jira kuwo kale oo hor leh iyagoo gaaf wareega goobaha laga rari jiray ee maxdada u ahayd gawaadhida tahriibka ee isaga kala gooshi jiray Saxaaraha dheer ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya iyo meelaha kale ee doonyaha laga raaco , iyadoo ay dad badan oo mukhalisiin ahi iskaga carareen meelihii lagu ogaa markii ay arkeen inaanay sina u badbaadeyn .
Tahriibayaasha Somalida u badan ayaa ku geeriyooday waqtiyadii hore qaar ka mida  Saxaaraha u dhexeeya dalka Sudan iyo Liibiya, halka qaar kalena  ay soo gaadheen dhaawacyo qaarkood ay ahaa kuwo aad u culus kadib markii ay la qalibmeen gawaadhidii  ay la socdeen oo ku socday xawaare aad u dheereeynaaya.
Wadanka Koonfurta Afrika.
Somalida u haajirta wadankaasi Koonfur Afrika ayaa waxa ay u badan yihiin qaar ganacsiyo waaweyn ka furta wadankaasi oo dhamaan la wareegay ganacsiyadii halkaasi ka jirey arintaasina waxa keentay inay colaad kala kulmaan dadyowgii kale ee ganacsiyada wadanka u badnaa iyo dadka wadankaasi oo iyagu ah dad cawaan ah ,taasina waxay keentay in markasta meelo kale duwan oo wadankaasi lagu weeraro Muwaadiniinta Somalida wadankaasi ,oo loo geysto dilal arxandaro oo ay ku jiraan in nolosha lagu gubo  qaar ka mida dadkaasi iyo dhawacyo farabadan .
dowlada wadankaasi ayaan awood u lahayn in ay amaankooda sugto dadkaasi somalida ah ee wadankeeda ka ganacsada, iyadoo Booliska  wadankaasi ay iminka bilaabeen inay  qabqabtaan Somalida siiba kuwa ku nool magaalada johannesbrug, waxaanay  booliska Magaalada Johannesbrug sheegeen inay qab qabteen dad badan oo Somali ah  oo ku guda jirey shaqo sharci daro ah, Hillbrow waa meesha kaliye ee dadka aan sharciga ku joogin wadankan ka helaan inay sharci ay ku jogaan ka samaystaan, iyo ducoment  been abuur ah iyagoo laga qaado khidmad yar oo loogu samaynayo mid la been abuurey dawlada koonfur afrika ayaa isku dayda in arintaasi in ay ka hortagto, Captain Boliska ah lana yidhaahdo Mr, Bhekizizwe Mavundla kuna shaqo lahaa dad badan oo mar la soo qabtay  ayaa saxaafada u sheegay inay u soo xidh xidheen dadkaasi ka dib markii loo taag waayey inay joojiyaan shaqada ay hayaan oo ah mida ay dawladu ku shaqo leedahay.
Shaqada dadka laga soo dhex qabqabto ayaa ah mid ay dawladu in dhawaalaba  ka cabaneysey oo ah in qofka ay u sameeyaan sharci uu wadanka ku joogo sida  Passportka, Daganaanshaha iyo waraaqada ay ku jogaan dadka iyagu ah qaxootiga oo inta badana marka ay ka dhacdo waraaqda ay ku jogaan wadankaan ka soo samaysta Hillbrow.
 ujeedada dadkaasi  loo soo qabqabtay ayuu ku sheegay captain mavundla in  dadka la xidhay ay ahayeen sidii looga hortiga lahaa musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, in daganaansho lagu so dabaalo wadanka iyo inay si sax ah u helaan dadka raba inay ku jogaan si sharci ah wadanka., Sidoo kale mar uu ka hadlayay Mr. Bhekizizwe Mavundla arinta amniga ayaa waxaa uu ku sheegey inay lagama marmaan tahay bulshadu inay ku noolaato si nabdoon oo xor ah, laakin hadii la waayo wax nabad ah lama helaayo sharci iyo kala danbeyn , annaguna hadafkeeno waxaa u yahay inaan ilaalino kana hortgano waxii dhib u keeni kara ama aan u aragno inuu dhib ku yahay wadankayaga, waxaa kale uu sheegey in la soo taagi doono dadkaasi aanu qabanay dhamantood Maxkamad Ku talaa Magaladan Johannesbrug ee Magistrate’s Court, iyagoo la marsiin doono xukun.
Xabsiyada wadanka koonfur afrika  ayaa waxaa ay la ciir ciirayaan dad laga soo qab qabtey Airport yada wadankaas oo dhamantood watey sharci laga soo samayey Hillbrow taas oo keentay  in la soo qab qabto tiradii ugu badneyd abid  dad xabsi la geynaayo wadanka koonfur afrika , Xabsiyada ayaa waxaa u badan dadka wadankan qoxootiga ku jooga oo si sharci ahna ku shaqeysta, sidaas oo tahayna waxay ka doorbidayaan inay ka sii dhoofaan iyagoo adeegsanaya inay sharci been abuur ah samaystaan ka dibna ka isku dayaan inay ka dhoofaan wadanka iyagoo hamigoodu yahay inay gadhaan wadamada reer galbeed……….
 
Wadanka Liibiya …….. La soco Qaybta 2aad…

Adan Yusuf Elmi , Birmingham UK.

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.