Murti Waayeel ayaa ahayd “Wixii Rag u kaco Rabina aqbalo waa rumoobaan” waxaa taas ka dhigan , marka aad Cajalada Maskaxdaada dib u yar celiso
mudo Sanad ah, Muuqaalka aad helayso ayaa wuxuu yahay in Magaalada Ceergaabo gaadhay Horrumar wax ku oola inkasta oon la gaadhin
halkii iyo meeshii la rabay,hadana dhoobada waa laga kacay baan odhan karnaa, waxay ku timi taasi dedaal dheer oo ay galeen dadka u dhashay Magaalada Ceergaabo, gudo iyo dibadba,
Waxaa marar badan soo noq-noqotay Caafimaad ma jiro,Waxbarasho ma jirto, shaqo aan Askari ahayn Ma jirto, balse waxaad moodaa in hada Joogaa aadka u hooseeya
sare looga soo kacay, Waxa Caafimaadka iyo waxbarashadu Gaadheen halkii ugu hoosaysay, intii qof bini’adam ahi xaq u laha inuu helo, Caafimaadka ayaa gaadhay derejada ah Hooyo iyo ilme is raaca hal mar (Umul aroorta), iyagoo waliba Safar dheer ugu jira Hargaysa iyo Burco, Dhanka kale Waxbrarshada ayaa Gaadhay heer ay xidhmaan dugsiyada sare qaar ka mid ahi,
Inkastoo aanay Magaalada Ceergaabo ahayn Magaalo ganacsi, dhibaato wayna uu ku hayo Sicir bararka Afeeyey Gobolada la jaarka ah Gobolka Sanaag
hadana waa Magaalo Hesha xoog Koronto oo joogto ah, isla markaana 24ka saacadood la heli karo , Biyaha oo ah Meel ay Hodon ku tahay Magaalada Ceergaabo, ayaa iyana ah kuwo hada Cidhif kasta oo Magaalada laga heli karo waxaana haatan la sheegaya in Qiimaha Jagooyinka banaani kor u kac ku ymi, sidoo kale , waxaa Haatan ka Hawl gala Shan Shirkadood Oo isgaadhsiineed, Iyo Xawaalado aad u badan , kuwaas oo dadka reer Sanaag ku dhaliilaan in aanay la qaybsan marna dhibaatada ay ku jiraan ( Waa Shirkadaha gaarka loo leeyahaye) ama aanay waxba uga soo celin waxa ay ka Macaashaan , taas oo aynaan wali arag Shirkad
is cadaysay ama ku deeqday Wax buuran oo la isla arko marka laga reebo Shirkada Xawaalada Dahabshiil oo maanta lacag gaadhaysa 10600$ ugu deeqday Cusbitaalka Shifo, iyagoo ka sameeya Shirkaduhu Gobolada kale ee dalkaba, Nidaamka soo celinta Fa’iidada dadku bixiyo,
Dedaalada oo ahaa sida kuwa Maayada iska daba imanayay, Waxaa samaysmay Ururo Jaaliyadeed oo awood badan,kuna Hawl gala Magaca Gobolka Sanaag
waxay ka jawaabeen dhamaan dalabaadyadii u darnaa, waxay u hawl galeen sidii Dadka Gobolka Sanag u dhashay Gudo iyo Dibad isugu tashan lahaayeen
kadibna wax u wada raadsan lahayeen , wadadaas oo ilaa haatan lagu socdo, Ururadaas kuwa ugu tunka wayn ayaynu ka magacaabi karnaa UHS, UtWS/Dubai, Iyo UHS/Uk.
HADABA WAXAA IS WAYDIIN MUDAN MAXAA LA GAADHAY?
Dhibaatadu iyadoo ahayd mid mudooyin badan soo jiitamaysay ,ayna tahay in wax looga qabto si tartiib tartiib ah, hadana waxaa haatan Magaalada Ceergaabo ka hawl gala Cusbitaal Gabi ahaantiiba Cusub,marka laga yimaado kii General Hospitalka ahaa, laguna Magacaabo Shifo Hospital wuxuu ku yimi dedaal dheer oo ay sameeyeen, dadka reer Sanaag l, waxa uu wax wayn ka tari doonaa hadii uu u hawl galo sida loogu talo galay, waaxa ka Hawl gali doona Dhakhaatiir Ajaanib iyo Somali ahba, waana mid lagu diirsaday Dhismihiisu, dhanka kalena waxaa lagu guulaystay in wax laga qabto Waxbarashada oo aynu ka soo qaadan karno Dugsiga sare ee Xaaji Adan Sec. oo Macalimiintiisa loo qoray Guno, iyo Gabi ahaanba Qalabkii iskuulka oo la dhamaystiray , kaas oo haatan Labada Galinba ay dhigtaan Ardaydu ayna wax ka bartaan in ka badan 1000 arday halka arkdaydu markii hore ugau bedelan jirtay magaalooyinka kale, hada isaga aya loo soo bedeshaaba, Jaamacada Sanag University ayaa dhowaan la bilaabay , iaydoo Qaadatay Ardaydii ugu horaysay isla markaana
hada ardayu Dhigtaan Courses Foundation ah, wuxuuna Maamulka Jaamacadaasi ku balan qaaday in ay tayada Waxbarasho kor u qaadi doonaan ,
Waxa Alle mahadii ah, Mar hadii haatan Dhaqdhaqaaq ka socdo in Shumaca haatan baxaaya ay tahay in Qofkastaa uu halka iyo mesha kaga aadan kaga beegmo, Dadka reer Sanaag
waxay Dabeecad la wadaagaan dadka Somalida ah oo lagu yaqaan marka hore in wax waliba si Xawli ah ku bilaabmaan, lakin taas aad aya loogala Han wayn yahay in ay ka soo laabtaan halka ay maanta marayaan in ay ku sii daraan Orodk mooyaane, Waxaan ku soo Gunaanadayaa Hawsha Qalina ”Hawl kama daalooyin wali waa Hogadii”.
sanaag.org
sanaaginfo@gmail.com